Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

 

Rag culus oo laga tagay Qaranka Faransiiska ee la ciyaaraya dalka Spain.

26.02.2010, deeyoo.com.

Tababaraha qaranka Faransiiska Raymond Domenech ayaa soo saaray liis ciyaartoy ah oo dalka Spain la ciyaaraya kulan saaxiibtinimo ah.

Waxaa ka dhex muuqda liiskan rag cusub ama goor hore ugu danbeysay qaranka, halka laga waayay kuwo kale oo la is lahaa waxa ay lafdhabar u noqon doonaan xulka lagu tirinayo inuu kamid noqdo kuwa ugu qatarsan koobka aduunka ee soo socda.

Benoit Cheyrou, Hatim  bin Efra oo Marseille u ciyaara, Luis Saha oo Everton u ciyaara iyo  Micheal Cian oo Bordeaux u ciyaara ayaa liiskan cusub lagu soo daray, halka laga waayay Samir Nasri Abu Diaby oo u ciyaara Arsenal iyo Benzema oo Real madrid u ciyaara iyo Patrick Viera oo Manchester City ah, tabaraha ayaanan wax fasiraad ah ka bixin sababta ragan uga maqanyihiin iyaga oo aan dhaawac ahayn, balse ragga wax ka qora ciyaaraha ayaa sheegay in Domenech ku jiro tijaabin laakiin go'aankan aanu ahayn kii kama danbeysta ahaa.

Marka laga reebo William Gallas iyo Eric Abidal oo dhaawac kaga maqan ciyaartan, waxaa la saadaalinayaa in tababare Domenech oo ay haysato cadaadis aad u weyn lasoo shir tago is bedel aan sidaa u weyneyn marka la fiiriyo xulashada kama danbeysta ah, waxaana booskooda la hubaa rag aan sidaa u badneyn oo aan kasoo qaadan karno Henry, Evra, Ribery, Hugo Lloris oo goolhaye ah, Lass Diarra, Anelka, Gallas, Sagna, Yoann Gourcuff iyo ugu danbeyn Toulalan.

Dhanka kale afarta xiddig oo aan kor kusoo xusnay ee laga tagay hadda waxa ay u badantahay in ugu yaraan laba kamid ah lasoo qaadan doono, hadiiba aan afartooda lasoo qaadan, waxaana ugu cad cad oo in lasoo qaato u badantahay Benzema iyo Nasri, halka fursada Viera ku xirantahay caafimaadkiisa iyo sida uu ugu ciyaaro kooxdiisa cusub ee Manchester City.

Waa kuwan ciyaartoyda uu tababaraha usoo xushay in ay la ciyaaraan dalka Spain.

Goolhaye: Hugo Lloris (Lyon), Steve Mandanda (Marseille), Cedric Carrasso (Bordeaux)

Difaac:
Jean-Alain Boumsong (Lyon), Michael Ciani (Bordeaux), Julien Escude (Sevilla), Aly Cissokho (Lyon), Patrice Evra (Manchester Utd), Bacary Sagna (Arsenal), Rod Fanni (Rennes), Adil Rami (Lille).

Dhexda:
Lassana Diarra (Real Madrid), Yoann Gourcuff (Bordeaux), Moussa Sissoko (Toulouse), Jeremy Toulalan (Lyon), Benoit Cheyrou (Marseille), Florent Malouda (Chelsea).

Weerarka:
Nicolas Anelka (Chelsea), Hatem Ben Arfa (Marseille), Franck Ribery (Bayern Munich), Thierry Henry (Barcelona), Sidney Govou (Lyon), Loic Remy (Nice), Louis Saha (Everton)
 

Xulka Faransiiska oo haysta 1 koob aduun oo uu ku guuleystay sanadkii 1998 xilligaas oo uu marti geliyay tartanka.

 

Waxaa diyaariyay

Mohamed A O (Deeq)

deeyoo_admin@hotmail.com

 

 

 

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com