| Dhageyso |
 |
|
|
|
Real Madrid oo
u tafa xeydatay Wenger iyo Benitez midkood iyo qubanayaal kale.

13.03.2010, deeyoo.com.
Kooxda Real Madrid ayaa waxay doonaysaa in ay
iska ceyriso Tababaraha hadda Leyliyo kadib markii uu kooxda u
hogaamiyay in ay kasoo harto tartanka koobka horyaalada Yurub.
Naadiga weyn ee wadanka Spain Real madrid ayaa waxaa ay kala
kulantay natiijooyin aan wanaagsanayn tartanka koobka horyaalada
Yurub iyadoo ay kasoo reebtay kooxda reer Faransa ee Lyone.
Sida ay qorayaan wargaysyada caalamka ayaa sheegaya in kooxda
Real Madrid ay haatan baadi goob ugu jiraan badalka Tababaraha
kooxdaas Pelegrino oo naadiga u hogaamiyay natiijooyin aan
wanaagsayn.
Tababarayal dhowr ah ayaa lagu arkay shaxda tababarnimo ee
kooxda Real Madrid waxaana ugu horeeya Tababaraha kooxda
Liverpool Rafiel Binetis waxaa kaloo kamid ah Tababaraha kooxda
Arsenal Arsen Wenger.
*********************************************************************
Kooxda Manchester City ayaa waxaa ay ku soo biirtay kooxaha
doonaya xidiga reer Nigeria ee Ramos Azeez.
Xidigaan ayaa waxaa sidoo kale raadinaya kooxo dhowr ah oo ay
kamid tahay kooxda Manchester Utd oo ay isku magaalo ka dhisan
yihiin kooxda Manchester city waxaana xidigaan Azeez uu yahay
mid ku sugan dalkiisa Nigeria.
*****************************************************
Kooxda Real Madrid ayaa waxay doonaysaa in ay la wareegto xidiga
weerarka wadanka Ingiriiska iyo kooxda Manchester utd Wayne
Rooney.
Xidigaan xoogan ayaa waxaa u hanqal taagaya Real Madrid kadib
markii xiligaan uu cayaaro wanaagsan kasoo bandhigay tartamada
uu kooxdiisa u cayaaray waxaana ugu dambeeyay kulankii Ac Milan
ay kooxdiisa la cayaaraysay.
Wararkaan ayaa waxaa qorey wargaysyada kasoo baxa dalka Spain
kuwas oo sheegay in madaxda sare ee Real Madrid ay ka
dhawaajiyeen doonista xidigaan u dhashay wadanka ingiriiska.
*****************************************************
Xidiga ay bartilmaameed sanaysay kooxda Manchester Utd ee Igor
Akinfeev ayaa waxaa uu u saxiixay qandaraas cusub kooxdiisa CSKA
Moscow.
Xidigaan oo lagu waday in uu ku soo biiro Manchester utd ayaa
tani waxay dib u dhigi kartaa hankii Manchester utd ay ku
doonaysay in ay kula soo wareegto.
******************************************
Kooxda Stoke ayaa waxay doonaysa in ay dib ugu soo celiso
horyaalka ingiriiska xidigii hore ee kooxda Liverpool Jermaine
Pennant.
Xidigaan Pennant ayaa haatan waxaa uu u cayaaraa kooxda ka
dhisan wadanka Span ee Real Zaragosa.
*******************************************************************
Taageerayaasha kooxda Manchester utd ayaa waxay doonayaan in ay
u diraan fariin xidigihii hore ee kooxdaas si ay ugu gacan
siiyaan banaan bax ay ugu soo horjeedaan qoyska reer Glazer.
Xidigaha ay fariinta ay u dirayaan ayaa waxaa kamid ah
Peter Schmeichel iyo Eric Cantona.
*************************************************************
Tababaraha wadanka Ingiriiska Fabio Capello ayaa waxaa uu
sheegay in uu doorbidaayo in uu kusoo daro xulka Ingiriiska
daafaca kooxda Manchester Utd Gary Neville.
Sababaha uu ugu yeerayo xidigaan ayaa ah kadib markii laga
deyriyay xaaladda caafimaad ee daaca kooxda Liverpool Glen
Johnson.
Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
002521-5140242
deeyoo_edit@hotmail.com
|

Halkan
riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore
|