Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  Totti oo kooxdiisa usii cayaaraya ilaa 2014ka, R.Carlos oo gurya noqday iyo qubanayaal kale

17.12.09, deeyoo.com.

Kabtanka kooxda Roma Francesco Totti ayaa kooxda lasii joogi doono ilaa xili cayaareedka sanadka 2014 isagoo wixii waqtigaas ka dambeeyana qeybta maamulka kooxda boos looga habeyn doono.

Totto oo mustaqbalkiisa cayaaryahanimo oo dhan kusoo qaatay kooxda Roma waxa uu mushahar ahaan u qaadan doono 5ta sano ee soo socota 5 milyan oo euro sida ay faafisay jariidada Il Corriere Dello Sport iyadoo heshiiskan cusubna ay xaqiijisay kooxda Roma mudo yar ka dib markii uu Totti laftigiisa sheegay inuu heshiis qandaraas kordhin ah qalinka ku duugay bishii Novembar.

Gudoomiyaha kooxa weyn ee Jarmalka Uli Hoeness ayaa ku hanjabay in Ribery ay iska gadi doonaan bisha Janaayo ee soo socota hadii uu kasii madax adeygo inuu saxiixo heshiis waqtiga loogu kordhinaayo.

Frankck Ribery waxaa baadi goob weyn ugu jiray kooxo badan oo Yurub ah waxaana loo maleynayaa hadiiba ay dhacdo in la gado inuu aadi doono kooxaha R.Madrid ama Chelsea oo la rumeysan yahay iney yihiin kooxaha ka bixi kara lacagta ay Bayern ku dooneyso oo lagu qiyaasayo 50 - 60 milyan oo euro.

Tababaraha qaranka Jarmalka Joachim Low ay heshiis uu ku sii leylinayo qaranka Jarmalka ilaa dhamaadka 2012ka la galay xiriirka kubada cagta Jarmalka.

Tababare Low oo 49 jir ah wuxuu heshiis afka ah la gaaray gudoomiyaha xiriirka kubada cagta Theo Zwanziger sida uu xaqiijiyey xiriirka, Low ayaa hore u cadeeyey damaciisa ah inuu lasii joogo xulka koobka aduunka ee 2010 ka dib.

Kooxda Corinthians ee dalka Brazil ayaa xaqiijisay iney lasoo wareegeen difaaca caanka ah ee kooxda Fenerbahce Roberto Carlos oo 4ta Janaayo lasoo bandhigi doono.

Robeto Carlos oo 36 jirsadey waxa uu hore waqti badan iyo guulo badan lasoo qeybsadey kooxda Real Madrid oo ka soo iibsatay kooxda Inter wuxuuna 125 kulan u saftay xulka dalkiisa Brazil. Carlos ayaa dhowaan sheegay inuu jecelyahay inuu dib ugu laabto dalkiisa bilowga sanadka soo socda riyadaas oo hada u rumowday.

 

 

 

 

Asad A. Omar

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com