Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  Maxaad ka taqanaa xidigihii,Xulalkii iyo Naadiyadii ugu wanaagsanaa 10-kii sanno ee ugu dambeeyay ee Qaraadda Yurub

31.12.09, deeyoo.com.

xiriirka Uefa ayaa waxaa uu sameeyay qiimeyn iyo codeyn ku aadan xidigihii ugu wanaagsanaa,.Kooxihii ugu wanaagsanaa ,.iyo xulalkii ugu wanaagsanaa qaaradda Yurub.
halkaan waxaa ka heleysaa cayaaryahanno caan ah kuwaas oo loo xulay in ay yihiin kuwa ugu wanaagsan iyadoo la sameeyay 11 xidig ii Tuto laaro ah ama ku soo bilaabanaya iyo kuwo keydka ah oo iyana gaaraya 11.
 
qiimeyntaan ayaa xiriirka Uefa waxaa kala qeyb galay oo gacan ka siiyay wargaysyo,Tababarayal iyo shaqsiyaad kale oo Cayaarta kubadda cagta ku dhexjiray.
 
Dalka Talyaaniga ayaa waxaa uu noqday kan ugu wanaagsan kadib markii uu noqday xulka kaliya ee qaaday koobka adduunka ee kasoo jeeda Yurub2006 waxaana sidoo kale kasoo muuqanaya dalalka ugu wanaagsana France,Greece iyo Spain kuwaas oo qaaday koobka Yurub.
 
Sidoo kale waxaa qiimeyn loo sameeyay Naadiyada Yurub waxaana 1-aad galay Barcelona,Ac Milan iyo Real Madrid kuwas oo min labo jeer qaaday Koobka Horyaaliinta Yurub 10-kii sanno ee lasoo dhaafay waxaa meesha aanan ka marneyn naadiyada Liverpool,Byern Munich Manchester utd iyo Porto waxaana ay ku guulaysteen min hal jeer.
 
ilaa lix xidig oo Yurub ah ayaa waxaa ay ku guulaysteen kubadda dahabka ee Yurub waxaan ay kala yihiin Luis Figo, Michael Owen, Pavel Nedved, Andrey Shevchenko, Fabio Cannavaro iyo Cristiano Ronaldo.
 
sidoo kale ilaa afar cayaaryahan ayaa waxaa ay ku guulaysteen laacibka Adduunka waxaana ay kala yihiin Zinadin Zidane,Figo, Cannavaro iyo C.Ronaldo.iyadoo Zidane uu labo jeer ku guulaystay Fifa World Player of the Year xidiga sanadka ee Fifa iyadoo 1998 uu ku guulaystay ayaa hadana aan ka hadlaynaa 10-kii sanno ee ugu dambeeyay.
 
hadaba xidigihii loo xulay xulka Yurub waxaa kamid ah Gool haye Oliver Kahn waxaa uu u dhashay wadanka Germany waxaa uu noqday afar jeer oo isku xiga gool hayaha ugu wanaagsan Yurub 1999 ilaa 2002 isagoo kaga adkaaday codeyntaan gool hayayaasha kala ah Iker Casillas,oo Spain ah Edwin van der Sar oo Holland ah iyo Gianluigi Buffon.oo haatan ah gool hayaha ugu wanaagsan caalamka.
 
lambarka 2-aad ama daafaca dambeedka midig ayaa waxaa loo xulay xidiga u dhashay wadanka Fransiiska ee u cayaari jiray Parma,Juventus iyo Barcelona ee : Lilian Thuram.(FRANCE)
 
xidigaan inkastoo koobka adduunka uu kula guulaystay wadankiisa Fransiiska ayaa hadana waxaa lagu soo xulay hab difaaceedkiisa wanaagsanaa xiliyadii uu ku sugnaa Parma iyo Juventus waxaana sidoo kale uu ka cayaari karay ama uu ka cayaaray daafaca dhexe.
 
daafaca dhexe waxaa loo xulay Fabio Cannavaro (Italy).waxaa uu u dhashay wadanka Talyaaniga waxaana lagu soo xulay habkii daafaca wanaagsanaa ee uu kaalinta wanaagsaneyd uu kaga qaatay wadanka Talyaaniga oo ku guulaystay koobka adduunka 2006 waxaana sidoo kale uu noqday kan ugu wanaagsan caalamka iyo Yurub isla sanadkii 2006.waxaaana uu yahay haatan kan ugu safashada badan.
 
Daafaca dhexe waxaa ku wehliya Ricardo Carvalho (Portugal): waxaa uu u dhashay wadanka Portugal isagoo kaalinta heerka Finalka gaarsiiya wadankiisa Portugal 2004 koobkii Yurub iyadoo sidoo kale Simi-Finalkii koobka Adduubka soo gaarsiiyay wadankiisa Portugal inkastoo France iyo zidane ay rebeen.waxana sidoo kale Porto uu la qaaday koobka horyaaliinta yurub.
 
Daafaca bidix ee dambe waxaa loo xullay Philipp Lahm (Germany). waxaa uu u dhashay wadanka Jarmalka waxaa uu noqday mid cayaaro wanaagsan kasoo bandhigay koobkii adduunka 2006 waxaana xidigaan uu leeyahay weerar,daafacid kubadeed karoosyo wanaagsan isagoo jawaab u ah hab cayareedkii xidiga reer Braziil ee Ropert Carlos.
 
lambarka 7-aad ama qadka dhexe ee midig waxxaa loo xullay David Beckham (England). waxaa uu u dhashay wadanka Ingiriiska waxaana xidigaan uu leeyahay karoosyo wanaagsan isagoo lagu soo xullay doorkii uu ka qaatay guushii Manchester 1999 oo ay ku guulaysteen koobab badan waxaa uu xidigaan uu ahaa mid qal qal galiya gool hayaasha isagoo dhaafsiiya dhaafsiin wanaagsan kubadda daafacyada kasoo horjeeday iyadoo York iyo Cole ay ahaayeen kuwo si weyn ugu faa'iideysan jiray karoosyadiisa wanaagsan waxaana ku wehliyay M.Owen oo dhanka Xulka si weyn ula jaan qaadi jiray.
 
Qadka dhexe ama lambka 8-aad waxaa loo xullay Zinedine Zidane (France). waxaa lagu xasuustaa Hertadii ama teestadii kulankii ugu dambeyay ee uu kasoo muuqday xulka Fransiiska Finalkii koobka adduunka 2006 ee Berlin ka dhacay.
 
shakina kuma jiro Zidane in uu ahaa cayaaryahan dhamaystiran waxaa uu noqday saddex jeer xidiga ugu wanagsan caalamka kubadda cagta waxaa xidigaan uu koobka Yurub ee naadiyada uu la qaaday Real MAdis waliba gool aad u qurux badnaa uu lugtiisa bidix ku dhaliyay.iyadoo aniga fikir ahaanteyda aan u arko ama ay macquul ay tahay in uu yahay goolka ugu wanaagsanaa 10-kii sanno ee ugu dambeeyay.
 
dhanka lambarka 11-aad ama qadka dhexe ee bidix loo xulay Luis Figo (Portugal). waxaa uu u dhashay wadanka Portugal waxaa uu noqday laacibka Yurub isagoo ku guulaystay kubada dahabka oo la sooyo xidiga ugu wanaagsan yurub.
 
xidigahaan Beckham-Zidane-Figo ayaa waxaa xusid mudan in ay si joogto ah ugu wada cayaarayeen ilaa labo xilli 2003 ilaa 2005 iyagoo aanan wax koob ah aysan ku guulaysanin sanadahaas
weerarka waxaa loo xulay Cristiano Ronaldo (Portugal). waxaa uu u dhashay wadanka Porugal waxaana xidigaan uu ku guulaystay 10-kii sano ee ugu dambeeyay koobab badan iyadoo sidoo kale shaqsi ahaan uu noqday kan ugu wanaagsan Yurub iyo caalamka markii uu ku sugnaa Manchester utd isagoo haatan ah cayaaryahan ka tirsan Real Madrid.
 
sidoo kale dhanka weerarka waxaa C.Ronaldo ku wehliya Ruud van Nistelrooy (Netherlands). waxaa uu xidigaan 10-kii sanno ee ugu dambeeyay uu dhaliyay goolal badan waxaana uu qaaday gool dhalinta dalalka Holland,Ingiriiska iyo wadanka Spain mana jiro xidig sameeyay Rikoorkaan oo kale

sidoo kale waxaa weerarka saddexaad uu yahay Thierry Henry (France).waxaa uu u dhashay wadanka Fransiiska waxaana xidigaan uu ahaa mid si weyn loogu yiqiinay Arsenal oo goolal badan uu u dhaliyay waxaana xidigaan uu haaran ku sugan yahay Barcelona.
hadaba waxaa waxaa Tababare loogu magacaabay ama kan ugu wanaagsanaa uu noqday Marcelo Lippi oo koobka adduunka u qaaday wadanka Talyaaniga waxaana xulkaan ay u cayaarayaan 1-4-3-3 oo weerar saddex afle ah ay cayaarayaan.
 
sidoo kale waxaa la sameeyay xidigaha keydka ah ee xulkaan waxaana ay kala yihiin Iker Casillas (Spain), Paolo Maldini (Italy) Sergio Ramos (Spain), Xavi Hernandez (Spain), Pavel Nedved (Czech Republic), Wayne Rooney (England), Fernando Torres (Spain).

 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
002521-5140242

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com