Masar oo ku
guuleysatay koobka Afrika Markeedii 7aad iyo Gedo oo magaciisa
baray aduunka.
01.02.2010, deeyoo.com.
Egypt ayaa baal dahab ah ka gashay taariikhda ku
badda cagta Afrika, markii ay ku guuleysteen sadaxdii tartan ee
ugu danbeeyay oo is xaga 2008, 2008, iyo kii ay xalay halka gool
uga badiyeen dalka Ghana.
Marka la isku dara koobabka ay haystaan waa 7
koob oo kooxda kusoo xigta haysato 4 koob kaliya, waxaa la dhihi
karaa waa Brazilkii Afrika marka laga eego dhanka ciyaarta iyo
koobabka faraha badan oo ay haystaan, inkasta oo lala
yaabanyahay waxa ka haysta in ay usoo baxaan koobka adduunka oo
ay ugu danbeysay sanadkii 1990kii.
Mohamed Gedo ayaa mar kale kasoo kacay kursiga
keydka ama bankiinaha dalkiisana u dhaliyay goolkii guusha
daqiiqaddii 85aad ee dhamaadka ciyaarta. Gedo oo u ciyaara
kooxda Ittihad Alexandria oo ka dhisan Egypt waa xiddig ku cusub
qaranka iyo bahda sportiga intaba, dadka reer Masar ayaa u
sameeyay naaneys cusub oo ah "Abu Tarikkihii cusbaa" laacibkan
cusub ayaa loo caleema saaray gooldhaliyihii tartanka kadib 5ta
gool oo uu dhaliyay dhamaantoodna uu kasoo kacay kursiga keydka.
Laba todobaad kahor ma jirin cid taqaana magiciisa, balse hadda
warbaahinta caalamka waxaa ka dhex muuqda sawiradiisa iyo
magiciisa.
Xulka Ghana oo laga badiyay ayaa soo bandhigay
ciyaar aad u heer sareysay iyaga oo ay ka maqnaayeen laacibiin
waaweyn, waxa ayna u badnaayeen dhalinyaradii ku guuleysatay
tartankii dhalinyarada adduunka World under 20' sanadkii hore.
Tartanka soo socda ayaa lagu qaban doonaa dalka
Gaboon laba sano kadib haddii alla saamaxo.