Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

 

Wareegii hore ee ciyaaraha Afrika oo soo dhamaaday iyo dalalka soo baxay warbixin kusoo saabsan.

 22.01..2010, deeyoo.com.

Tartan dheer kadib waxaa soo dhamaaday wareegii hore ee ciyaaraha Afrika. Waxaana soo baxay 8 dal halka tiro intaa la egna ka hareen tartankan.

dalalka soo baxay ayaa waxaa qoorta la isugu galiyay min laba oo koocdii laga badiyaba diyaaradda la saari doono, ilaa ay kooxi hantiso koobka. Annaga oo soo koobeyna sida ay isku arkayaan wadamadan soo haray ayaan ku bilaabeynaa Angola iyo Ghana oo kasoo kala baxay qeybta A iyo B, waxaa ku xiga oo is arkaya dalalka Ivory Coast iyo Algeria oo kasoo kala baxay isla qeybta A iyo B.

Ciyaarta ay dadka oo dhami wada sugayaan ah tan dhex mari doonta dalalka Egypt iyo Cameroon oo kasoo kala baxay qeybaha C iyo D, run ahaantiina waxa la dhihi karaa waa semifinal yar oo kooxdii soo baxada labadan ayaa la rajeynayaa in Ivory Coast kula xafiiltanto hanashada koobka. ugu danbeyn waxaa xabadka la isku galiyay Zambia oo si la yaab leh kusoo baxday iyo xulka Nigeria.

Taariikhda ama maalmaha la ciyaarayo ciyaarahan ayaa kala ah 24ka bishan Janaayo oo ah maalinta axadda waxaa la ciyaaraya 2 kulan oo kala ah kan Angola iyo Ghana oo ciyaarta hore ah, kulanka 2aad ayuu dhex mari doonaa Ivory Coast iyo Algeria. Maalinta ku xigta ee Isniinta taariikhduna tahay 25ka bishan janaayo waxaa kulanka hore ciyaaraya Egypt ama Masar sida dadku u kala yaqaan iyo Cameroon, halka kulanka 2aad ay foodda is dari doonaan Zambia iyo Nigeria.

Gool dhalinta tartankan waxaa hogaanka u haya Flavio oo weerarka uga ciyaara Angola dhaliyayna 3 gool, waxaa isna 3 gool dhaliyaySeydou Keita oo Mali ah laakiin ka haray tartanka, waxaa kusoo xiga Samuel Eto'o Cameroon, Mohamed Gado oo Egypt ah, iyo Kanoute oo kooxdiisa Mali ka hartay tartanka, Manucho oo Angola ah, Emad Meteb oo Egypt ah, Jacob Mulenga oo Zambia ah, Russel Mwafullrwa oo Malwi ah iyo ugu danbeyn Peter Odemwingie oo Nigeria ah, dhamaantood waxa ay dhaliyeen min 2 gool.

Waxaa ciyaarahan dhaawac daraadiis uga maqnaan doonaa laacibka reer Ghana Michel Essien oo la arkayay isga oo biro ku boodaya ciyaartii ay dalkiisu kusoo baxayeen, sidoo kale kabtanka Nigeria Joseph Yobo ayaa isna boorsadiisa ka xirxirtay tartanka.

Tartankan oo markii hore la tabayay dalal ay kamid yihiin Senegal iyo Marocco oo aan awood u yeelaan in ay soo baxaan iyo dalka Togo oo uu hor kacayay Adepayor isaga tageen ciyaarahan kadib dhacdadii foosha xumeyd ee dadka looga laayay, waxaa hadana si dhaqsa ah diyaaradda loo saaray dalka Tunisia oo kamid ah dalalka lagu xushmeeyo ciyaaraha Afrika, waxaa iyagana la macsalaameeyay dalka Mali oo si lama filaan ah uga haray tartankan iyaga oo lasoo shir tagay rag aan ka xusi karno Seydou Keita oo Barcelona u ciyaara, mahmadou Diarra oo Real Madird u ciyaara iyo weliba Mohammed Sissoko oo Juventus lafdhabar u ah.

Hadaba wixii kusoo kordha tartanka kala soco mar kasta deeyoo.com oo idiinkuugu diyaar ah ka haqab tirka wararkii sport kuwoodii ugu danbeeyay, anaga oo xoogga saari doona in aan mar walba soo bandhigno goos gooska ama goolasha kulamada dhaca.

 

 

waxaa diyaariyay.

Mohamed A O (Deeq).

deeyoo_admin@hotmail.com

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com