|
Real Madrid iyo Manchester Utd oo isku
heysta saxiixa Khouma Babacar "New Drogba" iyo qubanayaal kale
26.12.09, deeyoo.com.
Kooxaha Real Madrid iyo Manchester utd ayaa
waxaa ay ceyrsanayaan xidiga kooxda fiorantino ee logu yeero
Drogbaha cusub.
xidigaan ayaa waxaa lagu magacaabaa Babacar ayaa waxaa uu kasoo
dhex muuqday kooxdiisa.
Khouma Babacar, waxaa uu yahay 17 jir waxaana uu u qaab
cayaara sida drogbo oo kale.
xidigaan ayaa u dhashay wadan Senegaal waxaana uu ka cayaara
weerarka waxaana lagu sheegaa in uu yahay mid kamid ah xidigaha
da'da yar ee ku sugan wadanka Talyaaniga.
Khouma Babacar, ayaa waxaa uu tababar la qaatay kooxda
Fiorantino waxaana sanadkii 2008 tan iyo markaasina waxaa uu ku
sugan yahay Naadiga Viola.
Xidigaan ayaa waxaa uu kamid yahay juunyarka
Fiorantino oo loo yaqaano Fiorentina Primavera ayaa waxaa la
shaaciyay in ay xiiso u qabaan kooxo waaweyn oo qaarada Yurub
ah.waxaana kamid ah Real madrid iyo Manchester utd.
mar wax laga waydiiyay wakiilada xidigaan in ay ka war hayaan
rabitaanka xidigaan loo qabo iyo kooxaha u doonaya
ayaa waxaa uu sheegay nin lagu magacaabo Denis Rondanini. in ay
tahay wararkaasi ay yihiin run.
kooxaha wadanka Talyaaniga ayaa dhibaato ay ka heysataa in laga
iibsado cayaaryahanada yar yarka oo ay kala wareegaan kooxo
ajaanib ah.
Tababaraha wadanka Angola Mauel Jose ayaa
waxaa uu shaaca ka qaaday xulkiisa ka qeyb galaya koobka
qaramada qaaaradda Afrika ee sanadka soo aadan ay marti
galinayaan.
xulkaan ayaa waxaa kamid ah xidiga weerarka Manucho kaasi oo
lagu daray koobkan xidigaha loo xulayo.
xidigaaan u cayaara kooxda Real Valladolid Ayaa waxaa uu ka qeyb
qaadanaayaa koobka ay marti galinayaan dalkiisa.
koobka Q/qaaradda Afrika ayaa waxaa uu ka furmayaa dalka Angola
10 Janaayo ee bisha soo aadan sanadka cusub.
xulkaan ayaa waxaa sidoo kale ku jira Flavio iyo Gilberto laakin
Yamba Asha iyo Andre Makanga ayaa waxaa ay qabaan dhaawacyo.
dhinaca kale qaar kamid ah wadamada Afrika ayaa waxaa ay xarumo
tababar kumeel gaar ah ay ka sameysteen dalalka Yurub.
Gooldhaliyaha qaranka Talyaaniga iyo
kooxda Bayern Munich Luca Toni ayaa lahadal hayaa inuu dib ugu
soo laabto dalkiisa marka uu furmo suuqa kala iibsiga
cayaartoyda bisha Janaayo ee sanadka soo socda.
Kooxda Roma ayaa loo badinayaa inuu ku biiri
doono iyadoo saxaafada Talyaaniga ay qoreen in heshiis
buuxa ay Roma la gaartay Toni uuna la joogi doono ilaa dhamaadka
2012ka hase yeeshee ninka wakiilka u ah Toni ayaa beeniyey
arintaas inkastoo uusan meesha ka saarin in waqti kasta uu
heshiiskaas dhici karo wada hadaladana meel wanaagsan marayaan.
Kooxda Bayern Munich ayaa u fasaxday Luca Toni
inuu wada hadal la gali karo kooxdii uu doono weliba si bilaash
ah ugu biiri karo ka dib markii uu hogaanka kooxda u sheegay
tababaraha Bayern Louis van Gaal in wax boos ah uusan u heyn
gooldhaliyahan xoogan Luca Toni.
Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
002521-5140242
deeyoo_edit@hotmail.com
|