| Dhageyso |
 |
|
|
|
Mid kamid ah cayaaryahanadii ka badbaaday bur
burki diyaaradeed ee Munich oo geeriyooday

23.12.09, deeyoo.com.
Albert Scanlon oo kamid ahaa cayaaryahanadii ka
bad baaday bur burkii diyaaradeed ee magaalada Munich ay
diyaaradda kula dhacday xulkii kooxda Manchester ayaa waxaa uu
geeriyooday isagoo 74 jir ah.
xidigii hore e garabka kaga cayaari jiray kooxda kooxda
Manchester Albert Scanlon ayaa waxaa uu ku geeriyooday gurigiisa
isagoo mudo xanuun sanayay.
Albert Scanlon ayaa waxaa uu ka bad baaday shilkii diyaaradeed
oo ay ku geeriyoodeen ilaa 8 kamid ah cayaryahanadii Manchester
utd iyo saddex sargaal oo la socday xulka Manchester ayaa waxaa
uu geeriyoo kadib 50 sanno.
xidigaan ayaa waxaa ka jabay lug isagoo ay sidoo kale ay ka bur
burtay lafta dhagada sare halka dhaawaca uu haatan ka qabo Peter
Cech.
inkastoo cayaaryahankaan uu mar kale dib u cayaray markii uu
kasoo kabsaday dhaawaca ayaa waxaa uu dhaliyay ilaa 16 gool
isagoo sanadkii xigay kaalinta 2-aad ay kooxdiisa ka gashay
horyaalka Ingiriiska.
Albert Scanlon ayaa waxaa uu isaga tagay Garoonka Old Trafford
sanadkii 1960-kii kadib lix sanno oo uu ku sugnaa kooxda
Manchester.
cayaaryahankaan ayaa waxaa kadib uu u cayaaray kooxaha
Newcastle, Mansfield and Lincoln.
Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
002521-5140242
deeyoo_edit@hotmail.com
|

Halkan
riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore
|