|
Ma ogtahay
....? Mise ogtahay ......?? Waxaan qeybtaan kusoo qaadaneynaa wayaabihii
taariikhda galay ee ka dhacay tartanka xiisaha badan ee koobka
aduunka tan iyo markii uu bilowday sanadkii 1930kii anagoo marba
qeyb soo qaadaneyno. Barnaamijkan oo aan bilownay ka hor koobkii
aduunka 2006 wuxuu socon doonaa ilaa inta aan isleenahay waa soo
qaadateen waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee ka dhacay koobka
aduunka oo kiisii 19aad bartamaha sanadkan ka furmi doono dalka
Koofur Afrika.
2010, deeyoo.com.
F.G:
Hadii aad doonto inaad ogaatid natiijooyinkii
koobka aduunka ee lasoo dhaafay riix hadba sanadka la qabtay ee
hoos ku qoran.
'34 |
'38 |
'50 |
'54 |
'58 |
'62 |
'66 |
'70 |
'74 |
'78 |
'82 |
'86 |
'90 |
'94 |
'98 |
'02 |
'06
Ma ogtahay
akhristow in goolhayihii qaranka Talyaaniga ee ku guuleystay
koobka aduunka 1982kii Dino Zoff yahay cayaaryahanka ugu da`da
weyn ee ku guuleystay koobka aduunka isagoo ahaa 40 sano iyo 133
maalin jir, mise ogtahay akhristow in boqorka kubada cagta
aduunka Pele yahay cayaaryahanka ugu da`da yar ee ku guuleystay
koobka aduunka isagoo ahaa 17 sano iyo 249 maalmood sanadkii
1958kii.
Ma ogtahay akhristoow in xulka dalka
Argentina yahay dalka qaatay kaararka ugu badan (jaale iyo
guduud) taariikhda koobka aduunka iyagoo loo taagay 98 kaar,
mise ogtahay akhristow in qranka Argentina uu sidoo kale
hogaanka u haya qaadashada calaamada guduudka iyadoo
cayaaryahanada qaranka Argentina loo taagay 19 guduud.
Ma ogtahay
akhristow in koobkii aduunka ee 1994kii lagu qabtay dalka
Mareykanka la iibiyey 3,587,538 (sadex milyan shan boqol
sideetan iyo todobo kun iyo shan boqol sodon iyo sideed)
bilyeeti taasoo ah kasoo qeyb gelayaasha ugu badan ee hal tartan
koob aduun, mise ogtahay akhristow in kasoo qeyb gelayaashii
koobka aduunka 1994kii ay 10 jibaar ka badan yihiin kasoo qeyb
gelayaashii koobka aduunka 1934kii oo ah tartanka ugu kasoo qeyb
gelayaal yaraa iyadoo ay garoomada soo xaadireen 358,000 oo
taageere.
Ma ogtahay
akhristow in 20 kulan oo ka tirsan koobka aduunka lagu kala
baxay rigoorayaal tan iyo markii la dhaqan geliyey 1982kii
iyadoo labo ka mid ah labaatankaan ay ahaayeen finaale (94 iyo
2006), mise ogtahay akhristow in xulka Jarmalka wada badiyey 4
jeer oo ay rigoorayaal cayaareen sanadihii (82, 86, 90 iyo 2006)
taasoo ka dhigeysa dalka keliya ee labo ama ka badan rigoorayaal
cayaaray oo wada badiyey.

Ma ogtahay
akhristoow in xulka qaranka Jarmalka (kala maqnaashihii labada
Jarmal intii u dhexeysay 1954kii ilaa 1990kii waxaa soo
qaadaneynaa goolashii laga dhaliyey Jarmalka Galbeed oo keliya)
yahay qaranka laga dhaliyey goolasha ugu badan ee dal laga
dhaliyo taariikhda koobka aduunka iyagoo shabaqooda la cuskiyey
112 gool 16kii koob aduun ee ay ka qeyb galeen, mise ogtahay
akhristow in xulka Jarmalkii Galbeed ee ku guuleystay koobkii
aduunka 1954kii laga dhaliyey 14 gool taasoo ah goolasha ugu
badan ee laga dhaliyey dal ku guuleystay koobka aduunka.
Ma ogtahay
akhristow in cayaaryahan Lucien Laurent oo u dhashay dalka
Faransiiska dhaliyey goolkii ugu horeeyey ee laga dhaliyo
tartanka koobka aduunka 1930kii uuna ka dhaliyey xulka dalka
Mexico, mise ogtahay akhristow in tirada guud ee goolasha laga
dhaliyey taariikhda koobka aduunka sii cagacageyneyso 2063
iyadoo goolkii ugu dambeeyey 2006 Materazzi ka dhaliyey qaranka
Faransiiska.
Ma ogtahay
akhrisrow in kulankii xiisaha badnaa ee xulka dalka Bortoqiiska
1-0 kaga badiyeen Holland koobkii aduunka 2006 noqday
kulankii ugu kaar bixinta badnaa (jaale iyo guduud) iyo weliba
kulankii ugu guduud qaadasho badnaa taariikhda koobka aduunka
iyadoo garsoorihii cayaartaas qeybiyey 16 jaale iyo 4 guduud,
mise ogtahay akhristow in isla kulankaas xulka Bortoqiiska dalka
qaatay kaararka ugu badan kulan ka tirsan koobka aduunka.
Ma ogtahay
akhristow in koobkii aduunka 1998kii lagu qabtay dalka
Faransiiska heysto iskoorka goolasha ugu badan ee hal tartan
laga dhaliyo koobka aduunka iyadoo shabaqa lagu ruxay 171 gool,
mise ogtahay akhristow in koobabkii aduun ee 1930kii iyo 1934kii
lagu kala qabtay Uruguay iyo Talyaaniga la dhaliyey tirada
goolasha ugu yar ee koobka aduunka oo ah min 70 gool oo keliya.

Zidane iyo finaalihii 2006
Ma ogtahay
akhristoow in xidigii weynaa ee
qaranka Faransiiska Zinadine Zidane yahay ciyaaryahanka qaatay
tirada ugu badan ee calaamadaha ama kaararka jaalahaiyo guduudka
taariikhda koobka aduunka isagoo 6 kaar qaatay waqtigii uu
cayaarayey tartamadii koobka aduunka 1998, 2002 iyo 2006 isagoo
iskoorkaas la wadaaga difaacii weynaa ee Brazil Cafu, mise
ogtahay akhristow in Zidane
sidoo kale uu heysto iskoorka cayaaryahanka ugu badan ee loo
taagay calaamada
guduudka isagoo iskoorkaan la wadaaga laacibka reer Cameroon
Rigobert Song oo min laba guduud hogaanka ku haya.
Ma ogtahay
akhristoow in tababare Bora Milutinoviæ oo u dhashay dalka
Serbia yahay macalinka leyliyey qaramada ugu badan ee ka qeyb
galay koobka aduunka isagoo ahaa macalinka dalalka (Mexico,
1986; Costa Rica, 1990; USA, 1994; Nigeria, 1998 iyo Shiinaha
2002), mise ogtahay akhristoow in Bora Milutinoviæ heysto
iskoorka tababaraha ugu badan ee ka qeyb gala koobka aduunka oo
ay min 5 jeer kuwada hogaaminayaan macalinka weyn ee reer Brazil
Carlos Alberto Parreira oo marka laga reebo qarankiisa soo
hogaamiyey dalalka carbeed ee Kuwait, 1982; United Arab
Emirates, 1990 iyo Saudi Arabia 1998.
Ma ogtahay
akhristoow in goolhayayaasha caanka ah ee Talyaaniga Gianluigi
Buffon 2006 iyo Faransiiska Fabien Barthez 1998 ay heystaan
iskoorka boortayaasha qaaday koobka aduunka ee laga dhaliyey
goolasha ugu yar markii min 2 gool oo keliya shabaqooda lala
helay tartamadaas oo dhan, mise ogtahay akhristoow in
goolhayihii xulka Switzerland ee 2006 Pascal Zuberbühler yahay
boortaha keliya ee aan wax gool ah laga dhalin inkastoo markii
dambe qarankiisa lagu reebay rigoorayaal markii ay wareega 2aad
isku soo aadeen xulka Ukraine oo ay 0-0 iskula ag dheceen
waqtigii caadiga ahaa.
Ma ogtahay
akhristoow in kulankii ugu goolasha
badnaa taariikhda koobka aduunka uu ahaa kii dhexmarey qaramada
Austria vs Switzerland oo ku dhamaadey 7-5 oo ay guusha ku
raacdey xulka dalka Austria koobkii aduunka ee 54kii lagu qabtey
Switzerland, mise ogtahay akhristoow in kulankaas oo querter
finaale ahaa ay qeybtii hore 3-0 ku hogaaminayeen dalkii
martigelinayey ee Switzerland oo qeybtii dambe shabaqooda lala
helay 7 gool.
Ma ogtahay
akhristoow in ciyaryahankii qaranka
Uruguay José Batista heysto iskoor ay adagtahay in la jabiyo
markii uu calaamada guduudan qaatey waqti ay ciyaarta socotey
wax ka yar hal daqiiqo kulankii ay dalkiisa la yeesheen Scotland
koobkii aduunka ee 86kii, mise ogtahay akhristoow in Uruguay ku
guuldareysatey iney badiyaan kulankaas una soo gudbaan wareega
labaad ee koobka aduunka.
Ma ogtahay
akhristoow in kulankii ugu
daawadayaasha badnaa ee koobka aduunka ahaa kii dhexmarey
xulalka wadamada Brasil iyo Uruguay koobkii aduunka ee 50kii
lagu qabtey Brasil iyadoo si toos ah u daawanayeen taageerayaal
kor u dhaafey 200,000, mise ogtahay kulankaas oo kama dambeys
ahaa xulka Uruguay ku guuleysteen 2-1 isla markaasna Brasil
noqotey dalkii ugu horeeyey ee marti geliya koobka aduunka oo
finaale soo gaarey oo aan koobka qaadin.
Ma ogtahay
akhristoow in dalka Talyaaniga noqdey
dalkii ugu horeeyey ee labo jeer oo xiriir ah ku guuleysta
koobka aduunka sanadihii 1934kii iyo 1938kii, mise ogtahay dalka
keliya ee ka dib laba jeer oo isku xiga qaadey koobka aduunka uu
yahay qaranka Brasil sanadihii 1958kii iyo 1962kii.

Blanc oo dhalinaya golden goalkii ugu horeeyey k.aduunka
Ma ogtahay
akhristoow in ciyaaryahan Laurent Blanc oo difaaca ugu
ciyaaraayey qarankii Faransiiska ee ku guuleystey koobkii
aduunka ee 98kii lagu qabtey dalkooda dhaliyey goolkii ugu
horeeyey ee golden goal oo laga dhaliyo kulan ka mid ah koobka
aduunka markii uu gool ka dhaliyey qaranka Paraguay daqiiqadii
113aad kulankii ay ugu soo bexeen wareega 8da dal, mise ogtahay
in ciyaaryahan Henri Camara oo Senegal ah, Ahn Jung-Hwan oo
K.Korea ah iyo Ilhan Mansiz oo Turki ah ay yihiin ciyaaryahanada
kale ee golden goal dhaliyey kulan ka tirsan koobka aduunka
iyagoo dhaliyey koobkii aduunka ee 2002 lagu qabtey Jaban &
K.Korea.
Ma ogtahay
akhristoow in kulankii ugu horeeyey oo finaale ah koobka aduunka
oo rigoorayaal lagu kala baxo ahaa kii dhexmarey dalalka Brazil
iyo Talyaaniga finaalihii koobka aduunka ee 94kii lagu qabtey
Mareykanka markaasoo Brazil 3-2 rigoorayaal ah ku qaadey koobka
iyadoo waqtigii caadiga ahaa iyo kii dheeraadka ahaaba ay 0-0
isla dhaafi waayeen, mise ogtahay akhristoow in isla sanadkaas
koobkii aduunka ee 94kii ay xulka Bulgaria oo aan marna hore u
badin kulan ka tirsan koobka aduunka iyagoo dheelay 16 kulan ay
sanadkaas ka yaabiyeen bahda isboortiga markii ay soo gaareen
semifinaal iyagoo kasoo badiyey xulka Jarmalka.
Ma ogtahay
akhristoow in markii ugu horeysey ee koobka aduunka
lagu qabto meel ka baxsan qaaradaha Yurub iyo America uu ahaa
sanadkii 2002 markaas oo ay Asia fursad u heshay, mise ogtahay
akhristoow in isla sanadkaas uu ahaa markii ugu horeysey
taariikhda koobka aduunka oo ay 2 dal si wada jir ah u marti
geliyaan waxaana nasiibkaas helay dalalka Jaban & K.Korea.
Ma ogtahay
akhristoow in dalka Talyaaniga noqdey dalkii ugu horeeyey ee
isreeb reeb ka qeyb gala isagoo marti gelinaayo koobka aduunka
iyagoo u baahnaa iney usoo gudbaan koobka aduunka 1934kii oo ay
markii dambe ku guuleysteen, mise ogtahay akhristoow in dalka
Brazil noqdey dalkii ugu horeeyey ee isreeb reeb kasoo qeyb gala
iyagoo heysta koobka aduunka si ay u difaacdaan koobka aduunka
ee 2006da lagu qaban doono dalka Jarmalka iyadoo horey dalkii
hantaa uu xaq u lahaa inuu si toos ah u yimaado koobka aduunka
si ay u difaacdaan.

Maradona oo kor u haayo koobka aduunka
Ma ogtahay
akhristoow in mucjisadii kubada cagta Maradona uu dhaliyey
goolkii ugu quruxda badnaa ee laga dhaliyo koobka aduunka markii
uu kubada kasoo qaatey kala barka garoonka isagoo lasoo dhex
marey in kabadan kala bar ciyaaryahanadii Ingiriiska uuna ku
jiro goolhayahooda koobkii aduunka ee Mexico 86 oo ay Argentina
qaadeen markii ay finaalihii 3-2 ku dhufteen Jarmalka, mise
ogtahay akhristoow in 4 sano ka dib uu dalka Jarmalka ka
aargoostey Argentina koobkii aduunka ee Italy 90 markii ay
finaalihii 1-0 kaga badiyeen iyagoo taariikhda galay noqdeyna
dalalka keliya ee labo sano oo isku xigta isku arkey finaalaha
koobka aduunka.
Ma ogtahay
akhristoow in ciyaaryahanka weyn Ronaldo
yahay ciyaaryahanka ugu goolasha badan tartanka koobka aduunka
isagoo dhaliyey 15 gool sanadihii 98,2002 iyo 2006, mise ogtahay akhristoow in
Ronaldo uu iskoorkaas ka jebiyey gooldhaliyihii weynaa ee reer
Germany Gerd Müller oo 14 gool dhaliyey, Gerd Müller
wuxuu 14kaas gool kala dhaliyey koobabkii aduun ee Mexico 1970kii
iyo Germany 1974kii.
Ma ogtahay
akhristoow in ciyaaryahan Oleg Salenko oo u dhashey Ruushka
yahay ciyaaryahanka dhaliyey goolasha ugu badan ee ciyaaryahan
dhaliyo 1 kulan oo ka tirsan koobka aduunka markii uu 5 gool ka
dhaliyey qarankii Kameruun koobkii aduunka ee 1994kii, mise
ogtahay akhristoow in ciyaaryahan Oleg Salenko oo sanadkaas 6
gool ku qaadey tartanka gool dhalinta uu ka mid ahaa
ciyaaryahanadii keydka ee Ruushka oo 94kii ku guul dareystey
iney kasoo gudbaan wareega 1aad.
Ma ogtahay
akhristoow in guushii ugu weyneyd ee kulan ka tirsan koobka
aduunka ay gaareen dalka Hungary uu 10 gool iyo 1 ku duugay
xulka dalka El Salvador koobkii aduunka ee Spain 82, mise
ogtahay akhristoow in qaranka Hungary ay iskoorka ah guusha ugu
weyn ee hal kulan ay iyaga iska jabiyeen kaasoo hore u ahaa 9-0
oo ay direen qarankii Kuuriya koobkii aduunka ee Switzerland 54
inkastoo 20 sano ka dib ay xulkii Yuguslavia bareejeeyeen oo ay
sidoo kale 9-0 ku dhufteen dalka Zaire koobkii aduunka ee
Germany 74.

Aztec Stadium oo ku yaal Mexico City
Ma ogtahay
akhristoow in dalka Mexico nasiib u yeeshay inuu noqdo dalkii
ugu horeeyey ee 2 jeer marti geliya tartanka koobka aduunka
(1970 & 1986) oo ay ku kala guuleysteen dalalka Brazil &
Argentina iyadoo finaalhii labadaas tartanba lagu dheelay
garoonka weyn ee Aztec Stadium, mise ogtahay akhristoow in
koobkii aduunka ee 1986kii loo qorsheeyey in lagu qabto dalka
Colompia hase yeeshee ay markii dambe FIFA u sheegeen ineysan
marti gelin karin oo aysan dhaqaale u heyn tartankaas weyn
sidaasna ay Mexico fursad ugu heshay marti gelinta tartankaas.
Ma ogtahay
akhristoow in dalkii ugu horeeyey Afrika ee is reeb reeb kasoo
qeybgaley una soo gudbay koobka aduunka uu ahaa dalka Morooko
koobkii aduun ee lagu qabtey dalka Mexico 1970kii markaasoo ay
dhibic kula soo noqdeen dalkooda iyagoo bareejo 1-1 ah lasoo
galay Bulgaria, mise ogtahay akhristoow in dalka Morooko mar
kale noqday dalkii ugu horeeyey ee Afrika una soo gudbay
wareegga labaad ee koobka aduunka sanadkii 1986kii oo sidoo kale
lagu qabtey dalka Mexico iyagoo 1aad ka noqdey guruub ay kuwada
jireen dalaka Ingiriiska, Portoqiiska iyo Poland.
Ma ogtahay
akhristoow in kulankii ugu horeeyey ee goolal la`aan 0-0 ah ku
dhamaada koobka aduunka inuu ahaa kulankii dhexmarey dalalka
Brazil iyo Ingiriiska koobkii aduunka ee lagu qabtey dalka
Swedan 1958kii, mise ogtahay akhristoow in isla sanadkaas
dalalka Swedan oo marti gelineysey iyo Wales ay 4 maalmood ka
dib iyagana bareejo 0-0 ah ku kala bexeen.
Ma ogtahay
akhristoow in markii ugu horeysey oo ay 32 dal ka qeyb
galaan koobka aduunka uu ahaa kii lagu qabtey dalka Faransiiska
1998kii oo ay Faransiiska markii ugu horeysey ku guuleysteen
koobka aduunka, mise ogtahay in isla sanadkaas dalalka
Faransiiska noqdey dalkii ugu horeeyey ee 9 dhibcood urursada
markii ay wada badiyeen 3dii kulan ee wareega 1aad ee koobka
aduunka iyadoo dalna aysan u suura gelin sanadkii 1994kii oo la
dhaqan geliyey in dalkii badiyaa uu helo 3 dhibccod halkii ay
hore 2 dhibcood u ahaan jirtey.
Ma ogtahay
akhristoow in xulka Brazil yahay qaranka keliya ee kawada qeyb
galay dhamaan koobabkii aduun ee la qabtey tan iyo markii la
bilaabay, ma ogtahay akhristoow in in qaranka Brazil yahay kan
ugu hanashada badan koobka aduunka iyagoo ku guuleysty 5 jeer,
mise ogtahay in dalka Brazil oo ka mid ah dalalka qaadey koobka
aduunka yahay dalka keliya ee aan koobka ku qaadin dalkooda
iyadoo finaalihii koobka aduunka ee 1950kii lagu qabtey dalkooda
ay Uruguay kaga adkaatey 1-2.
Ma ogtahay
akhristoow in kulankii ugu horeeyey ee rigoorayaal lagu kala
baxo taariikhda koobka aduunka uu ahaa kii dhex marey dalalka
Jarmalka iyo Faransiiska koobkii aduunka ee lagu qabtey Spain
1982kii, ma ogtahay akhristoow in kulankaas oo semifinaale ahaa
kana dhacay magaalada Seville ay labada dal isla dhaafi waayeen
1-1 waqtigii caadiga ahaa, mase ogtahay in Faransiiska oo 2 gool
dhaliyey qeybtii hore ee waqtigii dheeriga ahaa la bareejeeyey
markii dambana rigoorayaal 5-4 ah lagaga adkaadey.

Ma ogtahay
akhristoow in xulkeena kubada cagta Soomaaliya uu hal mar keliya
ka qeyb galay is reeb reebka koobka aduunka wixii ka horeeyey
1990kii markaasoo bareejo 0-0 iyo 1-1 ah la galeen qaranka Niger
kuna haraan goolka lagaga dhaliyey gurigeena sanadkii 82kii,
mise ogtahay akhristoow in wixii ka dambeeyey 90kii ay xulkeena
2 jeer ka qeyb galeen is reebreebka koobka aduunka 2002 oo ay
Cameroon 3-0 iyo 3-0 nagu goosteen iyo 2006 oo ay Ghana 5-0 iyo
2-0 nagu reebeen
Ma ogtahay
akhristoow in gool dhaliyhii weynaa ee Faransiiska Just Fontaine
yahay ciyaaryahanka dhaliyey goolasha ugu badan ee uu
ciyaaryahan dhaliyo hal koob aduun, mise ogtahay akhristoow in
Just Fontaine oo ku dhashashey dalka Marooko uu tartanka gool
dhalinta koobkii aduunka ee 1958kii lagu qabtey Swedan ku qaadey
13 gool.

Cafu
Ma ogtahay
akhristoow in kabtankii xulka Brazil ee ku guuleystey
koobkii aduunka ee 2002 Cafu uu yahay ciyaaryahanka keliya ee
saftey 3 finaale oo koobka aduunka ah oo isku xiga (1994,98 iyo 2002), Mase
ogtahay akhristoow in Cafu oo u dheela kooxda weyn ee Milan
yahay ciyaaryahanka saftey kulamada ugu badan qaranka Brazil
isagoo u dheelay 130 kulan.
Ma ogtahay
akhristoow in xulka Masar yahay dalkii ugu horeeyey ee ka socda
qaarada Afrika oo ka qeyb galay koobka aduunka, Mase ogtahay
akhristoow in qaranka Masar oo koobka aduunka ka qeyb galay
sanadkii 1930 ay si toos ah u yimaadeen iyagoon wax is reeb reeb
ah soo ciyaarin maadaama xiligaas uusan jirin xiriir kubada
cagta Afrika (CAF)
Ma ogtahay
akhristoow in xidigii weynaa ee Jarmalka Franz Beckenbauer yahay
shakhsiga keliya ee ku guuleystey koobka aduunka isagoo kabtan
ah 1974kii iyo isagoo tababare ah 1990kii, mase ogtahay
akhristoow in Franz Beckenbauer uu finaalhii kaga kala adkaadey
qaranka Nederland 2-1(74) iyo qarankii Argentina 1-0 (90)
Ma ogtahay
akhristoow in ruugcadaagii dalka Turkiga Hakan Sukur
dhaliyey goolkii ugu dhaqsiyaha badnaa taariikhda koobka aduunka
isagoo dhaliyey markii ay ciyaarta socotey 11 ilbiriqsi oo
keliya, mase ogtahay akhristoow in Sukur uu goolkaas ka dhaliyey
dalkii martida loo ahaa ee K.Kuuriya koobkii aduunka ee 2002
kulankii ay labada dal ugu tartamayeen kaalinta 3aad.
Ma ogtahay
akhristoow in ciyaaryahankii weynaa ee dalka Jarmalka
Lothar Matthäus uu yahay ciyaaryahanka saftey kulamada ugu badan
ee koobka aduunka isagoo saftey 25 kulan, ma ogtahay akhristoow
in Lothar Matthäus uu haysto iskoor ay adagtahay in lagaaro
markii uu xulkiisa kala qeybgalay koobka aduunka 5 jeer (82-98)
isagoo noqdey ciyaaryahankii ugu horeeyey ee gudaha ka ciyaara
ee ka qeyb gala 5 koob aduun, mase ogtahay akhristoow in
ciyaaryahanka keliya ee ka hor ama ka dib 5 jeer ka qeyb galay
koobka aduunka inuu ahaa goolhayihii xulka Mexico Antonio
Carbajal (1950-1966)
Ma ogtahay
akhristoow in calaamadaha jaalaha iyo guduudka markii
ugu horeysey ee la isticmaalo tartanka koobka aduunka uu ahaa
sanadkii 1970 koobkii aduunka ee lagu qabtey Mexico, mase
ogtahay akhristoow in ciyaaryahankii ugu horeeyey ee loo taago
calaamada guduudan garoonkana laga saaro uu ahaa ciyaaryahan
Carlos Caszely oo u dhashay dalka Chile koobkii aduunka ee lagu
qabtey dalka Jarmalka 1974kii.
Ma ogtahay
akhristoow in boqorka kubada cagta aduunka Pele uu 4 jeer ka
qeyb galay koobka aduunka (1958-1970) mase ogtahay akhristoow in
PELE yahay ciyaaryahanka keliya ee 4 koob aduun uu ugu yaraan 1
gool dhaliyey mid kasta oo ka mid ah 4taas.
Ma ogtahay
akhristoow in ciyaaryahan Norman Whiteside oo u dhashey dalka
Waqooyiga Ireland uu yahay ciyaaryahankii ugu dhalinta yaraa ee
safta kulan ka tirsan koobka aduunka isagoo jira 17 sano iyo 42
maalmood, mase ogtahay akhristoow in kulankii ugu horeeyey ee uu
safto uu dalkiisa u ciyaarey kulan ay la yeesheen dalka
Yugoslavia oo ka dhacay magaalada Zaragossa ee dalka Spain
koobkii aduunka ee 1982kii.

Roger Milla (Cameroon)
Ma ogtahay
akhristoow in gudoomiyihii FIFA ee xiligaas
Jules Rimet
uu ahaa aas aasihii koobka aduunka ama shakhsigii lahaa fikirka
ah in la qabto koobka aduunka, mise ogtahay in Jules Rimet oo
dhalashadiisu aheyd Faransiis uu kursiga gudoomiyenimo ee FIFA
ku fadhiyey 33 sano.
Ma ogtahay
akhristoow in tartanka koobka aduunka markii ugu horeysey
la qabtey sanadkii 1930kii, mase ogtahay in dalka
Uruguay
nasiib u helay inuu noqdo dalkii marti geliyey koobkii aduunka
ee ugu horeeyey.
Ma ogtahay
akhristoow in boqorka kubada cagta aduunka
Pele uu
weli yahay ciyaaryahankii ugu da`da yaraa ee gool ka dhaliyo
tartanka koobka aduunka tan iyo markuu bilowdey isagoo da`diisu
aheyd 17 sano iyo 239 maalmood iyo weliba cayaaryahankii ugu
da`da yaraa ee gool ka dhaliya finaalaha koobka aduunka.
mise ogtahay in Pele uu
goolashaas ka dhaliyey koobkii aduunka ee 1958kii lagu qabtey
dalka Swedan isagoo ka kala dhaliyey qaranka Wales iyo dalkii
marti gelinayey koobkaas Swedan oo ay finaalhii 5-2 ku
garaaceen.
Ma ogtahay
akhristoow in ruugcadaagii weynaa ee reer Kameruun
Roger Mila
uu yahay ciyaaryahankii ugu da`da weynaa ee gool ka dhaliyo
tartanka koobka aduunka isagoo da`diisu aheyd 38 sano iyo 20
maalmood, ma ogtahay akhristoow in Roger Mila uu goolkaas ka
dhaliyey xulka Romania koobkii aduunka ee 1990, mase ogtahay in
Roger Mila uu mar kale jebiyey iskoorkiisa markii uu 4 sano ka
dib uu gool ka dhalshey xulkii Midowgii Sofyeeti koobkii aduunka
ee 1994kii isagoo 42 jir ah.
Asad
A. Omar "Afey"
deeyoo_edit@hotmail.com
|