| Dhageyso |
 |
|
|
|
Dib u milicso
ciyaarihii dalkeena

24.01..2010, deeyoo.com.
Sharoobo Di Gool
marka aad maqashid ama warbaahinta
Deeyoo aad ka aqrisatid
isla markaana ay dib kuu xasuusiso ama lagaaga sheekeeyay
waxay noqonaysaa mid xusuus u leh dhamaan cayaartooydii iyo
Taageerayaashii kooxda Minishiibiyo oo wacdaro la yaab leh ka
dhigay kulan ka tirsanaa Horyaalka Wadanka Soomaaliya
sideedameeyadii.
Akhristoo aan dib ugu laabano sanadkii
1986-dii oo ahayd markii ay
dhacday halheyskii Sharoobo Di Gool
intii xasuusato ayaa xasuusato gaar ahaan taageerayaashii kooxda
Minishiibiyo ama Dowladda Hoose oo qaaday horyaalka
xili ciyaareedkii 1985/1986.
Sharoobo Di Gool waxaa ay ahayd
kulankii dhexmaray kooxaha
Munishiibiyo iyo MBC ( ex
Madbacadda) waxaana uu ku soo dhamaaday
3-1 oo guusha ay ku raacday
kooxda Munishiibiyo (Dowladda Hoose) waxaana goolashii saddexda
ah mid kamid ah dhaliyay
Shiikhaaloow isla markaana ahaa gool Bilisiyoon ama laad xor
ah waxaana Shiikhaaloow uu dhaliyay goolkaas uu ahaa mid
sabarsiiyay kooxda MBC oo rajo ka qabtay in ugu yaraan ay bar
baro ah la gasho kooxda Munishiibiyo.
Kooxda Kubadda cagta ee Naadiga Muqdisho oo kamid ahayd kooxaha
dalkeedana kuwoodii ugu Farsamo iyo awood badan run ahaantiina
ay u soo cayaari jireen cayaaryahanno caan ahaa waxaana kamid
ahaa Al Mucalim Max'ed Xuseen Cali
oo dadka badankiis ay u yaqaanaan
Shiikhaaloow, Axmed Saalax Cawad
oo loo yaqaano Bin Shaakir ayaa
waxaa ay hogaanka ugu qabatay 15 dhibcood kulankii MBC kadib
xiligaas ay ku guulaysatay horyaalkeedii 2-aad.
Kulankii Sharoobo Di Gool ayaa
waxaa goolka ku hormaray kooxda MBC oo daqiiqadii 2-aad heshay
goolkeedi kadib markii gool uu soo laaday cayaaryahan
Eenoow ay ku dhacday daafaca Munishiibiyo isla markaana
gashay goolka Munishiibiyo.
Kadib maxaa dhacay kooxda MBC kuma raagin goolkeedii waxaana
daqiiqadii 8-aad u dhaliyay goolka bar baraha ahaa Naadiga
Munishiibiyo Cayaaryahan Cabdi Boy
halka daqiiqad kadib uu u labeeyay Munashiibiyo
Cumar Calasoow dhamaan
goolashaas ayaa waxay dhasheen qeybtii hore ee cayaarta qeybtii
Dambe markii la isugu soo laabtay ayaa waxaa ay heleen goolkii
3-aad kadib markii uu badal ku soo galay
Boqorka Bilisiyoonada dalka
Soomaliya Max'ed Xuseen Shiikhaaloow oo helay Bilisiyoon
kadibna ugu faa'iideeyay kooxdiisa isagoo dhaliyay kubad jariin
ah oo uu dhaafiyay xidigihii ku jiray Bareelaha isla markaana uu
dhex dhigay gooshii uu ku jiray KARAAMA DHAGEEYoo ahaa gool
hayihii kooxda MBC Ex Madbacadda waxaana kubadda ay isku rogtay
Jahadii loo malenayay mid aanan ahayn.

Bishii Aprill 1986-dii ayaa Wargayska Caanka ahaa ee Xidigta
Oktobar ayaa lagu soo daabacay boggiisa 6-aad kooxda MUQDISHO SI
FUDUD BAY UGU TALAABSATAY M.B.C sawir gacmeed uu ku
farayareestay Arts-taha caanka
ah ee AMIIN CAAMIR ayuu ku soo
sawiray KOOXDA MUQDISHO OO UU U EKEESIIYAY NIN DHABTA KU HAYA
KOOXDA M.B.C OO UU KASOO QAADAY WIIL YAR OO QAADO LAGU SIINAYO
KUBAD isla markaana ay dhinaciisa taallo DHALLO SHAROOBO OO
GUDAHAYDA KU JIRO KUBAD ISLA MARKAANA DHALADA AY DUSHA KAGA
QORANTAHAY SHAROOBO DI GOOL.
xidigihi kooxda MBC waxay garoonka ka baxeen iyagoo niyad
jabsan waxaana kooxda Munishiibiyo ay u ahayd galab farxadeed
iyagoo xiligaas qaaday horyaalkii 23-aad ee dalka Soomaaliya
waxana ay u ahayd markii 2-aad oo ay qaadaan iyagoo horey u
qaaday xili ciyaareedkii 1975/1976.
Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
002521-5140242
deeyoo_edit@hotmail.com
|

Halkan
riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore
|