| Dhageyso |
 |
|
|
|
Afrika oo 10ka dal ee ugu sareysa
caalamka lagu arkay markii ugu horeysay tani iyo 1994.

04.02.2010, deeyoo.com.
wadanka ah horyaalka qaaradda afrika ee Masar
ayaa waxaa uu kaalin wanaagsan ka soo galay qiimeynta bilaha ee
Fifa ay samayso.
xulka lagu naaneyso Faraaciinta ayaa waxaa ay kasoo dhaqaaqeen
kaalinta 14-aad iyagoo soo galay kaalinta 10-aad ama 10 dal ee
ugu sareyso iyagoo kaalinta 1-aad ay ka yihiin qaaradda Afrika.
waa markii ugu horeysay oo Masar ay heerkaan ka gaarto
qiimeeynta caalamka waana markii labaad oo dal ka socda qaaradda
Afrika uu tiigsado heerkaan oo kale ama uu soo galo 10 dal ee
ugu sareyso qiimeynta Fifa iyadoo sanadkii 1994 dalka Nigeria ay
soo galeen kaalinta 5-aad.
Nigeria ayaa waxay soo dalacday ilaa todobo kaalin iyadoo haatan
kaalinta 15-aad caalamka ay kasoo gashay qaaraddana ay kaalinta
2-aad ka gashay bishaan.
Masar ayaa 1-0 axadii ugu adkaaday dalka Ghana cayaar final
koobka Afrika ahayd waana markeedii saddexaad ee isku xig xiga
oo ay qaado dalka Masar koobka qaramada qaaradda Afrika.waana
markeedii 7-aad.
sidoo kale dalalka Afrika ee soo dalacay qiimeynta Fifa ayaa
waxaa kamid ah dalka soo gaaray Finalaha koobka Afrika ee Ghana
oo kaalinta 27-aad soo gashay iyadoo 5-aad kaga jirta tan Afrika
waxaana ay kor u soo dalacday ilaa 7 kaalmood tan Fifa.
dalka Cameroon ayaa waxaa uu lumiyay ilaa sagaal darajo isagoo
hoos u dhacay waxaana uu haatan tan Fifa ka galay kaalinta
20-aad halkii uu horey kaga jiray 11-aad.tan Afrika waxaa uu
kaga jiraa kaalinta 3-aad.
sidoo kale waxaa jira dalal kale oo afrika kuwaas oo kor u soo
dalacay qiimeynta caalamka ee FIFA waxaana kamid ah dalka Zambia
oo kaalinta 73-aad soo galay isagoo kor u soo kacay ilaa 11
kaalin.
halka Malawi ay soo gashay kaalinta 82-aad waxaana uu kor u soo
kacay ilaa 17 darajo.
dalka Spain ayaa waxaa uu ka galay qiimeynta caalamka kaalin
1-aad oo laga saari la'yahay isagoo ka horeeya dalalka Brazil
iyo Netherland oo 2 iyo 3-aad ka galay.
dalkeena Soomaaliya ayaa waxaa qiimeynta Fifa uu ka galay
kaalinta 179 halka dalka Jabuuti oo aan dariska nahay ay ka
galeen kaalinta 193.Hadaba waa kuwaan 10-dal ee qaaradda Afrika
ugu sareyso iyo qoysanka oo ah kaalinya ay kaga jiraan tan
caalamka.
1. Egypt (10-aad caalamka)
2. Nigeria (15 aad caalamka)
3. Cameroon ( 20 aad caalamka)
4. Ivory Coast (22aad caalamka)
5. Ghana (27aad caalamka)
6. Algeria (31 aad caalamka)
7. Gabon (44 aad caalamka)
8. Burkina Faso (51-aad caalamka)
9. Mali (53-aad caalamka)
10. Tunisia (55-aad caalamka)
***************************************************************
Xulka
Ghana oo abaal marrino la siiyay
Dowladda Ghana ayaa waxay abaal marrino kala duwan ay siisay
cayaaryahanadeda ka qeyb galay koobka qaramada qaaradda Afrika
kuwaas oo natiijo wanaagsan ka keenay.
cayaaryahan kasta oo ka tirsan dalka Ghana ayaa waxaa la siiyay
20 kun oo dollar waxaana ay soo gaareen Finalka koobka afrika oo
1-0 ay kaga qaaday dalka Masar.
madaxweynaha dalka Ghana John Atta Mills ayaa waxaa uu kusoo
dhaweeyay cayaaryahanada xulka Ghana ee ka qeyb galay koobkii
kusoo dhamaaday dalka Angola magaalada caasimadda ah ee Accra.
Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay Tababaraha wadankaas Rajevac
iyo cayaaryahanada xulka Ghana natiijadii wanaagsanayd oo ay
kasoo gaareen koobka.
Essien ayaa waxaa uu kamid ahaa xulka ka qeyb galay tartanka
waxaana xidigaas uu cayaaray 45 daqiiqo cayaartii ugu horeysaty.
Madaxweynaha ayaa waxaa uu si gaar ah ugu mahad celiyay gool
haye Richard Kingson kaasi oo uu madaxweynaha ugu deeqay
maaliyadiisa ka hor cayaarta Finalka koobka Afrika.
Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
002521-5140242.
deeyoo_edit@hotmail.com
|

Halkan
riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore
|