| Dhageyso |
 |
|
|
|
Maxaad
Ka taqaanaa 10-ka cayaarood ee kubadda Cagta Talyaaniga ay ka
sheegteen Garsoorka

06.03.2010, deeyoo.com.
wadanka Talyaaniga Talyaaniga ayaa waxa uu caan
ku yahay marka laga adkaado xulkiisa ama Naadiyadiisa in uu ka
sheegto cadaalad darro dhanka Garsoorka ah.
hadaba qormadaan waxaan ku soo qaadanaynaa 10-ka mid ah
cayaarihii ay ka sheegteen Reer Talyaani hadii ay ahaan lahayd
mid xul ama Naadi Talyaani ah.
1) ITALY v South Korea 2002 – Byron
Moreno
ciyaarihii lagu qabtay dalalka K/Korea iyo Japan sanadkii
2002 koobkii adduunka ayaa wadanka Talyaaniga wuxuu ku soo haray
wareega 2-aad ama 16-ka waxaana kasoo reebay mid kamid ah
dalalkii marti galinayay koobkaas waana K/Korea oo ku soo reebay
dalka Talyaaniga Rigooge ama gool ku laad waqtiga dahabiga
(Golden Goal) ama gool dahabi ah waxaana dalka Talyaaniga ay
sheegeen in garsooraha uu cadaalad daro ku sameeyay gacanka
Talyaaniga oo rigooraha uu si qaldan kaga dhigay.
Hadaba waa kuma garsooraha
dhex dhexaadinayay kulankaas?
waxaa lagu magacaabaa Byron Moreno
waxaa uu u dhashay wadanka Ecuador waxaa uu ku adkaystay
garsoorahaan in calaamadii uu siiyay Totti iyo rigooraha in
dhamaan go'aankaas uu qaatay uu ahaa mid sax ah iyadoo rigooraha
uu dhigay kadib markii daafaca wadanka Talyaaniga Christian
Panucci uu qalad ku galay gudaha Barta ganaaxa waxaana
rigoorahaas si wanaagsan shaqabaqa uu ku jirey gool haye Buffon
dhex dhigay weeraryahankii hore ee kooxda Perugia Ahn Jung-Hwan.
dalka Talyaaniga ayaa sidoo kale ka cawday isla koobkii
adduuunka ee 2002 cayaarihii guruubka waxayna ka sheegteen
garsoorka in uu ka diiday goolal kulamado ay Croatia and Mexico
la cayaareen.
2) Bayern Munich v FIORENTINA – Tom
Henning Ovrebo
Cawashada kuma koobna oo kaliya xulka wadanka Talyaaniga
sidoo kale Taagerayaasha reer Talyaani ee kooxda Fiorantino ayaa
waxay ka cawdeen kulankii dhexmaray kooxdooda iyo naadiga weyn
ee wadanka Jarmalka ee Bayern Munich kaasi oo ka tirsanaa
wareega 6-ka ee koobka horyaalada Yurub waxaana looga adkaaday
2-1 iyadoo ay sheegeen in garsooraha uu ku fasaxay kubad Offside
ah taasi oo uu ka dhaliyay Klose.
kulankaan waxaa dhex dhexaadinayay garsooraha lagu magacaabo
Tom Henning Ovrebo waxaa uu u
dhashay dalka Norwey waxaana uu yahay garsoore ay ka sheegteen
Tifoosayaasha kubadda cagta Talyaaniga iyagoo sheegay in uu ku
si qalad ah calaamad uu ku siiyay xidiga naadiga Viola ee
Massimo Gobbi.
3) ITALY v Romania 2008 – Tom
Henning Ovrebo
Garsooraha lagu magacaabo Tom
Henning Ovrebo oo u dhashay wadanka Norwey ahna garsoorihii
aan ku soo xusnay in uu dhex dhexaadiyay kulankii bishii lasoo
dhaafay ee Febrayo dhexmaray Fioratino iyo Bayern Munich ayaa
waxaa uu dhex dhexaadiyay kulankaan waana mid ay sidoo kale ka
cawdeen reer Talyaani.
kulankaan ayaa waxaa uu dhexmaray dalka Talyaaniga iyo Romania
Euro 2008. waxaa Talyaaniga uu ku sigtay in uu ka haro
tartankaan.
Dalka Talyaaniga ayaa ku sigtay kulankaan in uu ka haro kadib
markii gool Rigoore oo muran dhalisay uu dhigay Garsoorahaan
reer Norwey ah ee lagu magacaabo
Tom Henning Ovrebo Laakin rigoorahaas waxaa bad baadiyay
gool hayaha dahabiga ee reer Talyaani Gianluigi Buffon kaasi oo
ka qabtay weeraryahankii hore ee kooxda Parma Adrian Mutu taasi
oo hadii laga dhalin lahaa Talyaaniga ka hari lahaa koobka
Euro2008.
4) Liverpool v INTER 2008 – Frank
De Bleeckere & Tom Henning Ovrebo
Kulamadii dhexmaray kooxaha Liverpool iyo Inter ee koobka
horyaalada Yurub xili ciyaareedkii 2007/2008 ay si weyn ugu
cawdeen garsoorka labadii kulan ee Liverpool ka badisay Inter
Milan.
kulamadaas mid kamid ah waxaa uu garsoorihii dhex dhexaadinayay
Frank De Bleeckere uu ka saaray
daafaca wadanka Talyaaniga iyo naadiga Inter Marco Materazzi
kadibna waxaa uu bixiyay labo calaamadood oo jaalo ah kuwaas oo
lagu sheegay in ay ahaayeen jaalayaashii ugu fududaa ee ebed ay
arkaan taageerayaasha kubadda cagta.
Kooxda Inter ka saaridii garoonka laga saaray Marco Materazzi
waxay ku qasabtay in ay ku cayaarto 10 xidig saddex meelood labo
meel oo kamid ah waxaana ka dhashayday labo gool oo ay ka kala
dhaliyeen Dirk Kuyt iyo Kabtan Steven Gerrard.
markii la isugu sooo laabtay cayaartii 2-aad ee koobka
horyaalada yurub guri ka guri ee dhexmaraytay naadiyadaan ka
kala dhisa dalalka Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa waxaa dhacday
in Inter looga adkaaday 1-0 waxaana kulankan 2-aad ay ka
sheegteen garsoorka waxaana dhex dhexaadinayay
Tom Henning Ovrebo oo u dhashay
wadanka Norwey waana garsoore ay ku sheegeen taageerayasha
Talyaaniga mid ku sameeya cadaalad daro iyagoo marka ay arkaan
in ciyaar Talyaani uu dhex dhexaadinaayo ay iyaga ka quustaan
kulankaas.
5) ROMA v Arsenal 2009 – Manuel
Mejuto Gonzalez
kulankaan reer Talyaani waxay ka sheeganayaan mar kale
garsoorka waxaana kulankaan uu dhex maray kooxaha Roma iyo
Arsenal oo ka tirsanayd koobka horyaalada Yurub wareegiisa 16-ka
waxaana ay ka dhacday garoonka
Stadio Olimpico iyadoo lugtii 1-aad ay 1-0 Arsenal kusoo
badisay garoonkeeda Emirates
waxaana dhex dhexaadinayay garsoorahaan lagu magacaabo
Manuel Mejuto Gonzalez isagoo
diiday in uu dhigo qalad uu galay Gael Clichy waxaana 99%
garsoorayaashii daawaday kulankaas ay isku raaceen in uu ahaa
rigoore laakin Manuel Mejuto
Gonzalez uu diiday.
6) MILAN v Liverpool 2005 – Manuel
Mejuto Gonzalez
Garsoorahaan Manuel Mejuto
Gonzalez waxaa uu dhashay wadanka Spain waxaa uu dhex
dhexaadiyay ilaa 37 kulan oo koobka horyaalada Yurub ah waxana
kamid ah kulankaan.
kulankaan ayaa Ac Milan ay ku hogaaminaysay 3-0 qeybtii hore ee
cayaarta waxana ay ahad Final waxaa markii la isugu soo laabtay
cayaarta qeybteeda dambe uu rigoore u dhigay Liberpool taasi oo
lagu galay Gerard kabrnka Liverpool kadib isagoo xawaaro xoogan
ku socday uu gadaal ama ciribta uu ka taabtay Gattuso kadibna
garsooraha uu u dhigay rigooore aysan jeclaysanin taageerayaasha
Ac Milan waxayna ciyaarta maraysay 3-2 oo ay Milan ku
hogaaminaysay waxaana Liverpool u dhaliyay Xabi Alonso kana
dhigtay cayaarta 3-3 waxaana looga badiyay Milan Rigoorayaal.
7) Liverpool v JUVENTUS 2005 -
Frank De Bleeckere
Garsoorayaasha ay inta badan ka cawdaan dalka Talyaaniga
ayaa waxaa ay yihiin kuwo inta badan dhex dhexaadiyay cayaaraha
muranka dhaliyay ee xulka ama Naadiyada Talyaaniga ay cayaareen
waxaana kulankaan uu dhexmaray Liverpool iyo Juventus waxayna
ahayd wareega 8-da ee koobka horyaalada Yurub sanadkii 2005
waxaana ay Liverpool ku badisay 2-1 isku cel celis labadii lug.
Juventus ayaa waxay ku
andacootay in gool ay iyaga u arkeen mid sax ah in laga diiday
kadib Del Piero uu dhaliyay Offside ah.
8) Lyon v FIORENTINA 2008 – Peter Frojdfeldt
Kulankaan waxaa uu dhexmaray Lyone iyo Fiortantino waxaana
uu uu ka dhacay garoonka kooxda Lyone ee Stade Gerlad waxaaana
ay Viola ku hogaaminaysay cayaarta 2-0 waxaana ka harsanayd 17
daqiiqo cayaarta oo dhan waxaaana dhacday in la soo bar bareeyay
oo laga dhigay cayaarta 2-2.
9) Netherlands v ITALY 2008 – Peter
Frojdfeldt
kulankaan waxaa uu ahaa furitaanka guruubka waxaana uu
dhexmaray Talyaaniga iyo Holland waxaana wadanka Talyaaniga
looga badiyay 3-0 waxana kamid ahaa gool muran dhaliyay kaasi oo
Talyaaniga ay ku tilmaameen in uu ahaa Offside laakin gudiga
garsoorka Uefa ay sheegeen in uusan ahayn Offside laakin cayaar
gal ay ahad kubadda waxaana ay sabab kaga dhigeen iyadoo
Christian Panucci, oo dhaawacan uu ka dambeeyay oo uu ka jiray
dhanka goosha waxaana Christian Panucci, uu ahaa mid dhaawac
fudud uu soo gaaray Fifana ay sheegtay in uu yahay xidigaas mid
shaqaynaya oo wali ka mid ah xidigaha ku jira garooonka.
kulankaan waxaa dhex dhexaadinayay garsooraha u dhashay wadanka
Sweden ee lagu magacaabo Peter
Frojdfeldt
10) LAZIO v Dinamo Bucharest 2007 – Tom Henning Ovrebo
kulankaan waxaa uu dhexmaray kooxaha
LAZIO iyo Dinamo Bucharest waxa
ay cayaarayeen koobka horyaalada Yurub.
cayaartaan waxaa ka dhacday cadaalad daro intee rabto ha la
ekaato kadib markii kooxda Lazzio laha saaray xidig ka tirsan
naadigana laga diiday fursado ay gool ku dhalin kareen labo
jaalo oo aanan xidiga garoonka laga saarin uu sameeyay garsoore
Tom Henning Ovrebo oo ilaa afar
kulan la sheegay in uu si aanan cadaalad ahayn uu u qabtay
cayaaraha.
Garsoore Tom Henning Ovrebo
ayaanan wax calaamad ah aanan siinin xidiga kooxda
Dinamo Bucharest ee Valentin
Nastase kaasi oo si ula kac ah u xusuleeyay ama u suxuleeyay
xidiga kooxda Lazzio Emilson Cribari kaasi oo muddo labo bil ah
ku maqnaa dhaawacaas waxana halkaas ku haray Lazio oo
garoonkeeda bar baro 1-1 ah la gashay iyadoo lugtii hore laga
badiya Lazio.
Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
002521-5140242
deeyoo_edit@hotmail.com
|

Halkan
riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore
|