Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

 

Messi oo noqday cayaaryahanka ugu wanaagsan caalamka.

 23.12.09, deeyoo.com.

weeraryahanka kooxda Barcelona iyo wadanka Argentina Lionel Messi ayaa waxaa uu noqday xidiga ugu wanaagsan caalamka kadib markii xalay loo codeeyay in uu noqdo xidiga sanadka ee Adduunka Fifa World Footballer of the Year.
 
xidigaan oo 22 jir ah waxaa uu ka caawiyay kooxdiisa Barcelona in ay ku guulaysato sabtidii koobkeedii 6-aad ee sanadkaan isla markaana ay Rikoor cusub ay ka dhigeen naadiya caalamka.
cayaaryahankaan ayaa sanadkaan horey ugu guulaystay kubadda dahabka Yurub oo la siiyo cayaaryaahnka ugu wanaagsan qaaradda Yurub sanadkasta.
 
"waxay ii tahay sanad wanaagsan aniga iyo Barcelona ayuu yiri xidiga sanadka 2009 ee Messi.
 
xidigaan ayaa waxaa uu kaga adkaaday abaal marintaan cayaaryahanno ay kamid yihiin Cristiano Ronaldo, Xavi, Kaka iyo Andres Iniesta kuwaas oo noqday kuwa kusoo xigay xidigaan.
 
Codeyntaan ayaa waxaa sanad kasta qabta xiriirka maamula kubadda cagta caalamka ee Fifa waxaana ay qabtaan sanad kasta bisha December waxaana loo codeeyaa cayaaryahanka ugu wanaagsan caalamka kubadda cagta iyadoo codadkaas ay baxshaan kabtanada iyo Tababarayaasha kubadda cagta ee dhanka wiilasha iyo Gabdhaha.
 
Messi ayaa waxaa uu kaga adkaaday codad badan cayaaryahankii ku soo xigay ee Ronaldo waxaana uu hellay 1073 cod ( kun iyo Todobaatan iyo saddex Cod) halka Ronaldo uu ka hellay 352 cod kaalinta saddexaad waxaa galay cayaaryaahnka ay isku kooxda yihiin ee Xavi waxaana uu hellay 196 cod, Kaka 190 cod iyo Iniesta 134 cod.

Macalimuu Messi ayaa waxaa uu noqday cayaaryahankii ugu horeeyay ee Argentin u dhashay ee ku guulaysta abaal marintaan waxaana la bilaabay abaal marrintaan 1991.
xidigaan ayaa waxaa uu ka caabiyay kooxda Barcelona in ay ku guulaysato ilaa lix koob waxaana ugu horeyntii ay ku guulaysatay ilaa saddexda koob ee ugu muhiimsanaa sida Horyaalka,Champions League iyo koobka Super Cup-ka dalka Spain isagoo koobkii horyaalada Yurub 2-0 ay kaga adkaadeen Manchester waliba lagu xasuusto goolkii layaabka ahaa ee jooga sare ku socday ee uu ka dhaliyay Van der Sar.
 
Cayaartii Finalka ee Sabtidii ay la cayaareen kooxda ka dhisan dalkii Argentina ee Estudiantes ayuu waxaa uu ka dhaliyay goolkii guusha kaasi oo uu ku dhaliyay xawadkiisa waxaana ay ku guulaysatay kooxdiisa Barcelona koobkii 6-aad.

inkastoo Messi marka lagu yiraahdo waxaa tahay Boqorka kubadda cagta caalamka ee sanadkaan ayuu diidaa waxaana uu yiraahda fadlan maya ma ahi Boqorka hadda( "No, please, I am not king of the world now, ) ayaa hadana waxaa uu yahay mid si weyn ugu faraxsan in uu noqdo sanadkaan xidiga 2009.

abaalmarintaan ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Zurich ee dalka Svetzerland oo ay ku taallo xarrunta Fifa waxana sidoo kale lagu codeeyay halkaasi xulka sanadkaan ee Fifa waxaana kamid ah Kabtanka wadanka ingiriiska ee John Terry iyo Kabtanka Liverpool Gerrard.
 
waxaana ay kala yihiin xulka Fifa ee sanadkaan.
 
Iker Casillas (Real Madrid); Dani Alves (Barcelona), John Terry (Chelsea), Nemanja Vidic (Manchester United), Patrice Evra (Manchester United); Xavi (Barcelona), Andres Iniesta (Barcelona), Steven Gerrard (Liverpool), Lionel Messi (Barcelona), Cristiano Ronaldo (Real Madrid), Fernando Torres (Liverpool)
 
sidoo kale halkaasi ayaa waxaa lagu bixiyay abaal marrino kale oo ay kamid tahay goolkii ugu wanaagsanaa sanadka (Fifa Puskas Award for the best goal of the year) waxana dhaliyay Ronaldo oo ka dhaliyay FC Porto kahor inta uusan kasoo tagin kooxda Manchester utd waxaana uu ka dhaliyay meel goosha u jirta 40 Mitir waxaana ay ahayd quarter-finals koobka Champions League bishii April.
 
sidoo kale waxaa la bixiyay abaal marinada dhinaca gabdhaha ah iyadoo markeedii afaraad ee isku xiga ay ku guulaysatay gabadha u dhalatay wadanka Braziil ee Marta waxaana ay kaga adkaatay gabadha wadanka ingiriiska u dhalatay ee Kelly Smith.
 

Abaal marrintaan Fifa waxaa horey ugu guulaystay
 
Ronaldo.Kaka,Cannavaro,Ronaldinho oo 2 jeer.Ronaldaha reer Braziil 3 jeer,Zinedin Zidane 3 Jeer,Figo,Weah,Ropert Baggio, RomarioMarco Van Basten iyo xidigii ugu horeeyay ku gulaystay abaal marrintaan sanadkii la bilaabay ee 1991 waana xidiga u dhashay wadanka Germany ee Matthaus.
 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
002521-5140242

 

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com