|
Labada
kooxood ee ugu caansan Italia Juve iyo Milan oo isku goolal ku
adkaaday iyo Inter oo lugfta la qabtay.

15.02.2010, deeyoo.com.
Kooxda hogaanka u haysa horyaalka Talyaaniga ee
Inter ayaa 4 maalmood gudahood iska qasaarisay 4 dhibcood kadib
markii ay laba kulan oo ay la kala ciyaartay Parma iyo Napoli
gashay barbardhac, sidaasna ku aruursatay 2 dhibcood, farqigii
dhanka dhibacaha ayaa hada noqday 7 dhibcood.
Kooxda Milan oo aad ugu baahneyd in kooxaha kale
ee Seria A caawiyaan si ay ugu soo dhawaato kooxda ay isku
magaalada iyo isku garoonka yihiin ee Inter, waxa ay ka
faa'iideysatay lugta la qabtay Inter iyaga oo jimcihii ka
adkaaday kooxda Udinese oo ay uga badiyeen 3 gool iyo 2, laba
kamid ah goolashaa waxaa u dhaliyay Huntelaar oo inta badan lagu
haayo kursiga keydka ah, balse ciyaartan si aad ah uga faa,idey
markii uu dhaawac galay Boriello oo booskan ka haysta.
Kooxda weyn ee Juventus oo beryihii ugu
danbeeyay u ekeyd koox ka xishootay in ay badiso kulamada ay
ciyaareyso, ayaa boorka iska jaftay kuna cara goysay kooxda
Genoa oo ay uga adkaadeen 3 gool iyo 2, sidoo kale laba kamid ah
goolasha Juve waxaa dhaliyay kabatan Delpiero sidaasna aad ugu
soo dhaweeyay kooxdiisa booska 4aad ee horyaalka Talyaaniga kaas
oo muhiim u ah ka qeyb galka Champions League, waxa hadda min
hal dhibic kaliya ka horeeya labada kooxood ee sampadoria iyo
Napoli.
Juventus oo aan looga baran in laga badiyo 8
kulan oo kamid ah 24 kulan oo ay ciyaartay waxaa guuldarooyinkii
ku dhacay loo aaneeyay tababarihii xilka laga qaaday ee Ciro
Ferrara oo la sheegay in ay ku dhacday khibrad la,aan, balse
ujeedada laga lahaa ay ahayd in kooxdu ay ciyaarto qamaarkii
Barcelona oo kale markii ay xilka u dhiibeen Guardiola oo aan
khibrad lahayn, hadana sanadkiisii 1aad kooxda usoo xareeyay 6
koob, balse Juve waa ku qasaartay qamaarkeedii.
Kooxaha ayaa hadda u kala horeeya.
Inter oo leh 54
Roma 47.
Milan 45.
Sampadoria iyo Napoli min 39 dhibcood
ugu danbeyn Juventus ayaa leh 38 dhibcood
kooxaha dhamaan waxa ay wada ciyaareen min 24
kulan inta aan ka ahayn Milan oo ciyaartay 23 kulan.
Dhanka gool dhalinta.
Waxaa ugu horeeya.
Di Natale (Udinese) 17 gool.
Milito (Inter) 14 gool.
Pazzini (Sampadoria) 12 gool.
Matri (Cagliari) 11 gool.
Baretto (Bari) 11 gool.
Waxaa diyaariyay.
Mohamed A O (Deeq)
deeyoo_admin@hotmail.com
deeyoo_edit@hotmail.com
|