Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

 

Maxaad ka Taqaan xidigihii ugu wanaagsanaa ee soo mara Horyaalka Ingiriiska ee u dhashay wadanka  Talyaani.

24.02.2010, deeyoo.com.

1, Gianfranco Zola

Xidigaan ayaa waxaa uu u soo cayaaray kooxda Chelsea muddo dheer waxaana uu kamid yahay mid kamid ah xidigihii ugu wanaagsanaa ee ajaanibta ahayd ee ka cayaaray horyaalka Ingiriiska xidigan waxaa si weyn u jecel yahay saxaafadda iyo saxafiyiinta isagoo xiiseeya waraysiyada ay la yeelanayaan saxaafadda.

xidigaan waxaa loo codeeyay sanadkii 2003 xidiga ugu wanaagsanaa sanadkaas,waxana xidigaan uu u ahaa Maradonaha Chelsea.

xidigaan waxaa uu ku wanaagsanaa soo nooleynta kubadaha dhintay isagoo muddo badan ahaa ka farxiyaha taageerayasha kooxda.

xidigaan ayaa waxaa uu ahaa mid leh laadad xoogan kuwo farsamo isagoo in badan gool hayayaal kaga dhaliyay kubadda halkii ay ka filayeen meelaan ahayn.

Xidigaan 42 jirka ah Zola ayaa waxaa uu kooxda kula guulaystay Labo koob koobka koobabka Yurub,Super Cup-ka Yurub  F.A Cup Labo jeer iyo koobka Carling Cup-ka.

Zola waxaa lagu xasuustaa Finalkii koobka koobabka yurub oo ay Chelsea ka qaaday kooxda reer Jarmal ee Stuttgard isagoo kuriga keydka lagu soo bilaabay kulankaas laakin uu badal ku soo galay kulankaan iyadoo cayaarta ay ka harsan tahay 20 daqiiqo waxaana uu dhaliyay goolkii guusha daqiiqaddii 71-aad.

2, Paolo Di Canio

xidigaan waxa uu u soo cayaaray kooxaha kala ah Sheffield Wednesday, West Ham United, Charlton Athletic waxana uu ahaa mid kale oo kamid ahaa ajanibtii kubadda cagta ee ka cayaray dalka ingiriiska.

xidigaan ayaa waxaa uu dhaliyay mid kamid ah goolashii ugu wanaagsanaa Ebed taariikhda horyalka ingiriiska isagoo ka dhaliyay kooxda Wimbledon waxaana uu ahaa mid heerka qiimeynta ee weerarkiisa uu sareeyay.

xidigaan ayaa waxaa uu ahaa mid Bani aadanimada ku wanaagsanaa waxana sanadkii 2001 Fifa ay siisay cayaryahanka ugu aqlaaqda wanaagsanaa waxaana uu ku mutaystay isagoo kubad weerar ah uu lasoo dhaafay dafacyada isla markana sidoo kale uu la dhaafay gool haye Paul Gerrard uu arkay gool haya oo dhaawacmay oo xanuun dartiis la xanuunsaday isagoo kubadda joojiyay kadibna uu bixiyay markii uu garsooraha weydiyayna ku jawaabay gool hayaha wuu dhaawacmay.

Di Canio waa 40 jir waxana uu kamid noqday xidigihii ugu wanaagsanaa ee soo mara horyaalka ingiriiska.

 

3, Roberto Di Matteo [Chelsea, MK Dons]

xidigaan ayaa  waxaa lagu xasuustaa gool uu ka dhaliyay kooxda Middlesbrough sanadkii 1997 waxaana uu aha kulan ka tirsan koobka F.A Cup-ka waxaana goolkaan uu ahaa goolkii ugu dhaqsiyaha badnaa taariikhda isagoo dhaliyay 42 ilbiriqsi ay cayaarta socoto.

 

4, Gianluca Vialli [Chelsea]

xidigaan waxaa uu yimid kooxda Chelsea isagoo ku soo guulaystay koobab badan sida Koobka naadiyada Yurub,koobka koobabka yurub iyo horyaalka Serie A ee Talyaniga halka markii uu yimid Chelsea uu ku darsaday labo koob oo muhiim ah sida Uefa Cup-ka iyo Koobka kobabka yurub.

xidigaan ayaa waxaa uu noqday mid kamid ah ilaa lix cayaaryahan oo Talyaani ah kuwaas oo ku guulaystay saddex koob oo waaweyn.

waxaa uu ahaa Tababare ahna cayaaryahan kaasi oo goolal muhiim ah dhaliyay intii uu ku guda jiray waayihiisa Tababarnimo iyo cayaaryahanimo.

 

5, Fabrizio Ravanelli [Middlesbrough, Derby County]

Xidigaan waxa lagu naanaysi jiray DAWACADII QALINKA waxaa uu yimid kooxda Middlesbrough waxaa uu kusoo guulaystay koobab kooxihii uu u soo cayaaray.

xidigaan ayaa waxaa lagu xasuustaa goolasha loo yaqaano Hat-trick oo ah saddex gool oo hal kulan uu dhaliyay cayaaryahan waxaana uu ka dhaliyay kooxda Liverpool sanadkii  1996 waxaana xusid mudneyd in shan gool hal kulan uu u dhaliyay kooxdiisa hore ee Juventus.

 

Fabrizio Ravanelli ayaa isaga tagay kooxdiisa Middlesbrough kadib markii ay heerka labaad u laabatay waxana kadib uu ku biiray Derby County sanadkii 2001 sidoo kale sanadkii xigay  isla kooxda Derby County ay u laabatay iyada heerka 2-aad isla sanadkii xigay.

 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
002521-5140242

 

 

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com