|
Chelsea oo mar kale bareejo lagu
celiyey, Tababare Mancini oo kulankiisii ugu horeeyey badiyey
iyo natiijada kulamadii dhacay

Mancini
27.12.09, deeyoo.com.
Kooxda hogaanka u heysa horyaalka Ingiriiska
Chelsea ayaa mar kale ku guul dareysatey iney la hoyato 3
dhibcood markii ay bareejo goolal la `aan ah ku kala bexeen
kooxda sanadkan wacdaraha shiday ee Birmingham.
Kulankan oo ay labda kooxba heleen fursado
wanaagsan ayeysan midkoodna u suura gelin iney shabaqa la helaan
marka laga reebo gool uu Birmingham udhaliyey Cristian Benitez
hase yeeshee uu garsoorihii cayaarta si qalad ah u diiday isagoo
offside dhigay inkastoo Drogba oo dhaawac ah uu garoonka
dhexjiifay offsidekiina sidaas ku jabiyey maadaama uu weli
garoonka ku dhex jiray.
Boortaha Birmingham ayaa fursado isdaba joog ah
ka badbaadiyey xidigaha Chelsea iyadoo Alex uu birta ku
dhuftgay, daqiiqad ka hor dhamaadkii cayaarta ayaa guduud la
siiyey Florent Malouda isagoo hada ka mid noqdey liiska dheer ee
Chelsae dhaawac iyo waajibaad qaran kaga maqnaanaya kulanka adag
ee ay Arbacada la leeyihiin kooxda shidan ee Aston Villa.
Chelsea oo sii kordhisay hogaankeeda ka hor
kulanka berito Man.United la yeelaneyso kooxda Hull inkastoo ay
Chelsea badisay mid ka mid ah 5tii cayaar ee ugu dambeysay halka
kooxda Birmingham oo sanadkan kusoo biirtay kooxaha heerka 1aad
aan laga badin 10kii kulan ee ugu dambeysay.
Tababaraha cusub ee Manchester City Roberto
Mancini ayaa badiyey kulankiisii ugu horeeyey markii ay 2-0 ku
dhufteen kooxda Stokke, Martin Petrov (28) Carlos Tevez (45)
ayaa labada gool qeybtii hore u kala dhaliyey Man.City.
Liverpool ayaa sidoo kale 2-0 ku badisay markii
ay isqaabileen kooxda Wolverhampton iyadoo nuskii saac ee ugu
dambeeyey ay goolasha u kala dhaliyeen kabtan Gerrard iyo Yossi
Benayoun.
Natiijada kulamadii dhacay:
Birmingham - Chelsea 0-0.
Burnley - Bolton 1-1
Fulham - Tottenham 0-0.
Liverpool - Wolverhampton 2-0
Manchester C. - Stoke 2-0
Sunderland - Everton 1-1
West Ham - Portsmouth 2-0
Wigan - Blackburn 1-1
Kala horeynta kooxaha:
| Chelsea |
19 |
13 |
3 |
3 |
43 |
- |
15 |
42 |
| Manchester U. |
18 |
12 |
1 |
5 |
37 |
- |
17 |
37 |
| Arsenal |
17 |
11 |
2 |
4 |
44 |
- |
20 |
35 |
| Aston Villa |
18 |
10 |
5 |
3 |
29 |
- |
14 |
35 |
| Tottenham |
19 |
10 |
4 |
5 |
40 |
- |
22 |
34 |
| Manchester C. |
18 |
8 |
8 |
2 |
35 |
- |
27 |
32 |
| Liverpool |
19 |
9 |
3 |
7 |
36 |
- |
25 |
30 |
| Birmingham |
19 |
8 |
5 |
6 |
19 |
- |
18 |
29 |
| Fulham |
18 |
7 |
6 |
5 |
23 |
- |
17 |
27 |
| Sunderland |
19 |
6 |
4 |
9 |
26 |
- |
29 |
22 |
| Stoke |
18 |
5 |
6 |
7 |
15 |
- |
22 |
21 |
| Blackburn |
19 |
5 |
5 |
9 |
18 |
- |
33 |
20 |
| Burnley |
19 |
5 |
5 |
9 |
22 |
- |
38 |
20 |
| Everton |
18 |
4 |
7 |
7 |
24 |
- |
32 |
19 |
| Wolverhampton |
19 |
5 |
4 |
10 |
17 |
- |
33 |
19 |
| Wigan |
18 |
5 |
4 |
9 |
21 |
- |
39 |
19 |
| West Ham |
19 |
4 |
6 |
9 |
28 |
- |
35 |
18 |
| Bolton |
17 |
4 |
5 |
8 |
24 |
- |
34 |
17 |
| Hull |
18 |
4 |
5 |
9 |
17 |
- |
37 |
17 |
| Portsmouth |
19 |
4 |
2 |
13 |
17 |
- |
28 |
14 |
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com
|