Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

 

Gabon oo sii wada wacdarihii Afrika iyo Cameroon oo dirqi ku badisay


18.01..2010, deeyoo.com.

Iyadoo ay weli si kulul u socdaan ciyaarihii Afrika, ayaa la arkayaa in wadamo lagu tirin jiray yaryar muujinayaan is bedel dhanka awooda ah, waxa ayna dhambaal ama fariin cad u dirayaan wadamo isku haystay in ay lama taabtaan, marka laga hadlayo kubadda cagta Afrika.

Dalka Gabon ayaa la dhihi karaa waa mucjisada tartanka, kadib markii ay hal lug la galeen usoo bixitaanka wareega 2aad, iyaga oo 4 dhicood ka aruursaday Cameroon iyo Tunisia, waxa ay horey uga soo badiyeen Cameroon, halka ay Tunisia ka qaateen barbardhac goolal la,aan ah, waxaa u harsan hal kulan oo ay la ciyaarayaan Zambia oo iyaguna wacdaro muujiyay, waxaana dhici karta in Gabon kusoo baxdo natiijo kasta oo ay kala kulanto ciyaartaas, oo hadii xitaa laga badiyo ay rajadeedu noqoneyso waxa ka dhaca kulanka adag ee dhex mari doona Cameroon iyo Tunisia.

Kulankii kale ee dhex maray Cameroon iyo Zambia ayaa ahaa run ahaanti mid aad u kulul, isla markaana la iska dhaliyay goolal badan oo natiijadii gaba gabada ka dhigay 3 gool iyo 2 ay guushu ku raacday Cameroon.

Guushan ka sokow qeybtii hore ee ciyaarta ayaa cashar loo dhigay Cameroon, mar ayeyba u ekaatay in waxa ay ciyaaraya in ayna eheyn Cameroon-tii la yiqiin, in kabadan 35 daqiiqo ayeyna ku qaadatay gool hayaha Zambia in uu taabto kubadda, taas oo ku tusineysa farqigii u dhexeeyay labada kooxood qeybtii hore ee ciyaarta oo lagu kala nastay 1 gool iyo waxba.


 

Qeybtii danbe ee ciyaarta ayey waxoogaa is bedel ah sameeyeen Cameroon waxna la qeybsadeen raggii kasoo horjeeday. Ciyaartiina kusoo dhameeyay 3 gool oo ay guushu dhankooda noqotay iyo Zambia oo dadaalkoodii ku ekaaday 2 gool kaliya.

Goolasha Cameroon waxaa dhaliyay Geremi, Eto'o iyo idrissou, dhanka Zambia waxaa labada gool u kala dhaliyay Mulenga iyo Katongo.

Maanta waxaa balansan Angola iyo Algeria sidoo kale Mali iyo Malawi oo ay labada ciyaaroodba dhici doonaan isku waqti.

 

Waxaa diyaariyay

Mohamed Deeq.

deeyoo_admin@hotmail.com.

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com