Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  John Terry oo xaaskiisa ka dalbatay Furiin iyo faah faahin ku saabsan xiriirka dhexmaray Terry iyo xaaskii hore ee Wayne Bridge

John Terry iyo xaaskiisa Toni

31.01..2010, deeyoo.com.

Kabtanka wadanka Ingiriiska John Terry ayaa waxaa sii badanaya cadaadiska iyo culeysyada soo wajahaya kadib markii shaaca laga qaaday dhawaan in uu xiriir Jaceyl la sameeyay xaaskii hore ee daafaca wananka Ingiriiiska ee Wyne bridge.
Xaaska John Terry ayaa waxaa ay haatan dalbanaysaa in uu iska furo iyadoo sheegtay in uu iyada Qiyaanay isla markaana aysan suura galaynin in ay nolol lasii qeyb sato.
Haweeneydaan oo lagu magacaabo Toni Poole waa xaaska Kabtanka ingiriiska John Terry oo ay wehliyaan labadeeda gabdhood ee mataanaha ah ee saddex sanno jirka ah ayaa waxaa ay u duushay dalka Dubai iyadoo ku adkaysanayso in iska furo iyada.
Toni Poole oo 28 jir ah ayaa waxaa ay si weyn ugu xumaatay xaaladda soo wajahday seygeeda oo ku aadan in xiriir Jaceyl uu la sameeyay haweeneyda lagu magacaabo Vanessa Perroncel, oo ah xaaskii hore ee xidiga isku kooxda xili ay ahaayeen kana tirsan xulka Ingiriiska ee Wayne Bridge.
John Terry iyo xaaskiisa toni Poole ayaa waxaa ay isku dhaleen labo gabdhood oo saddex sanno jiro ah kuwaas oo mataamo ah waxaana lagu kala magacaabaa Georgie John Terry iyo Summer John Terry.
Toni Poole ayaa waxaa ay u kici tintay gacanta carabya gaar ahaan magaalada Dubai iyadoo dalbanaysa in lasoo af jaro saddexdii sanno ee ay is qabeen iyada iyo John Terry oo 29 jir ah sidaa waxaa ay u sheegtay jariiradda The Sun.
Warbixinada laga helaayo xiriirka John Terry iyo Miss Perroncel ayaa sheegaya in ay uur u qaaday gabadhaan kabtanka wadanka Ingiriiska isla markaana ay iska soo riday(abortion) waxaana la sheegay in xaaladda ay sii xumaysay markii xaaska Terry Toni Poole ay maqashay arrintaan ah in uur uu jiro.
Caayarayahanada kooxda Chelsea ayaa waxaa ay sheegeen in aysan waxbo u dhimaynin arrintaan Kabtankooda isla markaana ay rajo ka qabaan in xaaladda ay xasil ku dhamaan doonto.
John Terry ayaa isku dayay in uu xaaladdaan qariyo isla markaana

Vanessa Perroncel: Jaceylkii jore ee Weyne Bridge

 uu ka ilaaliyo in ay soo shaac baxdo laakin waa uu qaboojin waayay iyadoo arrinta ay ka war heshay xaaska Terry ee Toni Poole oo iyana shaaca kasii qaaday.
Xaaaladda xidigaan ayaa sare u sii kacday sida uu sheegay saaxib ku dhaw Toni Poole oo u sheegay Jariiradda The Sun in xaaska Terry ay la xiriirtay Garyaqaan ama Awuu kaato si ay ugu doodo in laga furo waxaana ay qabsatay Garyaqaan caan ah oo lagu magacaabo Fiona Shackleton, waana mid ku guulaysatay kiis sidaan oo kale kadib markii ay kala geysay Sir Paul McCartney iyo Fanaanadda caanka ah Madonna oo qilaad sidaan oo kale soo kala dhex galay.
Miss Poole ayaa waxaa ay aaday dalka Imaaraadka waxaana ay dib u xusuusanaysaa bishii Malabka oo ay ku soo qaadatay Dubai oo haatan ay aaday iyadoo caraysan waxaana ku wehliyay safarkii Bisha Malabka (Honeymoon) Kabtan John Terry iyo hooyadeeda oo lagu magacaabo Sue Poole.waxayna ahayd sanadkii 2007.
John Terry iyo Miss Perroncel ayaa waxaa uu bilaawday xiriirkooda Bishii September waxaana kulankoodii ugu horeeyay uu ka dhacay hoyga Miss Perroncel oo ku yaala meel dhowr Mile u jirta guriga Terry ee xaafadda Oxshott.
Wakiilka Terry oo lagu magacaabo Paul Nicholls ayaa wax laga weydiiyay arriintaan waana uu ka gaabsaday in faah faahin uu ka bixiyo.
Terry oo loo codeeyay sanadkii tagay 2009 aabaha sanadka iyadoo Terry uu haatan ka hor ku kacay fal maser galiyay xaaskiisa oo ahayd in ay ku soo dacweysay in uu la jiiftay hablo kale laakin uu ka raali galiyay iyadoo aqbashay cudur daarkiis.
Sanadkii 2001 ayaa waxaa lagu ganaaxaay in mushaaradiisa labo Todobaad ah laga jaro kadib markii uu isku dayay in uu xoogo gabar maraykan oo dalxiis ku joogtay dalka ingiriiska isagoo kula dhacay garoonka Heathrow ee magaalada London.
 
Bishii Janaayo sanadkii 2002 ayaa waxaa lagu qabtay goobaha lagu caweeyo xiliyada habeenkii isagoo la sheegay in si sharci daro ah uu ku doonayay in uu ku kaxaysto gabar joogtay goobtaas.
Miss Perroncel,oo ah 33 jir waa naagta lagu eedeeyay in xiriirka uu dhex maray waxaa ay u dhalatay dalka Faransiiska waxaana saddex sanno ay saaxiibo ahaayeeen Wayne Bridge oo ay u dhashay canug lagu magacaabo Joydon laakin ay kala tageen sanadkii lasoo dhaafay.
 
Waxay sheegtay in todobaad ka hor uu teleefan kasoo wacay Bridge isagoo ku eedeenayo in xiriir ay la sameysay nin kale waa uu igu qeyliyay isagoo leh waxaa samaysatay nin kale oo xiriir jaceyl aad la samaysay.
Waxay intaa ku dartay in Bridge iyo iyada ay kala tageen oo maxkamadda ay xukmisay mana ahan in uu igu yiraahdo waxaad wadaa wax xun.
Miss Perroncel,waxay haatan u shaqeysaa shirkad lagu magacaabo Max Clifford waxaana ay u xayaysiisaa wax yaabaha ay soo saarto.
Terry oo goolka guusha u dhaliyay kooxda Chelsea sabtidii ayaa waxaa si weyn u amaanay tababare Anceloti oo sheegay in aysan waxbo u dhimaynin arrintaan.waxaana uu intaa raaciyay in uu yahay kabtanka kooxda uuna sii ahan doonno Terry Kabtanka kooxda (He is captain and he will be captain."
Sidoo kale shirkadaha uu u xayaysiiyo Terry ee Umbro iyo Samsung ayaa iyana sheegay in hishiiskooda uu waxbno u dhimaynin arrintaan.
Terry ayaa la rumaysan yahay in uu hello 10 Milyan oo gini sanadkii waxaana Xidigaan uu qaataa 170 kun oo gini todobaadkii.
Xidigaan ayaa waxaa lagu soo waramayaa in saamayn ay ku yeelan doonno safashada xulka ingiriiska ee koobka adduunka
Jariiradda Mail on Sunday ayaa sheegtay in gabadhaan Modelka ah ee reer France Vanessa Perroncel,oo saaxiib la ahaan jirtay Wayne Bridge ayaa soo dhiciseysay uuur ay u qaaday Kabtanka Chelsea iyo Xulka Ingiriiska.
Maxkadda sare ee dalka Ingiriiska ayaa waxaa ay dabagal ku samayn doontaa lacagaha tirade badan ee xidigaan uu qaato iyadoo soo baari doonto meelaha ay mareen iyadoo la sheegay in xidigaan u adeegsaday arrimo jaceyl oo kiiskaan uu ku jiro.
Inkastoo loo arko ama uu u yahay muhiim dalka ingiriiska xidigaan ayaa hadana sababahaan ay xidigaan dib u dhigi karaan in uu safro koobka adduunka.
 
Waa xaalad xanuun badan oo soo wajahday nolosha Terry iyo qoyskiisa oo maalmo ka hor farxad ku noolaa.
Xeer ilaaliye ka tirsan maxkamadda sare ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in Terry uu diidanaa in arrintaan ay soo shaac baxdo sababo la xiriira qoyskisa iyo ganacsigiisa.
Maxkamadda ayaa waxaa la hor geeyay warar ku aadan in ay iska soo dhicisaysay canug gabadhaan Terry xiriirka la sameysay waxaana wararka ay sheegayaan in Terry uu geeyay goob caafimaad oo qarsoodi ah waxana uu bixiyay sida lagu sheegay war bixintaan lacagyoowgii iyo qarashaadkii ku baxay hanaankii dhiciseenta.
Terry ayaa waxaa uu cadaadisyo kala kulmayaa taageerayaasha ka soo horjedo iyadoo kulankiii Burnley ay taageerayaasha kooxdaas ku oriniyay ama ku buuqayeen mar kasto oo kubadda uu lugta saaro isagoo goolka guusha ka dhaliyay daqiiqaddii 82-aad.
Taagerayaashaas ayaa waxaa ay ku dhawaaqayeen hal heysto lid ku ah Terry sida ha uga tagin xaaskaaga John Terry (don’t leave your wife with John Terry.’
Terry iyo Gabadhaan Miss Perroncel uu xiriirkooda bilaawday bishi September laakin uu galmood dhex maray bishii October isla bishaasna ay qaaday uur.
War bixinada laga helaayo xiriirka Terry iyo gabadhaan ayaa sheegaya in uu yimid kadib markii ay kala tageen Bridge iyo gabadhaan lagu arkay guriga Vanessa xidiga Terry oo aanan laga weyn jirin gurigeeda waxaana markii hore uu ku tagayay guriga hab dhex dhexaadin ah isagoo isku dayayay ama u sheegayay in uu dib isugu celiyo laakin markii dambe uu isku baday dhaqsi mid dareen jaceyl dhex mara labadaan qodood.
Labadaan haween ayaa waxay ahaayeen saaxiibo sheeko wadaag ah ka hor inta aysan soo bixin sheekadan iyadoo xiriirkooda uu gaaray meel xun.
Miss Perroncel ayaa markii ugu horeeysay ka hadashay arrintaan iyadoo uu la kulmay wariye ka tirsan jariirada Mail On Sunday uu la kulmay.

Waxayna sheegtay in uusan jirin xiriir ka dhaxeeya iyada iyo Terry wararkasina yahay kuwo qalad ah ama si qaldan loo tarjumay.
 
Mar kale oo uu waydiiyay wariyaha ka socday jariiradda Mail on Sunday waxa ka jiri kara in Terry xiriir dhow ay la leedahay ayay ku jawaabtay in Terry ay la hadasho oo ay taqaano waxayna intaa raacisay in ay John Terry ay taqiinay muddo sideed sanno ah oo ay baratay ka hor inta aysan baranin wayne Bridge oo Terry ay hor baratay,
Waxay qirtay in ay saaxiib la ahayd John Terry iyo xaaskiisa isla markaana ay teleefan ay u soo dirtay xaaska Terry oo si ay gacan ugu siiso howlo qurxin ah oo dhanka Terry Gurigiisa laga doonayay.
Waxaa kaloo ay intaa ku dartay in ay saaxiibo la tahay xaaskii hore ee Frank Lampard ee Elen oo ah gabar u dhalatay dalka Spain waxaana sidoo kale aan saaxiib la ahay xaasaska xidigaha cayaara kubadda cagta aniga kaliya waxaan ahay hooyada wiil saddex sanno jir ah oo aan u dhalay Wayne Bridge oo aan kala tagnay.
Miss Perroncel ayaa kula talisay Terry iyo Xaaskiisa Poole in ay soo iibsadaan alaab guri oo ku kacaysa 3 milyan oo gini.
Terry ayaa waxaa la dagan xaafadda oo aan sidaa ugu sii dheereen Hooyadiis,hooyada xaaskiisa,Xidiga West Ham Scott Paker, Joe Cole iyo Ashley Cole iyo xaaskiisa Cheryl.
Bridge iyo Miss Perroncel,ayaa markii ay kala tageen muddo lix bilood ka hor ayaa waxaa uu ugu tagay guriga ay ku aqal galeen isagoo kireystay mid kale oo ku yaala xaafadda Alderley Edge
Mr Bridge ayaa diiday in uu faah faahin ka siiyo saxafadda arrintaan.
Toni and Vanessa ayaa waxay saaxiibo dhow noqdeen sanadki 2006 waxayna ahayd xiligii ay saaxiibada ahayeen Bridge.
Wayne Bridge ayaa dacwad ka dhan ah Terry u gudbiyay Tababaraha xulka ingiriiska Fabio Capello waxaana arrintaas Capello uu kala hadlayaa madaxda Xiriirka ingiriiska iyo caawiyahiisa Franco Baldini.

Kabtankaan ayaa waxaa sii kordhaya cadaadiska uu kala kulmayo arrintaan foosha xun ee uu la kulmay.
Arrintaan soo shaac baxday ayaa waxay noqonaysaa walaaca ugu xoogan ee xulka Ingiriiska uu la kulmayo ka hor koobka adduunka
Capello ayaa waxaa uu ku sugan yahay wali dalka Talyaaniga isagoo qaliin loogu sameynayo Jilibka oo looga badalaayo laakin waxaa ingiriiska ku sugan Franco Baldini oo ay iska arki doonaan arrintaan.
Warar kale ayaa sheegaya in FA-ga ay ku war galiyeen Capello in uu ka qaado kabtanka Terry isla markaana uu u dhiibo xidig kale.
Anceloti ayaa sheegay in qalad ay ku tahay xiriirka ingiriiska in ay kabtanka ka qaadaan Terry isagoo xusay in laga doonayo Terry in uu maamulo arrimaha qoyskiisa Tababarahana laga doonayo in uu maamulo cayaartooydisa.
Terry ayaa lagu wadaa in uu hogaamiyo kooxdiisa kulanka ay la cayaarayaan Talaadada kooxda Hull City waana xidid la yaab leh.
Bridge ayaa laga soo xigtay in uusan ka filanaynin arrintaan mid kamid ah saaxiibadiisa ugu dhawaa oo uu ku kici karo xaalad sidaan oo kale.
 
 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
002521-5140242

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com