| Dhageyso |
 |
|
|
|
Maxaa dhici
lahaa haddii isku koox laga dhigi lahaa ciyaartoyda aan idiin
soo xulnay.

16.01..2010, deeyoo.com.
Waxaan halkan idinkuugu soo ururinay warbixin
kooban oo aan uga hadleyno sida ay noqon lahayd haddii ay koox
ka wada ciyaari lahaayeen laba kamid ah xiddigahaii soo maray
kubadda cagta, warbixintan oo dhinacya badan ka eegeysa sida
gool dhaliyayaashii, xirfadlayaashii, difaacyadii, qamarjiyaashi
IWM.
1. Pele iyo Maradona.
Labadan ciyaariyahan oo lagu sheego in yihiin
kuwa ugu qatarsan ee soo maray kubadda cagta, maxaa dhici lahaa
haddii ay isku koox ka wada ciyaari lahaayeen, goolhayeyaal iyo
difaacyo badan ayaa qeylo dhaan u dirsan lahaa Fifa si ay wax
uga badasho sharciga kubadda cagta si loo kala qaado labadan
nin.
2. Eric Cantona iyo Jorge Best.
Waa labada xiddig ee ugu sareeya inti soo martay
kooxda weyn ee Manchester Utd, waxaa la hubaa haddii ay isku
xilli soo gaari lahaayeen, in kooxdooda manchester ay buuxin
lahayd koobab iyo bilado Yurub iyo adduunkaba ah, labadan oo
isku darsaday farsamo iyo gool dhalin.
3. Andoni Goikoetxea iyo Claudio
Gentile.
Labadan
ciyaariyahan waxaa loo kala yaqiin qalaagii Bilbao iyo
qamarjigii Juventus, iyaga oo ciyaari jiray dhamaadki 70's iyo
80's waxa ay ku caan bexeen isbiirid, xaasidnimo, xanaaq iyo tan
ugu daran oo ahayd inta ay kubadda laadaan waxaa ka badneynd
inta ay lugaha ciyaartoyda kale laadaan, marka bal maxaa dhici
lahaa haddii ay isku koox dhexda uga ciyaari lahaayeen, tan ugu
yaabka badan ayaa ah in Gentile waligiis loo taagin calaamadda
cas.
4. Bryan Robson iyo Steven Gerrard.
Waxa ay ka wada
ciyaaraan qadka dhexe, waxa ayna ordaan gool ilaa iyo gool, gool
dhalintooduna waa heybad, iyaga oo kabtan u kala noqday labada
koox ee ugu caansan Ingiriiska Manchester Utd iyo Liverpool,
dadka qaarkii ayaa faraha qaniina oo yiraahda haddii ay isku
xilli qaranka Ingiriiska u ciyaari lahaayeen waxa ay qaadi
lahaayeen koobka aduunka oo ay ugu danbeysay 1966kii.
5.
Johan Cruyff iyo Dennis Bergkamp.
Dalka Holland
oo an waligiis ku guuleysan koobka aduunka, waxaa u fududaan
lahayd haddii ay isku heli lahaayeen labadaan mucjiso oo ku caan
baxay farsamo kubadeed tan ugu sareysa iyo dhabarjabinta
difaacyada kasoo horjeeda iyo weliba iyagoo kusii darsaday gool
dhalin midba kan kale kasii qurxoonyahay.
6.
Alan Shearer iyo Gabriel Batistuta.
Waxaa nagu
filan wacdarihii ay ka dhigeen garoomada Ingiriiska iyo
Talyaaniga, waxaana lagu sheegaa in kamid yihiin amaba yihiin
kuwii ugu qatarsanaa ee dunida soo mara marka la fiiriyo (Target
ama Box Player) xeyndaabka goosha. bal ka waramo hadii ay
kooxdaadu isku haysan lahayd labadan ciyaariyahan, meeqa gool
ayey sanadkii kuu dhalin lahaayeen.
7.
Marco van Basten og Gerd Müller.
Halkana waxaan
ku haynaa laba weeraryahan kale oo dhinac ordaya labadii ka
horeysay, balse labadan ayaa lagu sheegaa in ay yihiin gool
dhaliyayaashii ugu qatarsanaa ee kubadda cagta aduunka soo marta
Milan iyo Bayern Munich, Holland iyo Jarmalka intaba waa
yaraaneysaa in ay helaan ama soo maraan gool dhaliyayaal
noocooda oo kale ah, haddii la wareysto tababare kasta oo dunida
jooga bal haddii ama lacala la isugu dari labadan xiddig
kooxdooda, waxaa nagu wada fiicnaan lahayd in aan dhageysano
jawaabtii ay wada bixin lahayeen iyo haddiba ay jirto cid kale
oo ay ka door bidi lahaayeen. uma maleynayo in ay dhici lahayd.
8. Franco Baresi og
Franz Beckenbauer.
Labadani waa maskaxdii
difaacyada aduunka soo maray,
farsamo, maskax iyo sida ay ugu
wanaagsanaayeen akhrinta iyo la
socshada waxa garoonka ka
dhacaya ayaa la yaab lahayd,
waxa ayna ku caan bexeen la
socoshada kubadda marka ay
kooxda kasoo horjeeda dib u
jebiyaan, hadii ay koox u wada
ciyaari lahaayeen imisa gool
ayaa la taabsiin lahaa
shabaqooda, koley uma maleynayo
in ay sidaa u badan lahaayeen.
9. Roy Keane iyo
Patric Vieira.
Labadan ciyaariyahan oo aan wax
badan ka daawanay iyaga oo isku
soo hor jeeda, bal ka warama
hadii ay isku koox ka wada
tirsanaan lahaayeen, maxaa kala
qabsan lahaa iyaga iyo kooxda
kasoo horjeeda ciyaartoydeeda.
waayo waan ognahay awooda,
geesinimada iyo xamaasadda ay ku
ciyaaraan labadooda.
10.Trifon Ivanov og
Guiseppe Bergomi.
Labadan waxaa lagu xantaa in ay
kamid ahaayeen kuwii ugu fool
xumaa ee soo mara kubadda cagta
aduunka iyaga oo kabatano u kala
noqday Bulgaria iyo Italia, waxa
ay ka wada ciyaaraan difaac,
waxaa dhacday in wariye
tabinayay ciyaar yiraahdo "
Ivanov iyo Bergomi hala ii keeno
si aan uga cabsiiyo nimankan
goolasha dhaliya" foolxumadooda
ka sokoow waxa ay ahaayeen
difaacyo qatar ah oo ay ku
xisaabtamaan kooxahii ay usoo
ciyaareen.
Waxaa idiin soo diyaariyay.
Mohamed A O (Deeq)
deeyoo_admin@hotmail.com
deeyoo_edit@hotmail.com
|

Halkan
riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore
|