| Dhageyso |
 |
|
|
|
Maxaad ka Taqaanaa Tababarayaashii ugu
wanaagsaa 10-kii sanno ee ugu dambeeyay
27.12.09, deeyoo.com.
War bixintaan ayaa waxaa ku eegeynaa
Tababarayaashii ugu fiicnaa caalamka kubadda cagta iyadoo mid
kasta loo qiimeeynayo wax qabadkiisa haddii ay ahaan lahayd
Naadi ama Xul qaran.
Carlo Ancelotti
ninkaan waxaa uu u dhashay wadanka Talyaaniga waadna ogtahay
in uu ku guulaystay koobka horyaaliinta Yurub (Uefa Champions
League) xilligii uu ku sugnaa Ac Milan sidoo kale 10-kii sanno
ee ugu dambeeyay waxaa uu ku guulaystay horyaalka Talyaaniga
haatanna waxaa uu kusugan yahay kooxda Chelsea.
Rafael Benitez
ninkaan waa mid aad wada taqaanaan waa ku guulaystihii labo
jeer horyaalka La liga Spain waayihiisa garoonka Mestalla ee
kooxda Valancia tan iyo markii uu u soo dhaqaaqay Liverpool
sidoo kale waxaa uu ku guulaystay koobka Horyaaliinta Yurub
Champions League waxaana sidoo kale uu ku guulaystay FA Cup iyo
koobab kale.oo Uefa kamid yahay.
Fabio Capello
ninkaan waa Tababare caan ah waxaa uu guulo lasoo qaatay kooxo
badan waxaana kamid ah Roma iyo Juventus oo Talyaani ah iyo Real
Madrid oo Spain ah.
waxaa uu ku guulaystay horyaalka Talyaaniga oo uu la qaaday Roma
2001 waxaa uu sidoo kale labo horyaal uu u qaaday Juventus
isagoo markii kooxda la ganaaxay uu ku biiray Real Madrid
waxaana uu la qaaday labo horyaal.
Vicente del Bosque
Tababarahaan waxaa uu caan ku ahaa Real Madrid isagoo la qaaday
horyaalka Yurub horyaalka Spain iyo koobab kale.
waxaa uu ahaa Tababarahaan mid ay si weyn ugu baahatay kadib
markii xilka ay ka ceyriyeen waxaana dhacday wixi markaas ka
dambeeyay in wax koob Yurub ah aysan qaadin.
Sir Alex Ferguson
Tababarahaan waa mid caan ka ah Ingiriska iyo adduunka waxaa
kooxdaan uu la joogaa muddo badan. waxaa uu kula guulaystay
naadigan Manchester 10-kii sanno ee ugu dambeeyay waxaa uu u
qaaday kooxda Labo Champions League horyaallo koobabka naadiyada
caalamka FA Cup iyo koobab kale.
Ottmar Hitzfeld
Tababarahaan hadda waxaa uu macalin u yahay xulka
Swiszerland waa mid kamid ah labo tababare oo qaaday koobka
Champions League iyagoo kala wada labo naadi mid waxay ahayd
kooxda Bayern Munich 2001 iyo naadiga B.Dortmoun oo 1997
Juventus ka qaaday .
sidoo kale waxaa uu qaaday koobka Toyota cup labo jeer.afar
horyaal oo Jarmal ah saddex koob oo wadanka Jarmalka ah waxaana
uu noqday Tababarihii ugu cuslaa ee soo mara horyaalka Jarmalka.
Marcello Lippi
Tababarahaan waa ku guulaystihii koobka adduunka 2006 Lippi
waxaa uu dib ugu soo laabtay Azzuro mar kale 2008 kadib xilli
xun oo xulka gaaray waxaana uu kula guulaystay kooxda Juventus
Horyaalada Talyaaniga labo jeer.
Jose Mourinho
ninkaan waxaa loogu yeeraa 'Special One' ama ninki qaaska ah waa
nin faan badan oo si weyn saxaafadda u marsiiya hadalo kale
waxaa uu ku guulaystay koobka Horyaalada Yurub 2004 waxaa sidoo
kale uu qaaday Uefa Cup oo uu la qaaday Porto.
sidoo kale waxaa uu Tababarahaan caan ku noqday kooxda Chelsea
waxa uu u qaaday horyaalka Ingiriiska labo jeer oo isku xiga
waxayna u ahayd markii ugu horeysay oo CHelsea ku guulaysato
horyaalka Ingiriiska 55 sanno kadib.
Tababarahaan ayaa wixii uu faano waxaa laga ceyriyay xilka
Chelsea waxaana uu u dhaqaaqay Inter waxaa uu ku guulaystay
horyaalka Talyaaniga sanadkiisa ugu horeeya xiligaana kooxdiisa
ayaa 8 dhibcood ku hogaaminayso.
Frank Rijkaard
Tababarahaan ayaa loo magacaabay xilka macalinimo ee
Barcelona 2003 wayihiisa cusub waxa uu u hogaamiyo labo horyaal
oo isku xiga koobka horyaaladaYurub waxaana Tababarahaan uu u
sharaxan yahay Macalimiinta ugu wanaagsanaa.
Arsene Wenger
Ninkaan sanka dheer ee caataha ah waxaa uu u dhashay wadanka
Fransiiska wax koob ah kuma guulaysanin sanadihii dhawaa waxaa
uu doonayaa in uu tar tan la galo shaqsiyaad ku raaxeysanaya
guulo iyo koobab.
Tababarahaan ayaa 10-kii sanno ee ugu dambeeyay waxaa uu qaaday
labo horyaal iyo FA Cup
Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
002521-5140242
deeyoo_edit@hotmail.com
|

Halkan
riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore
|