Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  Wargeysyada iyo waxa ay qoreen
Qubanayaal isboorti

24.01..2010, deeyoo.com.

Tababaraha kooxda Manchester utd Alex Fergusen ayaa waxaa uu sheegay in uu u ogolaanayo xidiga daafac kooxdaas Nimanja Vidic in uu ku biiro kooxda Barcelona ee dalka Spain.
 
Macalin Fergusen ayaa sheegay in xidigaan uu u ogolaanayo ku biirista Barcelona kaliya marka cayaaryahankaas uu dalbado in uu ka tago kooxda isla markaana uu ku biiro naadigas.
 
Sida ay qortay majaladda : News of the World Naadiga ah horyaalka Adduunka ee Barcelona ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay si weyn u doonayso cayaaryahankaan isla markaana ay doonayso in ay ku xoojiso xeed daafka daafaca naadigaaas.
 
xidigaan ayaa kooxda Barcelona waxaa ay u soo bandhigtay lacago dhan 25 Milyan oo gini isla markaana ay Manchester utd ay sheegtay in ay fasaxayso xidigaan isla markaana badalkiisa ay soo galinayso cayaaryahanka reer Talyaani ee Giorgio Chiellini kaasi o 12
Milyan lagu qiimeeyo.
News of the World
 
*******************************************************************
kooxda Arsenal ayaa waxaa ay doonaysaa in ay lasoo wareegto daafaca kooxda Fulham ee Chris Smalling kaasi oo soo jiitay indhaha kooxda Arsenal.
 
sida ay qortay jariiradda Mail on Sunday xidigaan ayaa waxaa Arsenay ay ku doonaysa lacago dhan 8 Milyan oo gini isla markaana uu yahay mid leh daafac wanaagsan.
Mail on Sunday
 
***************************************************
sidoo kale kooxda Arsenal ayaa waxaa ay ku soo baxday koox doonayso xidiga weerarka kooxda Crystal Palace ee lagu magacaabo Victor Moses.
 
sida ay qortay jariiradda Sunday Telegraph ayaa sheegtay in xidigaan uu yahay mid uu doonayo Tababare Wenger in uu ku xoojiro xulkiisa weerarka.
Sunday Telegraph
 
*********************************************************************
kooxda Tottenham ayaa waxaa ay doonaysaa in ay lasoo wareegto xidiga weerarka kooxda West Ham ee Carlton Cole.
 
kooxda ka dhisan waqooyga magaalada London ee Tottenham ayaa waxaa ay u soo bandhigtay dhigeeda west Ham xidiga weerarka ee Robie Keane kaasi oo kooxda ay doonayso in ay iska fasaxdo.
News of the World
 
**************************************************
sidoo kale Tababaraha naadiga Tottenham Harry Redknapp ayaa waxaa uu doonayaa in uu lasoo wareego weeraryahanka kooxda Ac Milan Klaas Jan Huntleer.
 
Xidigaan la daala dhaca kursiga keydka ayaa waxaa si weyn ugu xiiso qaba kooxda ku cayaara garoonka White Hart Line ee waqooyga Magaalada London waxaana si weyn ugu xiiso qaba maamulka Farsamada kooxdaas.
 
sidoo kale waxaa u hanqal taagaya naadiyada West Ham iyo Everton.
Mail on Sunday
 
****************************************************
weeraryahanka kooxda Monaco Eidur Gudjohnsen ayaa waxaa uu diiday in uu ku biiro kooxda Liverpool ee wadanka Ingiriiska.
 
sida ay qortay jariiradda Sunday Mirror ayaa sheegaya in Naadiga dhibaaatada haysata ee Liverpool ay si weyn u doonaysay xidigii hore ee kooxda Chelsea Eidur Gudjohnsen kaasi oo si wanaagsan u yaqaana horyaalka Ingiriiska.
Sunday Mirror
 
*************************************************************
kooxda Manchester Utd oo baryihii dambe si weyn u baadi goobaysay kubad Joojiye wanaagsan ayaa haatan dareenkeeda u weecisay gool hayaha kooxda Atletico Madrid ee David De Gea.
 
sida uu qoray wargayska Sunday Mirror ayaa shegaya in Tababaraha kooxda Manchester Utd Fergusen uu ku wargaliyay madaxda Manchester in ay u dhaqaaqaan sidii ay ula soo wareegi lahaayeen xidigaan.
Sunday Mirror
****************************************************************
kooxda weyn ee wadanka Jarmalka Bayern Munich ayaa waxaa ay doorbidaysaa in ay lasoo wareegto xidiga kooxda Everton ee Steven Pieneer.
 
xidigaan caalamiga ee u dhashay wadanka Koofur Afrika ayaa waxaa ay doonaysaa kooxda Bayern Munich in ay lasoo wareegto marka uu ka tago xidiga garabka ee Reeer Faransa Frank Ribery.
Sunday Times
 
***************************************************************
kooxda Manchester City ayaa waxaa ay wada hadalo la leedahay kooxda Real Madrid oo ku aadan saxiixa xidiga qadka dhexe eeleh daafaca una dhashay wadanka Argentina Fernando Gago.
 
sida lagu qoray webseedka IM Scouting ayaa sheegaya in xidigaan ay Man City ku doonayso 13 Milyan oo gini halka kooxdiisa Real Madrid ay doonayso 22 Milyan.
IM Scouting
 
***************************************************
kooxda ka dhisan wadanka Portugal ee Sporting Lispon ayaa waxaa ay doonaysaa in ay la saxiixato xidiga 26 jirka ah ee u dhashay wadanka Portugal Ricardo Queresma.
 
xidigaan oo kursiga keydka kaga jira naadiga Inter Milan ayaa waxaa lagu soo waramayaa in kooxdaan ay doonayso in la amaahiyo inta ka harsan xili ciyaareedkaan.
IM Scouting
 
**************************************************************
xidiga muhiimka u ah kooxda Barcelona ee Carlos Puyol iyo Xavi ayaa waxaa ay u sheegeen Tababaraha kooxda barcelona Pep Guardiola in uu kooxda keenin xidiga reer Brazil ee Robinho.
 
sida lagu daabacay webseedka Mail on Sunday ayaa sheegaya in sababta ay ugu diidayaan xidigaan kooxda Barcelona ay tahay iyadoo xidigaan uu caan ku yahay in uu iska hor keeno xidigaha naadiga.
Mail on Sunday
 
************************************************************************
gool hayaha kooxda Liverpool Pepe Reina ayaa waxaa uu u dhowyahay in uu saxiixo hishiis shan sano oo cusub.
 
hishiiskaan oo lagu waday in uu saxiixo goor hore ayaa waxaa dib u dhigay guul darooyinka kooxda lasoo darsay isagoo haatan saxiixaya hishiis ku kacaya 23 milyan oo shan sanno ah kaasi oo ku sii joogayo garoonka Anfield.
News of the World
 
*********************************************************************************
Guus Hiddink ayaa lagu wadaa in uu isaga tago xulka qaranka wadanka Ruushka isagoo la sheegayo in mid uun ku biirayo kooxdaha Liverpool,Chelsea iyo Manchester City oo doonaya Macalinkaan.
 
kooxda Liverpool ayaa u doonayso Tababrahaan in ay ka dhigto Tababaraheeda isla markaana ay ceyriso Benites halka naadiyada Chelsea iyo Man City ay u doonayaan in ay ka dhigaan la talinta xidigaha ay lasoo wareegayaan ama mararka qaar uu kala taliyo Tababarayaasha kulamad adag.
Mail on Sunday
 
*********************************************************************************
Mustaqbalka weeraryahanka kooxda Chelsea Nicalas Anelka ayaa mugdi la galinayaa kadib markii ay hakadeen wada hadalo xidigaan uu ku saxiixi lahaa hishiis cusub oo todobaadkii ku qaadan lahaa 120 kun.
 News of the World
 
*********************************************************************************
xidigii hore ee kooxda Manchester utd Juan Sebastian Veron ayaa shaaca ka qaaday in isaga qaar kamid ah xidigaha wadanka Argentina ee dhanka Rugby-ga ay si wada jir ah ula dagaaleen oo ay sameeyeen dagaalka habka goobashada loo yaqaan oo ay ku qaadeen Gary Neville.
 
Veron ayaa sheegay in dagaalkaan uu dhacay mar xaflad ciida Kirishmiska loo dabaal dagayay oo ay ku sugnaayeen dalka Ingiriiska isla markaana ay qaadeen heesta caan ka ah dalka Argentina oo marka la fasito noqoneyso aan wada jirno laakin uu Neville si qalad ah u fahmay heestaas isagoo qasay isla markaana Mikrafoonka ka qaaday Veron qaadayna hees Ingiriiska oo la sameeyay dagaalkii dhex maray dalka Ingiriiska iyo Argentina kadibna ay caroodeen reer Argentina waxaana Veron iyo xidigaha xulka qaranka Argentina ee dhanka Rugby-ga ee kala ah Agustin Pichot iyo Felipe Contepomi ay ku bilaabeen feer isla markaana uu meeshaas ay ka dhacday daqar iyo dhiig iyadoo sidoo kale Neville uu si wanaagsan ula dagaalamay isagoo dhaawac gaarsiiyay saddexdaan cayaaryahan ee Argentineeska ah.

 

 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
002521-5140242

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com