|
Manchester U. oo markii ugu horeysay
horyaalkan garoonkooda lagaga badiyey, Chelsea oo bareejo gashay
iyo natiijada kulamadii dhacay

Xidigaha Man.U. oo liqi la`guuldaradii ku dhacday
12.12.09, deeyoo.com.
Kooxda difaacaneysa horyaalka Ingiriiska
Manchester United ayaa dhabarka loo saariyey guuldaradii ugu
horeysay horyaalka sanadkaan ee garoonkeeda looga badiyo markii
ay kooxda Aston Villa 1-0 ku garaacdey lana soo noqotay 3dii
dhibcood ee kulankaan.
Man.United ayaa iska qasaarisay fursad ay
hogaanka horyaalka kula qeybsan laheyd kooxda reer London ee
Chelsea oo kulankoodii maanta barbardhac min 3 gool ah la
gashay kooxda Everton.
Agbonlahor ayaa dhaliyey halka gool oo ay
kooxdiisa Aston Villa kaga badisay Man.United isla markaana u
suura geliyey iney kaalinta 3aad soo galaan markii uu karoos
fiican ka helay saaxiibkiis Ashley Young daqiiqadii 21aad ee
qeybtii hore.
Man.United ayaa bilowgii cayaarta u muuqatay
iney si wanaagsan u kontoroolayeen cayaarta laakiin darbo uu
Weyne Rooney ku dhuftay birta iyo fursad kale oo uu Giggs
dhinaca nanaaka shabaqa kaga dhuftey wax ka dhow ma helin
sidaasna lagu kala nastay qeybtii hore iyadoo markii dambana
noqotay natiijadii kulankaan.
Tababare Fergusson ayaa sameeyey isku day kasta
oo uu goolkan isaga soo gudo amaba uu ugu dambeyntii 3da
dhibcood aysan dhaafin magaalada Manchester isagoo bedel kusoo
geliyey Owen iyo Dimitar Berbatov oo ka dhinac cayaarayey Rooney
taasoo aan waxna usoo kordhin Ferguson.
Guushaan waa tii ugu horeysey mudo 26 sano oo ay
Villa kala soo noqoto garoonka Old Trafford kulan ka tirsan
horyaalka Ingiriiska waxeyna hada 5 dhibcood oo keliya usoo
jirsadeen kooxda hogaanka u heysa horyaalka Chelsea.
Chelsea oo todobaadkii hore dhibco la`aan
garoonka ka baxday ayaa dareemeysay culeys kaga imaanayey
Man.United oo kusoo siqday waxeyna u baahnaayeen iney badiyaan
si aan loo soo dhinac istaagin laakiin kubad uu soo madaxeeyey
Saha ayaa birta ku dhacday markii ay soo baxday ayey kusii
dhacday goolhaye Petr Cech shabaqana kusii taraaraxday.
Drogba ayaa Chelsea cayaartii kusoo celiyey
markii uu si maskaxeysan u dhameystiray weerar qurux badan oo ay
Chelsea soo qaadeen waxaana goolkii 2aad oo aan ka dhicin kii
Drogba u dhaliyey Chelsea Nicolas Anelka iyadoo cayaaryahan
Yakubu Aiyegbeni oo mar kale soo celiyey miisaankii cayaarta
ilbiriqsiyo ka dib markii uu bedel kusoo galay waqtigii
beerdarada ee kaambiyadii hore.
Min hal gool oo ay qeybtii dambe kooxahooda u
kala dhaliyeen Drogba iyo Saha ayaa natiijada kulankaan ka
dhigtay 3-3 dhibcihii kulankaana kala qewybsaday.
Tottenham oo dadaal weyn ugu jirtay iney
sanadkaan boos ka ciriirsato kooxaha lagu naaneyso BIG FOUR ayaa
guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Wolverhampton oo
marti u aheyd halka Man.City ay bareejo 3-3 ah lasoo gashay
kooxda Bolton.
Natiijada kulamadii dhacay:
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com
|