|
Hughes oo laga
eryay City iyo Mancini oo lagu badalay iyo xiddigo waaweyn oo la
filayo in ay soo galaan Manchester City.
20.12.09, deeyoo.com.
Waxaa shaqadiisii laga eryay tababare Mark
Hughes oo ahaa macalinkii kooxda maal qabeenka ah ee Manchester
City.
Arintan ayaa ka danbeysay kadib rajo xumo ay
maamulayaasha kooxdu kala kulmeen kooxda iyo tababarahooda oo uu
hamigoodu ahaa ugu yaraan in ay dhex galaan ama kala jabiyaan
kuwa loogu yeero "THE BIG FOUR" oo ah afarta kooxood oo ugu
murqaha kuusan kooxaha Ingiriiska, sida caadada ahna sanad kasta
ka qeyb gala Champions League sanad kasta.
Tababarihii 4aad oo Talyaani ah ayaa soo caga
dhiganaya Ingiriiska isaga oo la wareegi doona kooxda M.City.
Tababare Roberto Mancini oo horey usoo tababaray Kooxo waaweyn
oo talyaani ah sida Inter iyo Lazio ayey maamulka kooxda City ku
hanweynyihiin inuu kasaaro natiijo xumadii ku habsatay kulamadii
ugu danbeeyay oo ay badiyaan kaliya 2 kulan oo kamid ah 12kii
kulan ee ugu danbeeyay horyaalka.
Tababarahan ayaa durbadiiba bilaabay dhoola tus
ku saabsan sida uu wax uga badalayo kooxda, waxa uuna
saaxibadiis hoos ugu sheegay inuu soo iibsan doono xiddigo ay
kamid yihiin Thierry
Henry (qiimihiisa £10m), weeraryahanka Liverpool Fernando Torres
(£80m), Xiddiga Atletico Madrid Sergio Aguero (£40m) iyo
ciyaariyahanka Benfica geeska uga ciyaara Angel Di Maria
(£35m).
sidoo kale xiddiga Bayern Munich Franck Ribery (£65m).
Koley la arki doonee waxa uu soo siyaadiyo
tababare Mancini oo Inter kula soo guuleystay 3 horyaalka
Talyaaniga ah iyo dhowr koobka koobabka ah oo uu kula guuleystay
Inter, Lazio iyo Fiorentina.
Diyaariye.
M,deeq, deeyoo_admin@hotmail.com
deeyoo_edit@hotmail.com
|