|
Farqiga sport
ee u dhexeeya labada waddan ee sida aadka ahi xafiiltanku uga
dhexeeyo.

05.01..2010, deeyoo.com.
Saaxiibayaal waxaan halkan idinkuugu haynaa
xubin sport oo aad u xiisa badan, waxaana uga hadleynaa hab
dhaqanka sport ee u dhexeeya labada wadan ee Talyaaniga iyo
Ingiriiska.
Waxaan kusoo qaadaneynaa dhowr iyo toban qodob
oo ka hadlaya ama taabanaya dhinacyo badan, waxaana kasoo
aruurinay warbaahinta labada dal, garoomadooda, ciyaaryoydooda
iyo waxyaabo kale.
hadaba waa kuwan qodobadii aan idiin soo xulnay.
1, Italia, Maalmaha Axadda waxa ay waqtigooda ku
isticmaalaan, Kiniisadda, Ciyaaraha iyo gurigooda.
England, waxa ay maalintan u isticmaalaan Pub
(goobaha Khamriga), Ciyaaraha iyo mar kale Pub dib loogu noqdo.
2, Italia, ciyaarta ka hor waxa ay isku
kululeeyaan Pasta, suugo hilib leh iyo galaas Khamriga cas red
wine.
England, waxa ay bedelkoodu isku kululeeyaan
kebab, Chips iyo Beer (Khamri fudud).
3, Italia, Taageerayaashoodu waxa ay caan ku
yihiin dabeecad wanaag marka kooxdoodu dibadda kusoo ciyaareyso,
laakiin gudaha garoomadooda waa ku waalanyihiin.
England, garoomada wadankooda waa ku
wanaagsanyihiin, laakiin marka ay dibadda u socdaalaan ayey si
aad ah waashaan una rabshad badanyihiin.
4. Italia, Kuraasta loogu tala galay in ay ku
fariisataan garoomada, waxa ay u isticmaalaan hub ahaan, halka
ay kuwa Ingiriisku ku fariistaan kuraasta.
5. England garoomadooda marka aad u baahato in
aad wax cunto ama cabto waa in aad aado ama tagtid baarka
garoonka, Laakiin Italia waxaad u yeeraneysaa wiilasha garoonka
wax ku iibiya ee loo yaqaan Jeeblayaasha oo inta badan naadiya
waxyaabo kala duwan.
6. England hadii aad isku darsato xoog, fudeyd
iyo awood dheerri ah oo kuu ogolaaneysa orod aan kala joogsi
lahayn 90 daqiiqo, waxaad tahay ciyaariyahan weyn oo laga
danbeeyo farsamadu micno saas u buuran malaha.
Italia, Hadii aad xirfad farsamo iyo xarago la
yaab leh isku darsato oo aadan xitaa ka dheeryn karin diidinka,
waxaa tahay xiddig lagu sheekeysto.
7. England, hadii tv-ga sky sport sheego in
Peter Crouch yahay xiddiga ugu wanaagsan aduunka wey aqbalayaan
lana dhacayaan Laakiin hadii Sky sport Italia sheego in
Simone Loria (ciyaaryahan ka tirsan
Roma, laakin deyn ugu maqan Torino oo seria B ka ciyaarta)yahay
xiddiga aduunka waxa macquul ah in ay iska wada xiraan kanalkan
sport.
8. Ingiriisku waxa ay u arkaan garsooraha xun
mid aan aqoon badan lahayn, laakiin Italia waxa looga yaqaan
laaluush qaate.
9. Talyaaniga hadii koox laga dhaliyo 3 gool,
dhamaan ciyaartoydu waa is dhiibaan, taageerayaashooduna waxa ay
bilaabaan in ay isugu daraan caay, aflagaado garoonkana isaga
tagaan. Laakiin Ingiriiska hadii koox laga dhaliyo 8 gool waxa
ay wali kooxdani isku daydaa in ay kubad kasta ku dagaalanto
goolna iska soo guddo, taageerayaashooduna waxa ay lasii garab
galaan sawaxan iyo heesta kooxda oo loo qaado.
10. Italia marka aad Tv-ga ka daawaneyso
falanqeyntii ciyaarihii dhacay 99% waa analysis ama hadal ku
saabsan sidi wax u dheceen halaka 1% la is tuso wixi dhacay.
Balse Ingiriisku 1% waa analysis, 99% waa sidi wax u dheceen ama
Action.
11. Habka ay kooxi isku difaacdo Italia waxa loo
arkaan farsamada ugu muhiimsan kubadda cagta, si aad ah ayeyna
ula dhacaan difaaca wanaagsan, halka Ingiriiksku u yaqaan anti
football ama hab aan ku wanaagsaneyn sportiga.
12. Italia, calamada (flags), qiica iyo holaca
waa astaan taageeranimo, laakiin Ingiriisku waxa ay taageera
wanaagsan u arkaan dharka ama maaliyadda kooxda, sacab iyo
heesta kooxda iyo weliba ciyaariyahan kasta oo ay hees u
sameystaan.
Waxaa idiin soo diyaariyay.
Mohamed A, O (deeq)
deeyoo_admin@hotmail.com
deeyoo_edit@hotmail.com
|