Kooxo waa weyn oo reer Yurub ah oo saf
usoo galay iney lasoo wareegaan laacibka Soomaaliyeed Ayub Da`ud
Ayub Da`ud
01.03.2009, deeyoo.com
Ciyaaryahanka
Soomaaliyeed ee kooxda Juventus Ayub Daud ayaa mar kale soo
jiitay indhaha kooxaha waaweyn ee Yurub mar uu ka qeyb galay
tartanka koobka Viareggio oo uu noqdey xidigii tartankaas.
Ciyaaryahan Ayub Da`ud Xusen waxa uu u ahaa tartankan talaabo
weyn oo uu hore u qaaday maadaama uu u suura geliyey kooxdiisa
Juventus iney ku guuleysato tartanka uuna dhaliyo mid ka mid ah
goolashii ay ku badiyeen markii ay finaalihii 4-1 ku garaaceen
kooxda Sampdoria isagoo guud ahaan 6 kulan uu saftey dhaliyey 8
gool xili ay daawanayeen kooxo badan oo reer Yurub ah.
Ayub oo
hada 19 jirsadey waxa uu halis ugu jiraa inuu ka tago
kooxdiisa Juventus oo uu kusoo barbaaray lana soo qaatey 10kii
sano ee ugu dambeysey.
Waxaa jira warar isa soo taraya oo
sheegaya in kooxda Tottenham dadaal weyn ugu jirto iney lasoo
wareegto xidigan dhalinta yar ee Soomaaliyeed inkastoo ninka
wakiilka u ah Ayub oo lagu magacaabo Savini ayaa sheegay ineysan
jirin xiriir toos ah oo dhex maray isaga iyo Tottenham hase
yeeshee wuxuu xqiijiyey iney kooxaha
Villarreal, West Ham iyo Wolfsburg kala soo xiriireen arinta
laacibka Soomaaliyeed Ayub Da`ud Xusen.
Kooxda Juventus
ayaa ku celcelisay in Ayub uusan beec aheyn uuna mustaqbal
wanaagsan ku leeyahay kooxda, Ayub oo ah laacib qadka dhexe ayaa
ku darsadey gool dhalin iyo xirfad wanaag waxaana u sii dheer
inuu aad ugu wanaagsan yahay boloziyoonada.
Ayub Da`ud Xusen
waxaa u rajeyneynaa inuu guul ka gaaro ciyaarta kubada cagta
sawir wanaagsna u noqdo dhalinta Soomaaliyeed isboortiga
xiiseysa
Sawirada Daud ka fiirso hoos.
Sawirka kooxda 2aad ee Juventus ee loo yaqaan Primavera, Ayub
Daud waa Midig qofka 4aad kuwa danbe.