‘’‘’GUUSHA
GOALKII
MOHAMED
GEDO EE
XULKA
DALKA
MASAR
IYO
KOOBKA
QARAMADA
DALALKA
AFRIKA
2010 IYO
XULKA
GHANA OO
18
SANADOOD
KADIB
YIMID
CIYAARTA
FINALKA’’‘’
Dalka
Masar
ayaa
caawa si
rasmi ah
ugu
guulaystey
markii
7aad
koobka
Qaramada
dalalka
Afrika
oo lagu
qabtey
dalka
Angola
2010,
islamarkaana
markii
3aad oo
xiriir
ah
noqday
horyaal
aan la
loodin
Karin.
·
Sanadkii
2006
waxay
ciyaartii
finalka
ahayd
kaga
badiyeen
kooxda
xulka
qaranka
dalka
Ivory
Coast.
·
Sanadkii
2008
waxay
ciyaartii
finalka
kaga
badiyeen
kooxda
xulka
qaranka
dalka
Cameron.
·
Sanadkaan
2010
waxay
caawa
kaga
badiyeen
garoonka
ku yaal
caasimada
dalka
Angola
magaalo
madaxdiisa
ee
Luanda
xulka
dalka
Ghana.
Ciyaar
aad u
adag oo
ay
labada
xul
isaga
horyimaadeen
garoonka
Launda
ayaa
waxaa ka
soo qayb
galay
dadwayne
aad u
farabadnaa
kuwaasoo
garaacayay
gurbaano
islamarkaana
lalminayay
calamada
dalalka
ka soo
qayb
galay,
kuwasoo
kale
taageerayay
labada
kooxood,
ciyaarta
ayaa ku
bilaabatey
jawi
degan
islamarkaana
aad
mooday
in
kooxda
Xulka
Ghana
inay aad
uga
firfircoonaayeen
xulka
dalka
Masar
kulanka
galabte
finalka.
Balse
dadka
intooda
badan
iyo
jaraaidka
caalamka
ayaa
hore u
sii
saadaaliyay
in
kooxda
xulka
Masar ay
ka waayo
aragsan
yihiin
kooxda
da’yarta
xulka
Ghana,
daafaca
kooxda
Masar
iyo
goalhayahooda
wax
qalqal
ah ama
cabsi ah
kuma
haynin
weerarada
is daba
jooga ah
ay ku
soo
qaadayeen
ciyaartooyda
kooxda
Ghana,
inkastoo
Masaarida
aad
moodo
inay mar
un
gadayaan
inay
kooxda
Ghana
goalkooda
kubadda
la
tiigsan
doonaan.
Kooxda
Masaarida
ayaa
haysata
ciyaaryahano
isku
miisaman
kuwaas
qibrad
iyo
waayo
aragnimaba
leh,
laakinse
kooxda
Ghana
waxay u
badan
yihiin
dhalinyaro
firfircoon
islamarkaana
ku cusub
koobkan
marka
laga
reebo
kabtankooda
dhaawaca
ku
maqnaa
Essien
oo ah
laacib
Qatar ah
una
dheela
kooxda
Chelsea.
Ciyaarta
qaybteedii
ugu
dambaysay
ayaa
waxay
sida
caadadu
ahayd
garoonka
soo
galiyeen
waa
xulka
dalka
Masar
ciyaaryahanka
caanka
ku
noqday
inuu
gadaal
ka soo
galo
islamarkaana
goal
qurux
badan
shabaqa
kooxaha
ay la
dheelayaan
ku
nasiyo
kubadda
si
farsamo
iyo
kalsooni
ku
jirto.
Ciyaaryahan
Mohamed
Gedo
ayaa
shan
ciyaarood
ay
gadaal
ka soo
wada
galay
dhamaantood
dheelay
wax ka
yar 15
daqiiqo
islamarkaana
shan
Goal u
dhaliyay
xulka
dalkiisa
islamarkaana
noqday
Goal
dhaliyaha
tartankan
Africa
Cup of
Nation
2010
Angola.
Gedo
ayaa si
qurux
badan
weerar
degdeg
ah kaga
soo
qaaday
dhanka
bidix
islamarkaana
kubadda
si dagan
ugu
dhiibtey
laacibka
number
9aad u
sita
kooxda
Masar
islamarkaana
gudaha
uga sii
gudbay
dhanka
Goalka
kooxda
Ghana,
Zidan
ayaa
inta
kubadda
waxyar
kadib si
farsamaysan
ugu sii
gudbiyay
dhigay
dhabarka
daafaca
kooxda
xulka
Ghana
iyo meel
u
dhaxaysa
Goalhayahooda
iyo
ciyaaryahan
Mohamed
Gedo.
Mohamed
Gedo
ayaa si
cilmiyaysan
oo
farsamo
iyo
xowli ku
socoto
kubadda
ku dul
bootiyey
geeska
midig
goalhayaha
kooxda
Ghana,
sidaasna
ku
dhaliyay
Goalkii
Guusha
dalkiisa
markii
3aad ee
is xig
xiga
kaga
badiyeen
xulka
dalka
Ghana,
sidaasna
ku
noqday
horyaalka
qaramada
xulalka
Africa
2010 ee
lagu
qabtey
dalka
Angola.
Xulka
Masar
waxay
dabaaldag
ka dhax
sameyeen
garoonka
weyn ee
Luanda
islamarkaana
Allah
ugu
mahadceliyeen
guusha
kooxdooda
ka
keneen
caawa
koobka
Afrika.
Garoonka
waxaa
joogay
caawa
madaxwaynaha
dalka
Angola,
Gudoomiyayaasha
xiriirada
kubadda
cagta
Aduunka
iyo kan
Afrika (
FIFA/CAF),
kuwasoo
gudoonsiyay
abaalmarinadii
loogu
talagalay
koobka
Qaramada
dalalka
Afrika.
Kooxda
Dalka
Masar
ayaa
gashay
kaalinta
Kowaad
2010,
halka
Dalka
Ghana u
galay
kaalinta
2aad,
kaalinta
3aad
waxaa
galay
dalka
Nigeria
,
kaalinta
4 aad
waxaa
galay
Xulka
dalka
Algeria.
Goalhayihii
ugu
wanaagsanaa
waxaa
noqday
goalhayaha
dalka
Masar
Essam El
Hadary.
Laacibkii
ugu
wanaagsanaa
koobka
Africa
Cup of
Nations
waxaa
noqday
laacibka
dalka
Masar
ahna
kabtanka
kooxda
ciyaaryahan
Ahmed
Hassan.
Ciyaaryahankii
ugu
Goalasha
badnaa
waxaa
noqday
laacibka
5 jeer
gadaal
ka soo
galay
garoonka
ee
dhaliyay
5-ta
Goal
Ciyaaryahan
Mohamed
Gedo.
Kooxdii
ugu
wanaagsanayd
waxaa
noqotey
kooxda
koobka
qaadatey
ee dalka
Masar.
Macalinkii
ugu
wanaagsanaa
koobkaan
islamarkaana
3 jeer
isku
xigta
qaaday
isagoo
wata
xulka
dalkiisa
Hassan
Shahata
ayaa
noqday.
Markii
ciyaarta
dhamaatey
dalka
martida
loo ahaa
waxa u
soo
bandhigay
Festival
aad
loogu
riyaaqay
qaabkii
ay u soo
sameyeen
iyo
xafladii
xiritaanka
koobka
Qaramada
dalalka
Afrika,
dalka
Angola
oo muda
dheer
dagaalo
sokeeye
soo
marey
ayaa
hada
moodaa
inuu ka
gudbay
una
gudbay
meel aad
u
sareysa
islamarkaana
dadkoo
dhan ay
ka
marqaati
kaceen
inay ka
horeeyaan
wadamo
badan oo
caalamka
ku yaal,
tanina
waxay
tusaale
u tahay
dalkeena
Soomaaliya
oo
xaalada
uu hada
marayo
ay tahay
mid ay
soo
mareen
dalkan
Angola,
marka
waxaan
dhihi
karaa
anagana
waan soo
noqon
karaan
hadaan
dadaalno
oo aan
iska
dayno
dhibaatada
aan
dadkeena
iyo
dalkeena
ku
hayno,
waayo
horaa
loo yiri
gacmo
wadajir
ayay wax
u
qabtaan.
Markii
ciyaartii
dhamaatey
ayaa
waxaa la
hadlay
jaraaidka
macalinka
labaad
ee xulka
dalka
Masar
ninka la
yiraahdo
coach
Shawky
Garib oo
qirey
inay
markii
horeba
ay
yiraahdeen
waxaan
daafacanaynaa
koobkii
aan hore
aan
qaadnay,
marka
Ghana
waan u
hambalyaynayaa
dadaalka
ay
muujiyeen
iyo soo
gaaritaanka
ay soo
gareen
ciyaarta
Finalka,
runtii
aad ayay
u ciyaar
fiicnaayeen
maanta
laakinse
anaga
qibradeena
ayaa noo
sahashay
inaa si
fudud
uga
badino
kooxda
Ghana
islamarkaana
aan noqo
markii
3aad
horyaal
aan la
loodin
Karin si
fududna
looga
adkaan
Karin.
Macalinka
Xulka
Ghana
Ghana
coach
Milovan
Rajevac
oo ahaa
macalinkii
da’yarta
xulka
Ghana
ninkii
18 kadib
keenay
ciyaarta
Finalka
maanta
looga
badiyay
oo la
hadlay
jaraaidka
waxa u
yiri ‘’
anaga
waayo
aragnimadaa
nagu
yarayd,
waxaan
rabnay
inaan
badino
laakinse
nasiib
xumo
ayaa
nagu
dhacday
iyo
qalbi
jab
laakinse
waayo
aragnimada
ayaa
muhiim
ah taas
ayayna
noqotey
gunaanadkii
ciyaartan
finalka’’
Kooxda
dalka
Masar oo
loo
yaqaan
xidigihii
faraaciinta
ayaa
koobka
Afrika
Cup
casharo
ama
daruus
wada
siiyay
dalalka
Afrika
uga qayb
galaya
koobka
Aduunka
2010 ee
lagu
qaban
doono
dalka
South
Afrika,
sida
Algeria,
Cameron,
Nigeria,
Ghana
iyo
dabcan
Ivory
Coast
kooxdii
ka soo
badisay
ayay
caawa ka
adkaadeen,
marka
soo ma
oran
karno
Erayo
caan
noqday
oo ay
isticmaaleen
qabiiro
Isboorti
‘’
Simple
football
is the
most
beautifull
but
playing
simple
football
is the
hardest
thing,
that is
total
football
philosophy,
death of
West
African
and
Triumph
of total
football,The
Nigeria,Camerun,
Ivery
coast
and
Ghana
system
undermined,
defensive
football
is
destroyed,
today
Egypt as
the
Pharoahs
confirmed
their
status
as kings
of the
Nations
Cup
tournament.
Ghana:
Kingson,
Addy,
Inkoom,
Sarpei,
Vorsah,
Annan,
Andre
Ayew,
Agyemang
(Addo
89),
Asamoah,
Agyemang-Badu,
Gyan
(Adiyah
87).
Subs Not
Used:
Adjei,
Osei,
Mensah,
Narry,
Amoah,
Rahim
Ayew,
Afful,
Draman,
McCarthy.
Booked:
Agyemang.
Egypt:
El
Hadary,
El
Mohamady,
Said,
Gomaa,
Moawad
(Abdelshafy
57),
Fathi
(Salem
89), Abd
Rabou,
Hassan,
Ghaly,
Zidan,
Moteab
(Gedo
70).
Subs Not
Used:
Abdoul-Saoud,
Fathallah,
El
Sakka,
Eid,
Tawfik,
Wahid,
Shikabala,
Raouf,
Hamdy.
Booked:
Moawad,
El
Mohamady,
Ghaly.
Goals:
Gedo 85.
Att:
45,000
Ref:
Koman
Coulibaly
(Mali).
Masar
guul iyo
hambalyo
ayaanu
leenahay,
ciyaar
wanaag
isku
xirnaan
asluub
iyo
karti
ayay
muujiyeen
islamarkaana
waxay
caalamka
tuseen
in mar
walbo
lagu
shugriyo
Allah
guul iyo
guuldaro,
farxad
kasto ay
muujinayeen
dalka
Masar
koobkan
waxay
ila
tahay
inaysan
ku arki
doonaan
koobka
Aduunka
2010
madaama
xulka
dalka
Masar ka
maqan
tahay,
balse
waxaan
rajaynaynaa
in
Afrika
markii
ugu
horeysay
taariikhda
ee
dalkeeda
lagu
qabto
koobkan
inay
hanato
W/D:YUSUF
YUSUF
Sports
Editor
of
SSPAMEDIA
mrsomalia@hotmail.com
London