| Dhageyso |
 |
|
|
|
Maxaa kala
haysta kooxaha Milan iyo Manchester kulanka dhex mari doona.
 
15.02.2010, deeyoo.com.
waxaa lagu wadaa in dib uu u furmo Todobaadkaan
koobka horyaaliinta Yurub oo ay isugu soo hareen ilaa 16 koox
kuwaas oo natiijo wanaagsan ka sameeyay Guruubyada waxaana sidoo
kale isaga haray ilaa 16 koox oo kale kuwaas oo iyana ku
fashilmay in ay kasoo gudbaan guruubyada.
kooxihii ka haray wareegan 16-ka ayaa waxaa ugu caansan ilaa
labo koox kuwaas oo kala ah Liverpool oo shan jeer ku
guulaysatay koobkaan iyo Juventus oo iyana ku guulaysatay labo
jeer waxaana ay natiijo xumo kala kulmeen heerka guruubyada
tartankaan waxaana ay cayaaran koobka Uefa Cup-ka.
kooxaha u soo baxay wareegaan 16 -ka ayaa waxay kala yihiin Real
Madrid, Milan , Manchester United , Bayern , Fiorentina , Porto
, Arsenal , Stuttgart, Barcelona , Olympiacos , Bordeaux , CSKA
Moskva , Sevilla , Internazionale,Lyon iyo Chelsea.
xidigaha kooxda Manchester ayaa waxay u duuleen wadanka
Talyaaniga subaxnimadii isniinta waxay isku diyaarinayaan
kulanka adag ee dhexmaraya iyaga iyo Ac Milan waxaana Ac Milan
ay ka reebtay Manchester koobkan dhowr jeer waxaana kamid ah
labadii jeer ee ugu dambeysay ee kooxahaan ay ku kulmaan
tartankaan.
kulankaan dhexmaraya kooxda Milan iyo Manchester utd ayaa waxaa
uu ka dhacayaa garoonka Milan oo San Siro waxaana xusid mudan in
kulankaan Milan uu u cayaarayo xidiga David Beckham kaasi oo si
weyn loogu xasuusto kooxda Manchester utd.
weeraryahanka kooxda Manchester Rooney ayaa waxaa uu sheegay in
uu diyaar u yahay kulankaan isla markaana qiray in uu goolal ka
dhalin karo kulankaan waxaana uu xusay in ay ka aarsan doonan
kooxda Milan oo markii ugu horeeysay uu la cayaaray koobkaan
isagoo 19 jir ah sanadkii 2005 markaas oo labadii lug looga
adkaaday Manchester min hal gool isku cel celisna 2-0 waxaana ay
ahayd koobkan isla wareegaan oo kale.
Rooneey ayaa waxaa kaloo sheegay in labo sanno kadib ay hadana
Milan la kulmeen markaas oo ay ku kulmeen cayaar Seme Final ah
waxaana 3-2 ay ku adkaatay Manchester Lugtii hore halka 3-0
looga adkaaday cayaartii 2-aad oo ka dhacday halka kulankaan uu
ka dhacaayo ee San Siro.
Rooneey oo dhibaato kala kulma in uu gool ka dhaliyo kooxaha
reer Talyaani ayaa waxaa uu sheegay in uu rajo ka qabo in uu ka
reebo kooxda uu layliyo Tababare Leonardo.
Tababaraha wadanka Ingiriiska Fabio Capello oo ahaa Tababarihii
u qaaday Ac Milan koobkan sanadkii 1993/1994 ayaa waxaa uu
sheegay in Rooneey uu yahay qatarta ugu adag ee Milan xiligaan
ay kala kulmeyso Manchester waxaana uu qiray in xidigaan kulan
kasto uu inta badan gool uu dhaliyo ama ku dhiibo kooxaha kasoo
horjeeda Manchester.
waxaa lagu wadaa in Alexandre Pato uu dib ugu soo laabto kooxda
Ac Milan halka weeraryahanka Klaas Jan Huntlelaar isna lagu
badalaayo xidiga Marco Borriello oo dhaawacmay waxaana Tababare
Lenardo uu sheegay in uu sii wadi doono habkiisa weerara saddex
aflaha ah oo xiligaan uu cayaaray inta badan isagoo weerarka ku
soo bilaabi doono Pato,Ronaldinho iyo xidiga ku fashilay
horyaalka Talyaaniga ee Huntelaar.
daafaca dhexe ee Ac Milan Thiago Silva ayaa waxaa uu kasoo
kabsaday dhaawac qaska kasoo gaaray isagoo kulankii jimcaha
garoonka laga saaray kulankii Udinese ay kaga horjeedeen waxaana
ku wehlin doonno weerarka dhexe kabtankii hore ee kooxda Lazzio
Nesta.
David Beckham ayaa waxaa uu kusoo bilaaban doona kulankaan
waxaana qadka dhexe ku wehlin doona Massimo Ambrosini iyo Andrea
Pirlo.
Rio Ferdinand ayaa dib ugu soo laabanayo kooxda Man Utd isagoo
kamid noqonaya xidigaheeda lagu soo bilaabayo kulankaan.
kabtanka cusub wadanka ingiriiska Ferdinand ayaa waxaa laga
ganaaxay ilaa afar kulan horyaalka Ingiriiska laakin waxaa uu uu
cayaaraa kulaankaan isagoo jecel in markoodi saddexaad oo isku
xiga ay soo gaaraan Finalka koobkaan waxaana ku wehlin doona
qalbada dhexe ee daafaca Wes Brown ama Jonny Evans mid kood.
waxaa ka maqan Man Chester Nemanja Vidic oo lugta ka
dhaawacan,Ryan Giggs oo gacanta ka jabay halka Rooneey uu yahay
wakiilka Manchester ee kulankaan.
kooxda Manchester utd ayaa xiligaan goolasha ay dhaliyeen 10
kamid ah ay yihiin kuwo ay iska dhaliyeen kooxaha kasoo
horjeeday.
hadaba waxa aan sugna waa kulankan weyn ee dhex maraya laba
kamid ah kooxaha ugu caansan aduunka ayna soo mareen laacibiin
laga wada jecelyahay aduunka.
Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
002521-5140242
deeyoo_edit@hotmail.com
|

Halkan
riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore
|