|
Barcelona oo ku tumatay Sevilla, Real oo
laga naxsaday

Messi
17.01..2010, deeyoo.com.
Cayaaryahanka sanadka aduunka Lionel Messi aya
dhaliyey labo ka mid ah goolasha ay kooxdiisa kaga badisey
Sevilla oo ay 4-0 ku garaaceen taasoo u suura gelisay iney 5
dhibcood ka kormaraan kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan Real
Madrid oo 1-0 lagaga adkaaday kulankii ay la yeesheen A. Bilbao.
Xidigaha Barcelona wey ku guuldareysteen iney
wax gool ah ka dhaliyaan Sevilla qeybtii hore ee cayaarta hase
yeeshee markii dib la isugu soo noqdey ayey gool iska dhaliyeen
Sevilla waxaana gool labaad u dba dhigay Pedro iyadoo ugu
dambeyntiina uu Messi labo gool is raacsaday natiijadii
cayaartana ka dhigay 4-0.
Barcelona oo todobaadkii hore ka hartay koobka
koobabka Spain ayey guushaan u aheyd aargoosi maadaama ay
Sevilla aheyd kooxdii ka reebtay koobka koobabka isla markaana
hor istaagtay ineysan sanadkan isku darsan koobabkii ay ku
guuleysteen sanadkii hore.
Messi oo labadii kulan ee ugu dambeysay dhaliyey
5 gool waxa uu hada keli ku yahay tartanka gooldhalinta oo uu ku
hogaaminayo 14 gool isagoo labo gool dheer cayaaryahan David
Villa oo 12 gool dhaliyey.
Bilbao ayaa bilowgii cayaarta gool kaga naxsatay
xidigigaha Real markii uu cayaaryahan Fernando Llorente shabaqa
la helay daqiiqadii 3aad ee cayaarta inkastoo xidigaha Real ay
weeraro joogto ah ku hayeen goolka Sevilla iyadoo fursado aad u
wanaagsana ay heleen Ronaldo, Kaka iyo Benzema ayaa midkoodna u
suura gelin iney helaan goolkii bareejada.
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com
|