|
Xiddig Soomaaliyeed oo kusoo
biiray masraxa laacibiinta kubadda cagta adduunka.

Abdisalaan oo la dabaaldagaya Robinho Selvinho iyo kuwo kale.
25.01..2010, deeyoo.com.
Ciyaar aad u wanaagsan oo galabta si toos
ah looga daawanayay Televisionada caalamka oo dhan iyo dalka
Ingiriiska oo ay dhaxmareysay kooxaha kale ah Manchester City
iyo Scunthorpe koobka FA dalkaan ayaa waxaa markii ugu horeysay
galabta lagu dhax arkay Wiil Soomaaliyeed oo la yiraahdo Abdi
Salaan Ibraahim Cadaay, kazoo watey funaanada lambarkeedu yahay
48 islamarkaana ka mid ahaa ciyaartooyda kooxda Man City.
Kooxda Man City oo ah koox weyn
islamarkaana ay u dheelaan laacibiin heer Qaran ah ayaa waxaa
leh hantiile Carab, ka mid noqoshada kooxdatan iyo inaa hadane
noqoto 11 ciyaaryahan ee lagu bilaabayo ciyaarta ayaa ah wax
aan sahlanayn, marka aad milicsato heerka kooxda ka joogto
horyaalka dalka Ingiriiska oo aan oran kara mid ka mid ah
horyaalada caalamka ugu xiisaha badan.

Cabdi Salaan Ibraahim Caddaay ayaa noqonaya
Soomaaligii ugu horeeyay ee ka ciyaara dalkan iyo koobka FA oo
ah koobabka caalamka ugu faacaweyn islamarkaana ugu caansan.
Run ahaantii magaalada London bahda
isboortiga oo meelo kale duwan ka joogay magaalada ayaa
dhamaantood ila soo xariirey islamarkaana aad ugu faraxsan inay
arkaan wiil Soomaaliyeed oo garoonka ka dhaxmuuqda, iyadoo
wariyaha ciyaarta sheegayay uu xusay inuu yahay Ciyaaryahan ku
dhashay dalka Soomaaliya ciyaaryahan C/salaam Yare.
C/salaam oo numberka 48 xirta ee kooxda MAN
CITY iyo Ayub Da’ud oo xirta isna number 47 ee kooxda Juventus
ayaa waxaa oran karaa kuwo u noqon kara tusaale ay kaga
daydaan(Rol Model ) dhalinyrada Soomaaliyeed.

Kooxda Man City ayaa kooxda Scunthorpe ayaa
waxay ciyaartii ku soo dhamaatey in kooxda Ibrahim ay ku badiso
4 goal halka kooxda kalane ay keentey 2 goal,
Markii ciyaarta dhamaatey ayaa waxaa
wareysi bixiyay macalinka kooxda Man City Roberto Mancini oo u
dhashay dalka Talyaaniga, muxuu ka yiri ciyaarta iyo
ciyaartooyda cusub ee kooxdiisa (sii aqri xaga hoose).
Waxaa la sadaalinayaa mustaqbalka dhaw in
Soomaali badan lagu arki doono garoomada waawayn iyo kooxaha ka
dheela madaama ay u soo gudbeen ciyaartooy da’yar Soomaaliyeed
heerka kowaad ee kooxaha wiilashan halka waalidiinta
Soomaaliyeedna looga fadhiyo inay caruurtooda gacan ku siiyaan
sidii ay ku gaari lahaayeen heerar sar sare, bahda isboortiga
iyo waalidiinta da’yarta Soomaaliyeed ee ku nool dalalkaan
waxaan jeclaan lahaa ku arko iyagoo xiran lambarada 48 iyo 47
oo ay ku qoran yihiin Ibrahim iyo Ayub si dhiirigalin ugu noqoto
laacibiintaan cusub anagana ay noogu noqoto wax aan ku faano oo
aan ku dhiirigalino waayo waxaan arkaa Soomaali badan oo ku
dalkaan oo xiran maaliyado kale duwan oo hadane ku qoran yihiin
laacibiin aan Soomaali ahaan, kuwaasoo qaarkood Afrikaan yihiin,
marka maanta wixii ka dambeeyo balanteenu ha noqoto inaa xirano
Lambarka iyo magaca wiilasha Soomaaliyeed waayo sida runtii ah
magacii Soomaaliyeed ayay kor u qaadayaan anagana iyaga kor u
qaadaynaa si aan bulshada aan la joogno u tusno inaan leenahay
ciyaaryahano magac leh oo ka dheela Horyaalada caalamka ugu adag
sida dalkaan England iyo Italy.
Waxaan leenahay hambalyo iyo guul wacan
insha Allah, waxaana ka filaynaynaa hadii ay meel fiican sii
garaan inay Isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan kubadda cagta
dalkeena gacan weyn siin doonaan mustaqbalka sida ay yeleeyeen
ciyaarayahanada kale .
W/D:YUSUF YUSUF
Sports editor of SSPAMEDIA
mrsomalia@hotmail.com
London
deeyoo_edit@hotmail.com
|