Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  Arsenal oo 6 sano ka dib kusoo adkaatay garoonka Anfield kuna soo dhowaatay kooxaha Man.United iyo Chelsea

13.12.09, deeyoo.com.

Kooxda Arsenal ayaa 2-1 kaga soo badisay Liverpool kulankii weynaa ee garoonka Anfield kuna soo laabtay kaalinta 3aad oo shalay si ku meel gaar ah Aston Villa ula wareegtay.

Liverpool oo sanadkan ka hartay Champions League isla markaana natiijo aan wanaagsaneyn kala kulantay horyaalka Ingiriiska ayaa guul daradan waxey sii kordhineysaa culeyskii saarnaa tababare Benites oo waayadan saxaafada Ingiriiska bilaabeen iney sii magacaabaan qofkii kursigiisa ku fariisan lahaa.

Liverpool ayaa kaambiyadii 1-0 ku hogaaminbeysay markii uu Dirk Kuyt gool u dhaliyey 4 daqiiqo ka hor dhamaadkii qeybtii hore isagoo ugu dambeyn ku guuleystay inuu goolkiisii ugu horeeyey ka dhaliyo Arsenal markii uu ka faa`iideystay qalad uu sameeyey boortaha Arsenal oo kubad kusoo tufay afka hore ee gooshiisa halkaas oo uu taagnaa Kuyt.

Glen Johnson ayaa kooxdiisa Liverpool gool ka dhaliyey markii uu kontorooli waayey kubad dib ah oo uu afka goosha soo dhigay Samir Nasri. Sideed daqiiqo ka dib Arsjavin ayaa gool aad u qurux badan u dhaliyey Arsenal kaasoo ugu dambeyntiina noqdey goolkii guusha.

Arsjavin oo horyaalkii sanadkii hore markii ay u martiyeen Liverpool dhaliyey 4 gool hase yeeshee aysan u suura gelin iney badiyaan gool bareejo ah oo dhamaadkii cayaarta laga dhaliyey ka dib ayaa aar gutay iyadoo markan ay ku filnaatay in halkiisa gool ay 3 dhibcood gurigooda kula laabtaan.

Waa markii ugu horeysey ee ay Arsenal kasoo badiso Liverpool tan iyo markii uu kooxda u yimid tababare Benitez iyadoo guushaan ay usoo dhoweyneyso kooxaha safka hore kaga jira hogaanka horyaalka ee Chelsea iyo Man.United.

Arsenal waxey u muuqataa iney yihiin kooxda guuleysatay todobaadkan maadaama Chelsea bareejo lagu celiyey, Manchester Uited laga badiyey kooxaha hoos kasoo ciriirinayey ee Tottenham iyo Man.City ay guul daro iyo bareejo sida ay u kala horeeyaan todobaadkan kala kulmeen kooxaha Wolverhampton iyo Bolton.

Kala horeynta kooxaha:

1 Chelsea 16 12 1 3 40 - 13 37
2 Manchester U. 16 11 1 4 34 - 14 34
3 Arsenal 15 10 1 4 40 - 19 31
4 Aston Villa 16 8 5 3 26 - 14 29
5 Tottenham 16 8 3 5 35 - 22 27
6 Manchester City 15 6 8 1 29 - 21 26
7 Liverpool 16 7 3 6 32 - 22 24
8 Birmingham 16 7 3 6 16 - 16 24
9 Fulham 16 6 5 5 20 - 17 23
10 Sunderland 16 6 3 7 22 - 22 21
11 Stoke 16 5 6 5 15 - 19 21
12 Blackburn 16 5 4 7 16 - 28 19
13 Burnley 16 5 3 8 20 - 34 18
14 Wigan 16 5 3 8 19 - 36 18
15 Everton 16 4 5 7 22 - 30 17
16 Hull City 17 4 5 8 17 - 34 17
17 Wolverhampton 16 4 4 8 15 - 28 16
18 West Ham 16 3 5 8 24 - 31 14
19 Bolton 15 3 4 8 20 - 32 13
20 Portsmouth 16 3 2 11 14 - 24 11

 

 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com