Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

 

Qubanayaal goos goos ah.

09.02.2010, deeyoo.com.

kooxda Juventus ayaa waxay doonaysaa in ay lasoo wareegto xidig u cayaaro kooxda Uduneesa ee dalka Talyaaniga.
 
xidigaan oo lagu magacaabo Gaetano D'Agostino ayaa waxaa si weyn u jecel maamulka Juventus waxayna doonayaan in ay ku badasho booska uu ku fashilmay Felipe Melo.
sida laga soo xigtay wargayska Tuttosport ayaa sheegaya in xidigaan Gaetano D'Agostino kooxda Juventus ay doonayso in uu kabo qadka dhexe ee naadigaas.
 
**************************************************************************
xidiga garabka kaga cayaara kooxda Bayern Munich ee Franka Ribery ayaa waxaa uu qiray in isaga uu doonayo in uu ka garab cayaaro xidiga ay isku dalka yihiin ee Henry.
 
xidigaan muslimka ah waa Ribery ayaa waxaa si weyn loola xiriirinayay in uu ka tagaayo naadiga weyn ee wadanka Jarmalka B.Munich waxaana doonayay kooxo dhowr ah oo iska diiwaan galiyay saxiixa cayaaryahankaan.
 
**********************************************************************
kooxda Arsenal ayaa waxaa ay u dhowdahay in ay hishiis la gaarto xidiga weerarka ee kooxda Bordeaux ee wadanka Faransiiska Marwaan Shamakh.
 
xidigan oo lagu waday in uu u ku biiro kooxda Liverpool ayaa bur buray qorshahaas waxaana kadib la xiriirtay kooxda Arsenal oo haatan rajo wanaagsan ka qabta saxiixa xidigaan.
 
*********************************************************************
Bilyineer u dhashay wadanka India ayaa waxaa uu doonayaa in uu iibsado kooxda Liverool.
sida ay qortay jariiradda Times ayaa sheegaysa ninkaan oo lagu magacaabaa Mukesh Ambani waana ninka 7-aad ee ugu taajirsan caalamka.
 
laakin wakaaladda wararka AFP ayaa sheegtay in ninka ugu taajirsan wadanka India Mukesh Ambani uu beeniyay warar ay qoreen wargaysyada kasoo baxa dalka Ingiriiska.
 
******************************************************************************
kooxda Arsenal ayaa waxay u qortay warqad naadiga Barcelona oo ay ka dalbanayso naadiga weyn ee wadanka Spain in ay ka harto isku daygeeda ay ku doonayso in si sharci daro ah ku shukaansto xidigeeda qadka dhexe ee Cesk Febrigas.
 
************************************************************************
Tababarahihii hore ee kooxda Man City Mark Hughes ayaa waxaa lala xiriirinayaa xilka Tababarnimo ee xulka wadanka Turkiga.
 
Tababarahaan ayaa laga ceyriyay xilka macalininimo ee kooxda Man City labo bil ka hor.
sidoo kale waxaa xilkaan Turkiga lala xiriirinayaa Tababare Guus Hiddink oo tababare u ah dalka Ruushka in uu qabto xilkaas.
 
waxaana sidoo kale lagu soo waramayaa in Mark Hughes lala doonayo booska uu baneenayo tababaraha cadaadiska saaran ee Gianfranco Zola ee kooxda West han.
 
**************************************************************************
Daafaca kooxda Manchester Utd ahna kabtanka cusub ee wadanka Ingiriiska ayaa waxaa uu rajo ka qabaa in laga yareeyo ganaaxa uu saaray xiriirka kubadda cagta ingiriiska.
 
**************************************************************
xidiga Kieron Dyer ee kooxda west ham ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu yahay mid qasaaro xoogan gaarsiiyay naadiga West Ham waxaana xidigaas hishiis afar sanadood oo uu horey ugu saxiixay uu ku kacay 30 milyan oo gini waxaana uu u saftay shan kulan oo kaliya isagoo wali aanan hal gool xitaa u dhalinin.

ugu danbeyn Dalka Nigeria oo doonayso Tababare Xasan Shaxaaya
 
Tababaraha wadanka Masar u qaaday koobkii Afrika Xasan Shaxaata ayaa waxaa lagu arkay liiska Tababarayaasha ay doonayso dalka Nigeria in uu u hogaamiyo koonka adduunka.
xiririirka wadanka Nigeria ee NFF ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in uu doonayo badalka booska Tababare Shaibu Amodu isla markaana ay doonayan
sidoo kale dalka Nigeria ayaa waxaa lala xiriirinayaa Guus Hiddink oo ah Tababare u dhashay wadanka Holland laakin macalin u ah Ruushka.
sidoo kale magacyada kale ee Tababarayaasha ay Nigeria doonayso ayaa waxaa kamid ah Louis Van Gaal, Peter Taylor,, Bruno Metsu, oo ah tababarihii dalka Senegal cayaarihii adduunka 2002 u hogaamiyay wareega sideeda.sidoo kale Ratomir Dujkovic oo ah tababaraha wadanka Ghana.
tababarahaan Sahxaata waa 60 jir waxaana uu yahay tababarihii ugu dambeeyay ee lala xiriiriyo xilka xulka qaranka ee Nigeia waxaana dalka Nigeria uu rajo ka qabaa in uu qaado koobka adduunka sanadkaan lagu qabanaayo ama uu meel wanaagsan ka gaaro waxaana ay u arkaan xasan Shaxaata in uu noqon karo shaqsiga heerkaas gaarsiin kara.
inkastoo Xasan Shaxaata uu ku guul daraystay in dalkiisa Masar uu u soo saaro koobka adduunka oo uu ku fashilmay in guul ka gaaro cayaar kala bax ahayd oo bishii November sanadkii tagay ka dhacday dalka Sudan oo dhexmaray iyada iyo Algeria ayaa hadana Nigeria waxa kalsooni ka muujisay in uu yahay ninka ku haboon xilkaas.
 
Ratomir Dujkovic waa Tababaraha xiga oo ay dooranayso dalka Nigeria kadib Xasan Shaxaata Tababarahaan Ratomir Dujkovic waxaa uu u hogaamiyay dalka Ghana in ay soo gaaraan Finalka koobka Afrika oo 1-0 kaga adkaaday xulka Xasan Shaxaata eee Masar.
sidoo kale waxaa dalka Nigeria ay doonayaan tababaraha u dhashay wadanka Faransiiska ee Herve Renard kaasi oo tababare u ah dalka Zambia laakin liiskaan kuma jiro kaliya waxaa lagu helay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
002521-5140242

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com