Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  100 maalmood oo ka dhiman furitaanka koobka aduunka iyo heesta astaanta Wavin’ flag ee fanaanka Soomaaliyeed K`naan

Sepp Blatter

02.03.2010, deeyoo.com.

Waxaa ka dhiman 100 maalmood furitaanka tartanka xiisaha badan ee koobka aduunka oo bartamaha sanadkan lagu qaban doono markii ugu horeysay qaarada Afrika.

Xaflad lagu bilaabayey tirinta maalmaha ka harsan koobka aduunka oo maanta ka dhacday magaalada Durban ee dalka Koofur Afrika ayuu gudoomiyaha FIFA Sepp Blatter muujiyey sida uu ugu qanacsan yahay diyaar garowga ay sameysay Koofur Afrika isagoo saxaafada u cadeeyey in wax kasta ay u socdaan sidii loogu tala galay.

Sepp Blatter ayaa dhowaan sheegay in 8 ka mid ah 10ka garoon ee lagu cayaari doono kulamada koobka aduunka uu si aad ah ula dhacay inkastoo labo ka mid ah aysan weli soo dhameystirmin oo uu naash naash ka dhiman yahay ka hor furitaanka koobka aduunka.

Blatter ayaa dhaliilay qaar ka mid ah saxaafada oo uu sheegay in  mararka qaar ay shaki geliyaan habsami u qabsoomida koobka aduunka shakigaas oo keena kara iney lunto qeyb ka mid ah xiisihii loo hayey koobka aduunka.

- Mararka qaar weyna murjineysaa shaki kasta oo la geliyo habsami u qabsoomida tartankan aniga iyo FIFAba waxaase idiin sheegayaa inuusan jirin wax haba yaraatee shaki ah ayuu blatter 3 jeer ku celceliyey isagoo dhex taagan garoonka DURBAN kana muuqatay farxad iyo kalsooni dheeraad ah.

- Aan gacmaha is qabsano dhamaanteen si aan u qaban qaabino koobka aduunka markaasna iska wareysano sidii uu u dhacay dhamaadka bisha Luulyo ayuu ku booriyey guud ahaan intii kasoo qeyb gashay xafladii lagu xusaayey 100ka malmood ee ka dhiman furitaanka koobka aduunka.

Xafladaan waxaa lagu soo bandhigay barnaamijyo heeso iyo maawaalo isugu jiray.

Koobka aduunka wuxuu bilaabmayaa 11ka bisha Juunyo ee sanadkan waxaana xusuus mudan in fanaanka weyn ee Soomaaliyeed Keynaan Cabdi Warsame ka qaadayo furitaanka heesta astaanta koobka aduunka ee Wavin’ flag.

 

 

 

 

 

 

 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com