Mohamed A Jama Xiddig cusub
oo kasoo bidhaamay garoomada kubadda cagta Yurub. Mohamed oo gool qurux badan dhalinaya
17.05.2010, deeyoo.com.
Maalmahan danbe waxaa si tartiib ah u soo
baxayay dhalinyaro Soomaaliyeed oo xirfadlayaal kubadda cagta
ah, kuwaas oo lagu arkayay garoomo kala duwan oo ku yaala dunida
dacaladeeda.
Hadaba Deeyoo.com oo inta badan isku taxalujisa
sidii ay u heli lahayd macluumaad ku saabsan dhalinyarada sidata
magaceena meel walba oo ay dunida ka joogaan, isla markaana
sameeya horumar naftooda anfacaya magac iyo sumcadna usoo jiida
halka uu kasoo jeedo.
Mohamed Ahmed Jama oo ah 25 jir ku nool dalka
Norway gaar ahaan magaalada Tromsų oo ah waqooyiga dalkan ayaa
lasoo baxay xirfad iyo dadaal uu ku muteystay inuu safka hore ka
galo xidigaha ay ku xisaabtanto kooxda hada hogaanka u haysa
horyaalka dalka Norway oo la yiraahdo Tromsų.
Mohamed
Jama inta uu usoo wareegin kooxdan Tromsų waxa uu u ciyaari
jiray kooxda Tromsdalen oo ah kooxaha heerka 2aad, laakiin
dadaalkiisa ayuu ku gaaray in ay indhihiisa qabtaan tababaraha
kooxda uu hada u ciyaaro oo soo iibsaday kuna soo biiriyay
kooxdiisan.
Hadaba xiddigan ayaa durbadiiba taageerayaal
badan ku yeeshay kooxdiisa iyo Norway intaba isaga oo ku caan
baxay orod, fudeyd iyo shaqo aan kala joogsi lahayn inta uu
garoonka ku jiro, waxa uuna ilaa hada kooxdiisa u dhaliyay 2
gool oo aad muhiim u ah, haba ugu danbeeyee kii ay shalay
kooxdiisa barbardhac min hal gool ah lasoo gashay kooxda Odd
Grenland oo ka dhisan magaalada Skien oo ay Soomaali badan
degto.
Gool kale isaga oo dhalinaya ka fiirso halkan
hoose.
Mohamed A Jama ma aha Xidigii ugu horeeyay ee
kasoo baxa dalka Norway, oo waxaan horey idinkuugu soo gudbinay
Abdisalaan Ibrahim Cadaay oo kasoo baxay kooxaha dalkan isla
markaana gaaray ilaa uu noqdo ciyaariyahankii Soomaaliyeed ee
ugu horeeyay oo safta horyaalka Ingiriiska Premier League, waxaa
kale oo ka ciyaaray horyaalka dalkan Norway kabtanka xulka
qaranka Soomaaliya Ciise Dheere.
Warbixnadeena danbe ayaan idinkuugu soo
gudbineynaa xiriiro aan la sameynay Mohamed Jama iyo sida uu u
arko isbadalkan horumar ee uu sameeyay iyo sida uu ku gaaray
intaba.
Waxaan idinka codsaneynaa in aad nagu garab
istaagtaan raadinta iyo soo ururinta xiddigeheena mustaqbalka
leh ee kasoo bidhaama garoomada aduunka, meel walba ha noqoto
Afrika, Asia, America iyo Yurub intaba.