Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  Juventus oo mar kale dhulka lagu jiiday, Cagliari oo sameysay rogaal celin la yaableh iyo kulamada berito

Tababare Ciro Ferrara iyo todobaadkii welbehaarka

12.12.09, deeyoo.com.

Juventus waxey Talaadadii ka hartay Champions League markii ay Bayern Munich guul daro 4-1 ah dhabarka u saarisay waxaa lasii hadal hayey iney xoogooda isugu geyn doonaan hanashada horyaalka Talyaaniga laakiin maanta mar kale ayaa guuldaro 3-1 ah loo xambaariyey kulankii ay u martiyeen kooxda Bari.

Cayaaryahan Riccardo Meggiorini ayaa goolkii 1aad u dhaliyey kooxdiisa Bari daqiiqadii 7aad ee bilowga cayaarta hase yeeshee waxaa bareejeeyey gooldhaliyaha weyn David Trezeguet kala barkii qeybtii hore.

Gool rigoore shaki badan ku jiro ayuu Paulo Barreto oo rigoorada lagu galay u dhaliyey Bari oo mar kale hogaanka qabatey. Juventus ayaa heshay fursad ay ku keeni kartay gool bareejo ah hase yeeshee waxaa rigoore ka qasaariyey Diego.

Sergio Almiron oo ahaa xidigii galay qaladkii rigoorada looga dhigay Bari ayaa noqday halyeygii kooxdiisa markii uu sabarsiiyey Juventus oo uu ka dhaliyey goolkii 3aad.

Juventus oo todobaadkii hore ka adkaatay kooxda hogaamineysa horyaalka Inter una soo jirsatey 5 dhibcood ayaa farqigii dhibcaha mar kale wuxuu noqon karaa 8 hadii ay Inter badiso kulanka ay berito la cayaareyso kooxda Atalanta.

Cayaaryahanda Cagliari ayaa sameeyey rogaal celin cajiib ah laakiin nasiib daro ilbiriqsigii ugu dambeeyey cayaarta ay guushii farahooda ka baxday markii ay 3-3 ku kala bexeen iyaga iyo Napoli.

Goolal ay kala dhaliyeen Lavezzi iyo Pazienza labada qeybood ee cayaarta ayaa Napoli u suura geliyey iney 2-0 ku hogaamiyaan kulankaan hase yeeshee rubi saacii ugu dambeeyey ayey xidighii Cagliari dhaliyeen 3 gool oo ay kala saxiixeen Larrivey (75), Matri (80) iyo Jeda (90), markii daqiiqadihii beerdarada guduud la siiyey Lavezzi oo Napoli ah waxey u ekeyd in Cagliari guusha la hoyan doonto waxaase hor istaagay Bogliacino oo sakanadii ugu dambeeyey waqtigii beerdarada (daqiiqadii 95) dhaliyey goolkii barbardhaca sidaasna uga badbaadiyey kooxdiisa guuldaro xanuun badan.

Kulamada berito:

Atalanta - Inter, Catania - Livorno, Chievo - Fiorentina, Lazio - Genoa, Milan - Palermo, Parma - Bologna, Siena - Udinese, Sampdoria - Roma.
 

 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com