|
Sharci cusub
oo lagu kala jabinayo afarta kooxood ee ugu waaweyn Ingiriiska
oo jidka kusoo jira

15.02.2010, deeyoo.com.
Sharci cusub ayaa lagu wadaa in lagu soo
kordhiyo ciyaaraha ingiriiska ee premier League, ujeedaduna
tahay in la kala jabiyo (Big Four) oo ah afarta kooxood ee ugu
awoodda badan horyaalkan.
Shircagan cusub ayaa dhigaya in ka qeyb galka
horyaalka yurub ee Champions League loo fududeeyo kooxaha ay ku
adkaatay sidii ay boos uga heli lahaayeen afartan kooxood ee
Manchester Utd, Chelsea, Arsenal iyo Liverpool oo meesha ka
dhigtay goob aan loo soo gali karin, waxaana lagu wadaa in 3
kooxood ay si toos uga qeyb galaan tartanka, halka booska 4aad
loo furayo 4 koox oo u tartami doona halka boos ee haray, waa
kooxaha kala gala kaalimaha 4aad, 5aad, 6aad iyo 7aad oo wada
ciyaari doona tartan yar si loo helo hal koox kaliya oo ku
biirta 3da hore.
Fikradan ayey la dheceen dhamaan kooxaha
Ingiriiska marka laga reebo afarta kooxood ee waaweyn. Kooxaha
sida aadka ah ugu dhoola cadeeyay waxaa kamid ah Aston Villa,
Tottenham, Manchester City iyo Everton. waxa ayna sheegeen in
tani ay fursad u siin karto ka qeyb galka tartankan mid kamid ah
kooxahan.
Ka qeyb galka tartankan weyn ayaa ah mid aad ugu
muhiim ah kooxaha Yurub, maadaama laga helo magac iyo lacag aad
u fara badan oo kooxaha aan dhaqaalaha wanaagsan lahayn ka
saacidda soo kabsasho iyo weliba daboolidda qarashaadka ay
kooxdu isticmaasho.
Sharcigan oo kale waxaa horey u dhaqan geliyay
dalka Holland oo kooxaha gala kaalimaha 2aad ilaa 5aad isku
arkaan tartan ay kooxdii ku guuleysata ku biireyso kooxdii
gashay kaalinta 1aad ee hanatay koobka.
Weli sharcigani lama soo saarin, laakiin waxa ay
u badantahay inuu dhaqan galo maadaama inta badan kooxuhu ay la
dhacsanyihiin, balse waxaa iyadana aan meesha ka marneyn
awoodda ay leeyihiin 4ta kooxood ee loogu yeero THE BIG FOUR, oo
laga yaabo in ay isku kaashadaan sidii ay u dhabar jabin
lahaayeen sharcigan liddiga ku ah iyaga.
Waxaa diyaariyay.
Mohamed A O (Deeq)
deeyoo_admin@hotmail.com
deeyoo_edit@hotmail.com
|