Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

 

Waa yaabe xagee laga haystaa Liverpool iyo Juventus !!!!

18.01..2010, deeyoo.com.

kooxda Liverpool ayaa waxay gashay marxalad adag xiligaan iyadoo ka hartay dhamaan tartamadii xiligaan marka laga reebo Uefa Cup-ka waxayna ka hartay koobka Horyaaliinta Yurub,koobka F.A Cup,Carling Cup-ka iyo horyaalka oo aysan rajo ka qabin.
 
waxaa taa u sii dheer iyadoo dhaawacyo ay ruxayaan labada xidig ee ugu wanaagsan kooxda waa Kabtan Gerrard iyo wiilka dahabiga wadanka Spain ee Torres.
Gerrard ayaa waxaa uu dheegay in uu diyaar u yahay in uu isaga tago kooxda kadib markii ay isku dhaceen Tababaraha kooxda Benites.
 
Gerrard oo ku soo biiray kooxda liverpool isagoo 9 jir ah ayaa waxaa uu doonayaa in uu ka tago kooxda kadib 20 sanno oo uu ku sugnaa Liverpool.
 
xidiga qadka dhexe ee wadanka Ingiriiska Gerrard ayaa ku dhaawacmay kulankii FA-ga ee ay la cayaarayeen kooxda Reading ayaa waxaa uu ka daawanayay Tarbuunka kulankii 1-1 ay la gashay naadigiisa kooxda Stock.
 
Gerrard ayaa u sheegay qaar kamid ah saaxiibadiisa in uu dhamaaday waayihii Tababaraha reer Spain isla markaana kooxda la doonayo in la keeno macalin kale.
 
Liverpool ayaa ciriiri ugu jirto in ay u soo bixi wayso koobka Horyaaliinta Yurub ee xiliga soo aadan waxaaa ku heysta booskaasi kooxda lacagaha badan ku bixisay suuqa ee Man City waxaana kooxda ay ka bixi la'dahay natiijo xumo.
 
Gerrard ayaa waxaa uu sheegay hadii uu Tababarahaan uu sii joogo isla markaana kooxda ay u soo bixi wayso koobka horyaalada Yurub xiliga soo aadan uu isaga tagaayo isagoo sheegay in kooxda ay isaga u soo sabartay isna uu u sabray sabarkoodana ay guul ku gaareen isagoo sheegay in uu haatan ka taagan yahay qaati.
 
Kadib markii ay soo baxeen in Gerrard uu ka tagaayo Liverpool ayaa waxaa Tiktoonoow u galay kooxo waaweyn waxaana ugu horeyso kooxda Real Madrid ee dalka Spain oo si weyn ugu hanqaltaageyso xidigaan,inter Milan oo iyana sheegtay in ay doonayso xiligaan sidoo kale kooxda Man City ayaa iyana sheegtay in ay doonayso xidigaan isla markaana ay mushaar u siin doonto lacagtii ugu badneyd ee ebed la siiyo cayaaryahan cayaara kubadda cagta.
 
Ka tagitaanka Gerrard kooxda Liverpool ayaa waxay noqonaysaa dharbaaxsho kale oo lasoo darista naadiga qaamaha badan lagu leeyahay waxaana sidoo kale kooxda ka tagaya Tores oo lacago badan ay ku raadinayaan kooxaha Chelsea iyo Man City oo sheegay lacago ka badan 100 Milyan oo gini waxaana adkaan karta sidii kooxda uu kusii joogi lahaa xidigaan.
 
Go'aan qaadashada Gerrard ee ah in uu ka tagayo kooxda ayaa waxaa la sheegayaa in ay yihiin arrimo badan oo is biirsaday isagoo xidigaan uu ka niyad jabay guul darooyinka sil siladda ah ee kooxda ku habsaday,iyo isagoo ay isku dhaceen macalinka labaad ee kooxda oo lagu magacaabo Mauricio Pellegrino waxaana uu yimid isku dhacaan kadib markii Gerrard uu bowdada dhaawac kasoo gaaray isla markaana uu Macalin xigeenka ku dhahay hadalo uu si weyn u caro galiyay Gerrard .
 
Ilo wareedyo ku dhaw Tababaraha kooxda Man City Robert Mancini ayaa sheegay xalay in uu aamin san yahay in Gerad uu kala soo wareegayo kooxda Liverpool kadib koobka adduunka.
 
Gerrard ayaa waxaa uu mar kasta uu jeclaa in uu lasii joogo kooxda laakin waxaa diidaya guul darooyinka iyo koobab la'aanya kooxda isagoo si weyn u jecel in uu qaado horyaalka ingiriiska oo ah koobka kaliya ee u dhiman.
 
wararka ayaa intaa ku daraya in Gerrard ama Benites mid uun ka tagaayo kooxda xiliga soo aadan iyadoo xilka macalinimo ee Liverpool lala xiriirinaayo Tababarayaal badan waxaana kamid ah Guus Hiddin iyo Jose Morrinho kuwaas oo ah kuwo si weyn loogu qiimeeyo kubadda cagta caalamka.
 
Gerrard ayaa si weyn u neceb guul darooyinka isagoo xiligii uu imaanayay Tababare Benites ku sigtay in uu isaga tago kooxd laakin go'aankiisa uu badal kadib guushii ka dhacday Garoonka Ata Turki ee magaalada Istanbuul oo ay koobka horyaalada Yurub ka qaadeen Ac Milan waxaana uu yiri ''How can I leave after a night like this? sidee ugu tagi karaa koox gaarayso guusha habeenkan oo kale.
 
Gerrard ayaa waxaa uu saxiixay hishiis afar sanno oo cusub todobaad kadib habeenkii guusha ay gaareen waxaana Gerard dulqaadkiisa uu ku helay koobka Horyalada Yurub iyo FA Cup-ka.
 
kooxda Liverpool ayaa waxaa suura gal ah in ay ceyrin doonto Tababarahaan isla markaana ay ka dhaadhiciyaan Gerrard in kooxda uu lasii joogo isagoo lagu qancin karo Tababaraha Rug cadaaga ah ee Guus Hiddink oo ah Tababare wax ka badali kara mowjadaha guul darooyinka ah ee kooxda lasoo darastay.
 
dhinaca kale wararka laga helayo gacanta Talyaaniga ayaa sheegaya in Tababare Rafa Benitez uu qaban doono kooxda Juventus isla markaana Madaxda Juventus ay u magacaabi doonaan xilkaas iyadoo laga ceyrin doonno Tababaraha Fashilmay ee Ciro Ferara kaas kooxda u hogaamiyay Axadii guul darii 7-aad isla markaana 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ay ka adkaatay labo kulan mid kami ahna uu ahaa kulankii Inter 2-1 kaga badisay.
 
Sargaalka lagu magacaabo Roberto Battega ee kooxda Juventus ayaa waxaa uu ku sugan yahay dalka Ingiriiska isagoo wada hadal la leh kooxda Liverpool Tababaraheeda isla markana ay u badan tahay in kooxda uu bad baadiyo isagoo bad baadin waayay Liverpool.
 
kooxda ugu guulaha badan wadanka Talyaaniga ee Juventus ayaa waxaa saaran Tababaraheeda cadaadis xoogan oo kaga imaanaya dhamaan Maamul min Taageerayaasha kuwaas oo ku caadinaya in La ceyriyo Daaficii hore ee juventus kaas oo 3-0 ay kaga badisay Ac Milan oo uu Tababare u yahay nin isaga la mid ah oo ku jira xiligii ugu horeeyay ee Macalinimo.
 
gool haye Buffon oo la waydiiyay wax ku dhacay kooxdooda ayaa sheegay in uusan garanaynin waxa hellay laakin waxaa uu qiray in ay kooxda wax si ka yihiin isagoo diiday in uu sheegay meesha laga heysto.
 
walaaca iyo wal bahaarka heysta kooxaha ugu awoodda badan Yurub ee Juventus iyo Liverpool ayanan la ogeyn cida xalka u noqon doonno iyagoo kasoo haray koobka horyaalada Yurub waxaaa lagu soo waramayaa in is badal xoogan lagu sameyn doonno dhanka kursiga macalinimo iyadoo Juventus ay doonayso ninkaan reer Spain ee Rafa Benitez halka Liverpool ay doonayso Guus Hiddink oo dooqa 1-aad u ah iyo Jose Morrinho oo si weyn lagu xusuusto.
 
Hadaba la arki doonno halka ay ku dambeeyaan kooxaha Liverpool iyo Juventus.

 

 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
002521-5140242

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com