Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

 

Barcelona oo koobkii 6aad ku guuleysatay sanadkan iyo Messi oo abaal marintiisii 2aad helay.

20.12.09, deeyoo.com.

Barcelona ayaa gashay bogga taariikhda kubadda cagta aduunka kadib markii ay gacanta ku dhigtay koobkii 6aad sanad gudihiis markii ay 2 gool iyo 1 kaga adkaadeen kooxdii ka socotay dalka Argentiin oo hor kacayay kabtan Veron oo lagu magacaabo Estudiantes, kulankii finalaha koobka kooxaha qaaradaha adduunka ee ka dhacay dalka Imaaraadka carabta.

qeybtii hore ee ciyaarta ayaa gool looga naxsaday Barcelona, waxa ayna ku dadaaleen in ay iska soo gudaan balse ay aad ugu adkaatay, fursado badan oo ay iska qasaariyeen iyo Difaaca Estudiantes oo muujiyay iska caabin weyn, balse ciyaariyahan Pedro oo bedel ugu soo galay Barcelona ayaa niyadda ka wada jabiyay ciyaartoydii iyo taageerayaashii kooxdan Argentiin markii uu gool ka dhaliyay dhamaadki ciyaarta, wasabna ka dhigay in waqti dheeraad ah lagu daro ciyaarta.

Leonel Messi ayaa goolkii guusha u dhaliyay kooxdiisa daqiiqadii 110aad, sidaasna ugu suurta galiyay tababaraha da'da yar Guardiola inuu hanto koobkii 6aad sanad gudihiis, waxaana la arkayay isaga oo farxad la ooynaya.

Fiirso goolasha ciyaarta.

Sidoo kale Messi ayaa isna loo aqoonsaday xiddigii tartanaka, lana gudoonsiiyay koobkii dahabka ah, waxaa kaalinta labaad u galay Juan Sabestian Veron oo aad looga yaqaan Yurub horeyna ugu soo ciyaaray kooxo ay kamid yihiin Chelsea, Manchester Utd, Inter Milan, Lazio, Parma, Sampadoria, halaka uu kaalinta sadaxaad ku guuleystay macalinka qadka dhexe ee Barcelona Xavi.

Koobkan ay Barcelona qaaday ayaa sanad kasta la qabtaa xilligan oo kale, waxaana ku tartama kooxaha kusoom kala guuleysta horyaalada qaaradaha adduunka, Sida Yurub, Asia, LAtin America, North America, Africa iyo Occiano.

 

Waxaa diyaariyay

M,deeq, deeyoo_admin@hotmail.com

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com