| Dhageyso |
 |
|
|
|
Maxaad ka Taqaana 10 cayaaryahan
ee kooxihii ay ka tageen dib ugu soo laabtay.
14.01..2010, deeyoo.com.
warbixintaan ayaa waxaa ku eegeynaa xidigaha
kooxihii ay ka tageen dib ugu soo laabtay waxana ugu horeeya
daaficii hore ee kooxda Arsenal Soll Campell kaasi oo dib ugu
soo laabtay naadiga Arsenal kadib markii uu goor sii horeysay
isaga tagay.
xidigii hore ee xulka Ingiriiska Soll Campell ayanan ahayn
xidigii ugu horeeyay ee kooxdiisa in uu ka tago koox kale ku
biiro hadana dib ugu soo laabtay.waxaana xidigihaan ku wehliya
arrintaas xidigo kale waxaana ku soo qaadanaynaa warbixintaan
ilaa 10 cayaaryahan.
xidigaan Ian Rush,waxaa uu ahaa xidig si weyn loogu xusuusto
kooxda Liverpool isagoo muddo u soo cayaray sanadihii 1980-87,
waxaana uu dib ugu soo laabtay 1988-96) isagoo ka yimid Juventus
oo uu lasoo qabsan waayay sanad uu ku sugnaa.
xidigaan Mark Hughes,waxaa uu u soo cayaaray kooxda Manchester
United intii u dhaxeysay 1980-86, waxaa dib ugu soo laabtay
kooxda Manchester utd labo sanno kadib waa sanadkii i 1988-95
isagoo ka yimid kooxda Barcelona oo uu lasoo qabsan wayay
kubadda cagta Spain.
xidigaan Peter Beardsley, waxaa uu u soo cayaaray kooxda
Newcastle intii u dhaxeysay (1983-87, waxaana uu dib ugu soo
laaabtay sanadkii 1993-97 waxaana mudadii uu ka maqnaa uu u soo
cayaaray kooxaha Liverpool iyo everton oo ka wada dhisan
magaalada Liverpool.
xidigaan Graeme Le Saux,waxaa uu u soo cayaaray Naadiga Chelsea
intii u dhaxeysay 1987-93, waxaaana dib uu ugu soo laabtay
1997-2003 isagoo u soo cayaaray kooxda Blacburne oo uu lasoo
qaaday horyaalka Ingiriiska sanadkii 1996.
xidigaan Teddy Sheringham, waxaa uu u soo cayaaray kooxda
Tottenham intii u dhaxeysay 1992-97, isagoo dib ugu soo laabtay
2001-03 isagoo u soo cayaaray naadiga Manchester utd oo koobab
la soo qaaday.
xidigaan Duncan Ferguson, waxaa uu u soo cayaaray kooxda Everton
intii u dhaxeysay 1994-98, waxaana uu dib ugu soo laabtay
2000-2006 isagoo u soo cayaaray kooxda Newcastle.
xidigaan Shaun Wright-Phillips waxaa uu u soo cayaaray kooxda
Manchester City intii u dhaxeysay 1999-2005, isagoo dib ugu soo
laabtay kooxda Man City sanadkii 2008 ilaa haatana uu ku sugan
yahay.
xidigaan Frank McAvennie, waxaa uu usoo cayaaray kooxda West Ham
intii u dhaxeysay 1985-87,isagoo dib ugu soo laabtay 1989-92
sidoo kale xidigaan ayaa waxaa kaloo uu sameeyay in kooxda
Celtic uu u cayaaray1987-89, dibna ugu laabtay 1993-94)
xidigaan Gordon Cowans, Aston Villa (1976-1985, 1988-91,
1993-94)
sidoo kale waxaa jira xidigo kale John Lukic (Arsenal iyo
Leeds), Steve Staunton (Liverpool and Aston Villa), Bryan 'Pop'
Robson (West Ham and Sunderland), Pascal Chimbonda (Tottenham)
Qormadaan kuma jiraan xidigaha sida amaahda ah ku tagay kooxo
kale tusaale ahaan xidigaha David Beckham oo labo jeer dib ugu
soo laabtay Ac Milan iyo Sheveshenko oo Ac Milan labo jeer u soo
cayaaray waxayna ahaayeen kuwo si amaah ah lagu soo qaatay ama
ugu cayaarayay.
Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
002521-5140242
deeyoo_edit@hotmail.com
|

Halkan
riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore
|