Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

 

Waxyaabihii ugu danbeeyay ay wargeysyada Ingiriisku ka qoreen ciyaarta kubadda cagta.

 03.02.2010, deeyoo.com.

Kooxda Liverpool ayaa waxay qarka u saaran tahay in ay hishiis la gaarto xidiga lagu magacaabo Milan Jovanovic.
 
Xidigaan oo u cayaara kooxda Standard Liege ee dalka Belgium-ka ayaa waxaa si weyn u xiiseenaya madaxda Farsamada Liverpool oo doonaya in ay ku xoojiyaan xulka kooxdaas.
sida ay qortay jariiradda The Times ayaa sheegaya in cayaaryahankaan caalamiga dalka Serbia ay wada hadalo dheeraad ah ay la leeyihiin wakiilo ka socda Naadiga Liverpool.
 
Full story: The Times
 
****************************************************************************
Kooxda Arsenal ayaa waxay kaga adkaatay kooxda Tottenham tartankii loogu jiray saxiixa xidig daafaca ka cayaara oo u dhashay wadanka Serbia.
 
Xidigaan oo lagu magacaabo Stefan Savic ayaa waxaa uu u cayaaraa kooxda BSK Borca waxaana Arsenal ay kaga hormartay Naadiga ay kawada dhisan yihiin Waqooyga Magaalada London.
 
Sida ay qortay jariiradda Daily mirror ayaa sheegaya in xidigaan uu soo dhamaystay tababar 10 maalmood ah oo la qaatay kooxda Arsenal isla markaana Tababaraha Arsenal Arsen Wenger uu hishiis horudhac ah la gaaray cayaaryahanka.
 
Full story: Daily Mirror
 
***********************************************************************
Gudoomiye ku xigeenka kooxda Barcelona Alfons Godall ayaa sheegay in ay soo af jari doonaan hishiiska uu Cesc Febregas ku imaanayo magaalada Barcelona.
 
Sida ay qortay jariiradda kasoo baxda dalka ingiriiska ee The Sun gudoomiye ku xigeenka naadiga ah horyaalka Adduunka ee Barcelona uu xaqiijiyay in xidiga qadka dhexe ee wadanka Spain iyo naadiga Arsenal Febregas ay keeni doonaan garoonka Neu Camp goor dhow ama goor dambe.
 
Full story: The Sun
 
***********************************************************************
Kooxda Manchester utd iyo Real Madrid ayaa waxay xiiseenayaan xidiga qadka dhexe ee kooxda Racing Santander Sergio Canales.
 
sida ay qortay jariiradda Daily Mail ayaa sheegaysa in xidigaan ay xiiso xoogan u qabaan kooxahaan oo doonaya in ay ku xoojiyaan xulalkooda.
 
Full story: Daily Mail
 
*****************************************************************************
Kooxda Manchester City ayaa waxay hogaaminaysaa loolanka loogu jiro xidiga qadka dhexe ee kooxda Athletico Bilbao.
 
Xidigan oo lagu magacaabo Javi Martinez ayaa waxaa uu soo jiitay indhaha kooxo badan.
 
Full story: imscouting.com
***********************************************************************
Kooxda ay heysato dhibaatada dhaqaalo ee Portsmouth ayaa waxay doonaysaa in ay keento daafac u dhashay wadanka Serbia.
 
Daafacaan ayaa waxaa lagu magacaabaa Dusko Tosic waxaana lagu soo waramayaa in Naadiga Pompey-ga ay u dhowdahay in ay lasoo wareegto marka uu dhamaado xiligaan.
 
Full story: Daily Mail
 
**********************************************
Tababaraha wadanka Ingiriiska Fabio Capello ayaa waxaa lagu wadaa in wada hadalo waji ka waji ah uu la qaato kabtanka wadanka ingiriiska Johm Terry oo ku aadan in uu sii ahaan doonno kabtanka wadanka ingiriiska iyo in kale.
 
John Terry iyo Capello ayaa waxaa ay kulmayaan maalinta jimcaha ka hor inta uusan Capello u duulin dalka Poland halkaas oo uu ka dhacaayo isku aadka koobka qaramada qaaradda Yurub 2012.
 
Inkastoo aanan la cadeyn karin waxa ka soo bixi kara kulankaan ayaa hadana waxaa jira in cayaaryahanada wadanka ingiriiska ee sar sare ay ku taageereen Terry in uu sii ahaado kabtanka ingiriiska isla markaana aysan waxbo iska quseynin arrinta noloshiisa gaarka ah iyo tan waajibaadka ka saaran xulkiisa.
 
Dadka dhaleeceeye John Terry ayaa ku adkaysanaya in xidigaan uu maareen waayay nolosha qoyskiisa isla markaana ay adagtahay in uu maareeyo tan qaranka kubadda cagta ingiriiska.
 
Inkastoo warar si hoose loo helaayo ay sheegayaan in saraakiil sare oo ka tirsan xiriirka FA ay ku wargaliyeen Capello in xidigaan uu ka qaado kabtanimada una dhiibo xidigii uu doono inkastoo la sheegayo in Gerard uu noqon karo kan ugu dhaw ee xeran kara kabtanimada wadanka ingiriiska.
 
Full story: Daily Telegraph .
***************************************************************
Kooxda Chelsea ayaa waxay sheegtay in ay siinayso kabtankooda John Terry waqti uu ku maareeyo nolosha qoyskiisa oo haatan maraysa meel adag.
 
Sidoo kale waxaa naadiga Chelsea ay u sameeyeen John Terry ilaalo dheeraad ah iyadoo laga cabsi qabo in la weeraro.
Full story: The Times
 

 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
002521-5140242

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com