|
Weeraryahanada
caanka ah ee Forlan iyo Simao oo dhulka la galay kooxda weyn ee
Barcelona.

15.02.2010, deeyoo.com.
Atletico Madrid ayaa noqotay kooxda kaliya ee
dhulka dhigta Barcelona horyaalka sanadkan markii ay kaga
badiyeen 2 gool iyo 1.
Ciyaartan oo ahayd mid si aad ah indhaha loogu
wada hayay maadaama ay Atletico madrid ahayd kooxdii ugu
danbeysay ee ka adkaata Barcelona horyaalka Spain ku dhawaad
sanad ka hor ayaa la wada sugayay in natiijo ka farxisa kooxaha
kale gaar ahaan kooxda ay deriska yihiin ee Real Madrid.
Diego Forlan iyo Simao Sarbrosa ayaa kala
dhaliyay goolasha Atelitico halka Zlatan Ibrahimovich dhaliyay
halka gool ee Barcelona ciyaartiina ay sidaa ugu soo dhamaato,
sadaxdii dhibciidna ay kula hoydaan kooxda ka dhisan magaalada
Madrid.
Guuldaradan ayey ka dhigeysaa inuu soo yaraado
farqigii dhibcaha ee u dhexeeyay Barca iyo Real oo ahaa 5
dhibcood, balse hadda laga soo dhigay 2 dhibcood kaliya, markii
ay Real Madrid sabtidii ku tumatay kooxda yar ee Xerez. Ronaldo
oo kasoo noqday ganaax iyo Kaka ayaa ku baashaalay difaacii
Xerez, gababagadii ciyaarta oo noqotay 3 iyo waxba waxaa 2 kamid
ah goolasha dhaliyay Ronaldo halka Kaka oo ahaa ninkii wada
dhiibay sadaxdii kubadood ee goolasha lagu dhaliyay, arinta la
yaabka leh ayaa ahayd in sadaxda goolba la dhaliyo 7 daqiiqo
gudahood oo qeybtii danbe ee ciyaarta ah.
Labadan kooxood oo inta badan isku haysta safka
hore ee horyaalka spain ayaa dad badani qabaan in ay koobka ku
guuleysaneyso cidda adkaata kulanka dhex mari doona labadooda,
maadaama inta badan ay ka awood badanyihiin kooxaha kale, marka
laga reebo Valencia, Atletico madrid iyo Sevilla oo marmar
xanuujiya labadan darbi ee Barca iyo Real.
Halkan hoose kala soco kala horeynta kooxaha.
| Kooxaha |
Kulamada |
Dhibcaha |
| Barcelona |
22 |
55 |
| Real Madrid |
22 |
53 |
| Valencia |
22 |
43 |
| Sevilla |
22 |
39 |
| Mallorca |
21 |
37 |
| Dep. La Coruna |
22 |
35 |
Waxaa diyaariyay.
Mohamed A O (Deeq)
deeyoo_admin@hotmail.com
deeyoo_edit@hotmail.com
|