|
Bellamy oo sheegay ineysan filanwaa
aheyn fadeexadii gogol dhaafka ee Terry iyo John Terry oo u
jawaabay

Terry oo hawada salaamaya 02.03.2010, deeyoo.com.
Kabtanka kooxda Chelsea John Terry ayaa markii
ugu horeysay saxaafada la hadlay tan iyo fadeexadii gogol
dhaafka ee uu kuwaayey saaxiibkiisii qaaliga ahaa iyo
kabtanimada qaranka Ingiriiska.
John Terry oo aan hadalkiisa la maqlin tan iyo
markii ay soo shaac baxday inuu la saaxiibay isla markaana
uureeyey jaceylkii hore ee Weyne Bridge Vanessa Perroncel oo
wiil 4 jir ah isku dhalay ka hor intii aysan kala tegin.
- Dhagax ma tuuro nin degen guri muraayad ka
sameysan ayuu Terry hadal gaaban ugu jawaabay eedeyntii Bellamy
sida uu ay soo warisay wakaalada wararka Ingiriiska
PA.
Terry ayaa u jawaabay hadal uu Sky Sports siiyey
xidiga ay isku kooxda yihiin Weyne Bridge waa Bellamy oo
kulankii ay Man.City 4-2 kaga adkaadeen Chelsea ka dib sheegay
in shakhsiyada Terry uu si aad ah u yaqaan isla markaana aysan
filanwaa ku noqon waxa uu ku kacay Terry.
- Waxaan u maleynayaa in cayaaryahanada oo dhan
ogyihiin sida ay tahay shakhsiyada John Terry marka uusan
garoonka ku jirin hase yeeshee marka uu cayaarayo waa hogaamiye
iyo laacib weyn ayuu sii raaciyey Bellamy mar wax laga weydiiyey
xaalada Terry.
Jawaabta Terry ayaa u muuqata in Bellamy
laftiisa uusan aheyn nin nadiif ah isagoo boga hore ee
wargeysyada Ingiriiska marar badan lagu arkay.
Weyne Bridge ayaa diiday ka hor bilowgii
cayaarta inuu gacan qaado saaxiibkiis hore Terry oo markii uu
gacan usoo taagay kasii jeestay siina waday inuu gacan qaado
xidigaha kale ee Chelsea oo intooda badan waqti badan isla soo
qaateen xiligii uu u ciyaari jiray Chelsea.
John Terry oo ah xaasle laba caruur ah leh ayaa
maalmihii ugu dambeeyey waxaa badatay hadal heynta gogol
dhaafkii uu ku kacay taasoo sababtay in Weyne Bridge uu ku
dhawaaqo inuusan ka dhinac cayaari doonin Terry sidaasna uu ku
diiday inuu ka mid noqdo xidigaha Ingiriiska u matalaya koobka
aduunka.
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com
|