| Dhageyso |
 |
|
|
|
Guul maka gaari
karaan Champions League kooxaha Real Madrid iyo Barcelona.

1402.2010, deeyoo.com.
Kooxaha Barcelona iyo Real Madird ayaa waxay
yihiin labo koox oo ka dhisan wadanka Spain kuwaas oo ku
guulaystay koobka horyaaliinta Yurub ilaa 12 jeer waxaama afar
lamid ah ay qaadeen 10-kii sanno ee ugu dambeeyay.
Dalalka ku soo dhow ayaa waxaa kamid ah Ingiriiska iyo Spain
kuwaas oo iyana qaaday koobkaan laakin dalkaan Spain waa midka
ugu qaadista badan koobka horyaalada Yurub waxayna ku
guulaysteen ilaa 12 jeer waxaana dhamaan 12 kaas jeer qaaday
labadaan koox Real MAdrid 9 jeer Barcelona 2 Jeer.
Dalkaan Spain waxaa uu ku yaalaa koofur galbeed qaaradda Yurub
waxaana naadiyadiisa Barcelona iyo Real Madrid ay ku guulaysteen
ilaa 12 koob waxayna ka badan yihiin dalalka Ingiriiska iyo
Talyaaniga kuwaas oo min 11 jeer qaaday.
Xiligaan kubadda cagta Spain waa mid horumar kusii talaabsanayso
ama ku talaabsatay waxaana horyaalka Laliga Spain ka cayaara 8
kamid ah 10-ka xidig ee ugu wanaagsan xidigaha ku xamaasha
kubadda cagta adduunka waxaana xusid mudan in shan kamid ah ay u
cayaaraan kooxda Barcelona.
Koobka horyaakada Yurub Uefa Champions League waxaa uu galay
wareegyada kala baxa ah ama knockout rounds waxana isha lagu
hayaa ilaa saddex koox oo ka socota wadanka Span waxayna kala
yihiin Real Madrid Barcelona iyo Sevilla waxana la is
waydiinayaa waa kooxdee kooxda imaan karta kama dambeysta ama
Finalka koobkan oo lagu qabanaayo garoonka Bernabua ee kooxda
Real Madrid.
Barcelona
kooxdan Barcelona waxay tahay kooxda Difaacanaysa koobka
horyaalada Yurub waxayna maanka ku haysaa ama ay rajo ka qabtaaa
in ay soo gaarto kama dambeysta Finalka koobkan oo sanadkaan ay
martigalinayso caasimadda Spain ee Madrid waxaana Barcelona ay
aamin santahay in ay tahay kooxda u qalanta Finalka koobka ee ka
socota wadanka Spain.
kooxda ah horyaalka Adduunka Barcelona ayaa waxay qaaday
xiligaan ilaa lix koob iyadoo rikoor cusub ka dhigtay adduunka
mana jirto koox qaaday inta koob ee Barcelona xiligaan ku
guulaysatay.
kooxdan ayaa waxaa ay kasoo baxday guruubka iyadoo ah
hogaamiyayaasha waxayna ka sareysay Inter Milan oo kaalinta
2-aad ku soo baxday waxaa kaloo jira in 2-0 ay kaga adkaatay
inter oo ay 4 dhibcood ka qaateen waxayna ahayd tijaabo run ah
oo ay kasoo gudubtay Barcelona iyadoo ka adkaatay Inter oo ah
kooxaha ugu culus xiligaan caalanka kubada cagta.
Shakina kuma jiro in kooxda Barcelona ay tahay xiligaan koox ka
sareyso naadiyada caalamka waxayna tahay mid fursad kale u heli
karta in ay ku guulaysato xiligaan koobka horyaalada Yurub
Champions League waxayna tahay mid niyadeeda ay aad u sareyso.
Barcelona inkastoo ay lumisay xiligaan kulan ka tirsan koobka
wadankooda Spain ee Copa del Rey oo ay guul daro kala kulantay
kooxda iyaan cayarayso horyaalka yurub ee Sevilla ayaa waxay
tahay mid dhibco badan ay ku hogaaminaysaa horyalka Yurub.
kooxda Barcelona waxay isku diyaarinaysaa kulanka adag ay
todobaadkaan ay la cayaarayso kooxda Stutgard ee wadanka
Jarmalka waxaana kooxdaan ruxaya dhaawacyo oo ay ka dhaawacmeen
qaar kamid ah xidigaha kooxdaas ay ku tashato.
xidiga daafaca ee weerarka leh Dani Alves ayaa waxaa uu yahay
mid ka dhaawacan waxaana uu maqnaanayaa ilaa saddex isbuuc
isagoo lugta ka dhaawacmay.
sidoo kale xidiga daafaca bidix ee Eric Abidal ayaa isna
maqnaanaya labo isbuuc waxaana wax yeelo ay kasoo gaareen muraqa
waxaana suura gal ah in Yaya Toure uu xoojiryo daafaca iyadoo
macquul ay tahay in daafaca dhexe lagu soo bilaabo halka Puyol
ay suura gal tahay in uu ka cayaaro booska dani Alves.
waxaa kaloo Barcelona ka maqan xidiga daafaca dhexe ee wadanka
Ukrein Dmytro Chygrynskiy kaasi oo hal isbuuc garoomada ka
maqnaanaya isagoo aanan sharciga qaban in uu u safto koobka
horyaalada yurub kaliya waxaa uu seegaya horyaalka.
Puyol ayaa waxaa uu yahay mid la xanuun sanaya dhaawacyo fudud
oo uu qabo xidiga waxana rajo wanaagsan laga qabaa in ay soo
caafimaad qaataan xidigaha daafaca ah ee Rafa Marquez & Gerard
Pique waxaana labadaan ay yihiin kuwo calaamado qaatay kulamdii
La Liga Spain.
Tababare Guardiola waxaa uu doonayaa in uu soo dalacsiiyo
cayaaryahano juunyar ah sida horey loo soo dalacsiiyay Messi si
ay u buuxiyaan boosas badan oo kooxda ka banaan.
Real Madrid
kooxdaan Real Madrid ayaa garoonkeeda waxaa uu yahay kan
marti galinaaayo Finalka koobka horyaalada Yurub waxaana ay
dhibaatooyin kala kulmaysay koobka horyaalada yurub tan iyo
sanadkii 2002 markaas oo ay ugu dambeysay in ay ku guulaysato
koobkan waxaana inta badan ay ku hari jirtay wareegyada hore oo
xitaa kooxo yar yar ay ka reebi jireen tartankaan.
kooda Los Blancos waxay ku guulaysatay ilaa sagaal jeer koobkaan
waxayse ku dhib qabtaa sidii ay ugu guulaysan lahayd koobkeedii
10-aad waxaana koobkii ugu dambeyay ka reebtay Liverpool oo
ahayd kooxdii ka qaaday koobkan sanadkii 1981-dii waxaana
labadii lug ay kaga adkaatay 5-0 isku cel celis.
kooxda Real Madrid ayaa waxay bixisay lacago dhan 254 Milyan
iyadoo soo iibisay xidigaha kala ah Cristiano Ronaldo, Kaka,
Karim Benzema, Xabi Alonso waxayna la mid tahay iyadoo siisay
taageerayaasheeda ku nool caalamka ku dhawaad hal gini waxana
lagu qiimeeyay taageerayasheeda in ay gaarayaan 287 milyan oo
taageero.
kooxdaan waxaa ku sugan labada xidig ee ugu qaalisan caalamka
C.Ronaldo iyo Kaka sidoo kale waxaa ku sugan Mahamadou
Diarra,Fernando Gago, Royston Drenthe,Esteban Granero,Alvaro
Arbeloa,Sergio Ramos,Esteban Granero,Lassana Diarra, Marcelo,
Rafael van der Vaart, Higuain, Benzema,Guti iyo rugcadaaga
kabtanka ku ah ee Raul.
hadaba la arki doonee waxa ay
ka keenaan qaaradda Yurub xiligaan.
Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
002521-5140242
deeyoo_edit@hotmail.com
|

Halkan
riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore
|