| Dhageyso |
 |
|
|
|
Barcelona oo 40 milyan oo geni ku
dooneya xidigii ay soo barbaariyeen Cesk Fabrigas

18.12.09, deeyoo.com.
kooxda Barcelona ayaa waxaa ay doonaysaa xidiga
wadanka Spain iyo kooxda Arsenal Cesk Febrigas.
kooxda ka dhisan wadanka Spain ee Barcelona ayaa waxaa ay wali
ka hari la'dahay xidigii ku baxay juunyarkeeda laakin ay ka
iibisay kooxda Arsenal waana Febrigas.
Boqorka kurub kooxda ah ee Barcelona ayaa waxaa ay ku doonaysaa
xidigaan Febrigas lacago dhan 40 Milyan oo gini iyadoo aamin san
in xidigaas ay gacanta ku dhigi karto.
Juan Laport oo ah gudoomiyaha kooxda Barcelona ayaa sheegay in
uu doonayo in xidigaas uu kasoo guuriyo garoonka Emarates oo ay
ku cayaarto kooxdiisa.
"wax kasta hanagu qaadato waan keeneynaa xidigaan sababo jira
aawadeed ayuu shaaca ka qaaday Gudoomiye Laport.
waxaa uu intaa ku daray go'aan kasta waxaa leh lacagta oo
samaysa macaamiil wanaagsan ayuu yiri Laport oo aamin san in
xidigaan ganacsi ay kala samayn karaan kooxda Arsenal oo si weyn
ugu baahi qabta lacago ay hesho.
Naadiyada Arsenal iyo Barcelona waxaa ka dhaxeeya xiriir
wanaagsan waxaana kooxdan Barcelona ay ka iibsatay Henry kooxda
Arsenal sanado ka hor waxaana Henery uu ahaa xidig taariikh ku
leh kooxda Arsenal oo la gaaray guullo.
hishiiska kooxda Barcelona ay ku doonayso Febrigas ayaa wararka
qaar waxay sheegayaan in Arsenal ay doonayso in hishiiska ay
qeyb ka noqdaan qaar ka mid ah xidigaha Barca sida Yaya Toure oo
ay walaalo yihiin xidigii hore ee Arsenal Kolo iyo lacago dhan
30 Milyan oo gini.
Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
002521-5140242
deeyoo_edit@hotmail.com
|

Halkan
riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore
|