Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

 

Milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich uu ugu digay xidigaha kooxda Chelsea in ay ku kacaan dhaqan xumo wasaqeeya kooxda.

02.2010, deeyoo.com.

"waa inaad joojisaan in aad ku jiidaan dhiiqada magaca kooxda Chelsea ayuu yiri Roman oo si weyn ugu carooday cinwaanada hore ee warbaahinta oo lagu soo daabaco dhaqan xumada ay ku kacaan cayaaryahanadiisa.

Bilyineerkaan u dhashay  Ruushka Roman ayaa waxaa uu sheegay in dulqaadkii uu ka dhamaaday isla markaana uu la tiigsan doonno Anshaxa,isagoo ku amray agasimaha isku dubaridka kooxda Chelsea Ron Gourlay in  uu ku kulmiyo dhamaan cayaaryahanada xarrunta kooxda ee Surrey training Headquerters iyadoo halkaasi ay ka dhacday kulan qaadatay 10 daqiiqo.

Sidoo kale halkaas waxaa ka hadlay Tababaraha kooxda Chelsea Carlo Anceloti isagoo sheegay in qof kasto oo xeran maaliyadda kooxda Chelsea uu mas'uul ka yahay magaca iyo sumcadda kooxda lagana doonayo in uu ilaaliyo.

Kulankaan ayaa ku soo beegmay xilli ay dafeexado ku soo baxeen xidiga daafacyada labada ah ee John Terry iyo Ashley Cole inkastoo Ashley Cole uu yahay mid dhaawac ah kadib markii uu jab kasoo gaaray Anqowga.

Terry ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Dupai si uu xal ugu hello qilaafka kala dhaxeeya xaaskiisa Toni oo ka carootay kadib markii xidigaan Terry uu xiriir sharci darro ah la yeeshay gabadha Modelka ah ee Vanessa Perroncel.

waxaa soo raacay Ashley oo la sheegay in sawiradiisa oo dhar uusan wadanin uu u direy labo haween oo xiriir Jaceyl uu la yeeshay.

Ashley ayaa gabdhahaan mid kamid ah uu la jiiftay Hotel isagoo la safrayay xidigaha kooxdiisa iskuna diyaarinayay cayaar ay marti ahaayeen oo ay la lahaayeen kooxda Hull bishii Octobar 2008 iyadoo bil kadib uu la kulmay isla iyada oo ku beegneyd bishii December waxaana ay ahayd kulan sidoo kale ay marki ahaayeen oo ay la cayaarayeen kooxda West Bromwich.

Arrinta ugu daran ee ka caraysiisay milkiilaha Chelsea ee Roman ay tahay in xidigahaan ay ku kaceen fal gogol dhaaf ah xili ay gudanayeen waajibaadka shaqo ee kooxda Chelsea.

Tababare Anceloti oo hadlayay ka hor kulanka Wolves ayaa sheegay in uusan jecleyn in uu dhex galo ama uu ka hadlo nolosha gaarka ah ee cayaaryahanada laakin ay tahay fikirka milkiilaha oo ah in laga war haayo nolosha gaarka ah ee xidigaha inta ay joogaan xerada kooxda ama ay la safrayaan.


Sharcigaan uu soo saaray milkiile Roman ayaa waxaa uu saameyn ku yeelanayaa dhamaan Cayaaryahanda,Maamulka Tababarka,Maamulka sare xitaa dadka shaqaalaha ka ah ee ka shaqeeya kooxda Chelsea xarumaheeda kala duwan.

Qodobada Sharcigaan ayaa dhigaya qofkii ku xad gudba in la ganaaxayo labo Todobaad mushaaradiisa waxana sharcigaan suura gal ah in qofka ugu horeeya ee lagu qaado uu noqon karaa xidiga Daafaca ee Chelsea AShley Cole.

Sidoo kale waxaa jira qof kale oo Chelsea ka tirsan isla markaana aanan la magacaabin oo isaga la jiifsaday Hotel Haweeney  xili lagu guda jiray howlo shaqo ayaa waxaa uu wajahayaa Ciqaab dhanka Anshaxa ah.

Xidiga Terry ayaa waxaa uu ku waayay xiriirka ama gogol dhaafkii uu la sameeyay xaaskii hore W.Bridge Venessa Perroncel kabtanimada xulka Ingiriiska iyo lacago kale oo dheeraad ah oo uu ka heli jiray garoon Wembley oo dhan 4 kun kulankiiba.

Chelsea ayaa waxay ka badisay todobaadkaan kulan ka tirsan horyaalka Ingiriiska kooxda Wolves waana ay ka badisay iyadoo ku hogaaminayso horyaalka ingiriiska 4 dhibcood oo nadiif ah kadib kooxda Everton  ay 3-1  kaga adkaatay kooxda Manchester utd.

Tababare Anceloti oo dib ugu laabanaya Arbacada Magaalada Milano isagoo kooxdiisa Chelsea ay la cayaarayso kooxda Inter milan oo uu tababare u yahay Jose Morrinho oo Chelsea magaca u sameeyay ayaa sheegay in wararkaan ay yihiin kuwo ku haboon in meeshooda looga tago isla markana xooga la saaro oo kaliya kulankaan si ay ugu badiyaan kooxda Inter milan waxaana uu intaa raaciyay in ay haboon tahay in horumar ay ka sameeyaan kulankaan ay martida yihiin.

Ashley Cole ayaa lagu soo waramayaa in markii ugu horeysay ee uu la kulmo ama uu barto gabadhaan Vicki Gough  ay sabab u ahayd isagoo nambarkeeda Talefanka uu ka hellay saaxib oo aanan la cadeyn in Ashley Cole ama Vicki Gough  midka uu saaxibka la ahaa.

Jarriirada The Mirror ayaa qortay  in Ashley Cole uu ka dhaadhiciyay Vicki Gough  in ay ku kulmaan Hoteel lagu magacabo Forest Pines Hotel oo ku yaala North Lincolnshire isla markaana habeenkaas ay wada jiifsadeen.

Gabadhaan Vicki Gough ayaa waxaa sidoo kale ay xiriir ama gogol dhaaf ay la sameysay xidiga kooxda Blackburne ee El Hadji Diouf kaasi oo leh xaas una dhashay gabar.

Jariiradda Daily Star ayaa soo daabacday sawir laga qaaday Vicki Gough iyo Al Hadji Diouf. oo taagan dhabarka dambe ee Gaari  Taksi ah.

sidoo kale waxaa ay jariiradda soo daabacday sawir kale oo looga qaaday Vicki Gough iyo Al Hadji Diouf. Maqaahida lagu magacaabo San Carlo restaurant ee ku taalla magaalada Liverpool.

Ashley Cole ayaa noqonaya cayaaryahankii saddexaad ee lala xiriiriyo in Jaceyl uu la sameeyay Vicki Gough ee ka cayaara horyaalka Ingiriiska.

 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
002521-5140242

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com