Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  Qubanaha Jimcaha

11.12.09, deeyoo.com.

weeraryahanka kooxda Ajex Luis Suarez ayaa waxaa uu noqday xidigii ugu dambeeyay ee lala xiriiriyay kooxda Chelsea.
sida ay qortay jariiradda The Independent ayaa sheegeysa in xidigaan ay Chelsea doonayso in bisha Janaayo marka suuqa kala iibsiga uu furmo ay lasoo wareegto.
 
The Independent
********************************

Kooxda Juventus ayaa waxay doonaysa xidiga kooxda Valancia ee Juan Mata.
wararka ka imaanaya gacanka wadanka Talyaaniga ayaa sheegaya in kooxda Bianconerri ay doonayso xidiga wadanka Spain ee Mata oo ay u aragto mid xal u noqon kara xulka Juventus.
sida ay qoreen wargaysyada wadanka Spain ayaa sheegaya kadib markii kooxda lagu naanayso Marwada da'da ah ee Juventus ay kasoo hartay koobka Horyaalada Yurub isla markana ay cayaarayso koobka Uefa Cup ayaa waxaa ay doonaysaa in ay dayactir ku samayso xulka naadiga.
kooxdan oo Haysata weerar la'aan ayaa waxaa ay doonaysaa in xidigaan ay ciyaarsiiso weerarka saddexaad ama garabka waxaana xidigaan si weyn u jecel Tababaraha Sanadkii ugu horeeyay Imtixaanka ku jira ee Ciro Ferrara kaasi oo u arka xidigaan mid uu ku xoojin karo xulka weerarka ee Delpiero iyo Amauri iyadoo sidoo kale kooxdaas ay heysato Ugaarsadaha Madaxa (Head Hunter) ee Trezeguet.
xidigaan weerarka wadanka Spain Mata ayaa waxaa uu kasoo bandhigay cayaaro wanaagsan kooxda Los Che ee Valancia.waxaana xidigaan markisa ugu horeysay uu u cayaaray kooxda Valancia sanadkii 2007 isagoo ilaa afar gool saxiixay labo gool kalena uu ka dambeeyay in la dhaliyo ilaa 12 kulan oo uu cayaaray xiligaas.
Mata waa 21 jir waxaana xidigaan lagu qiimeeyaa 20 Milyan oo gini waxaana xidigaan uu ka madax adeegay qorshe ay kooxdiisa Valancia ay ku doonaysay in ay ka iibiso kooxda Bayern Munich ee dalka Jarmalka.
*************************************************
Kooxda Liverpool ayaa waxaa ay soo bandhigtay qorshe ay ku doonayso weeraryahanka wadanka Ruushka iyo kooxda Tottenham ee Roman Pavlyuchenko waxaana qeyb ka noqonaya qorshahaan xidiga weerarka kooxda Liverpool iyo wadanka Holland ee Ryan Babel.
sida ay qoreen wargaysyada kasoo baxa wadanka Ingiriiska ayaa sheegaya in madaxda kooxda Tottenham ay soo bandhigeen in hishiiska uu qeyb ka noqdo xidiga uu ku kacsan yahay Tababaraha kooxda Liverpool Benetis ee Babel.
Daily Mail
**************************************************
Daafaca kooxda Liverpool Andrea Dossena ayaa waxaa lagu soo waramayaa in bishaan ay tahay bishiisa ugu dambeysay ee uu u cayaaro kooxda Liverpool.
sida ay qortay jariiradda The Times ayaa sheegaya in kooxda Roma ay tahay kooxda ugu dhaw ee xidigaan la wareegi karto kadib hishiis horu dhac ah oo dhexmaray labada dhinac.
The Times
**************************************************
Xidiga qadka dhexe ee kooxda Barcelona Yaya Toure ayaa waxaa uu gaashaanka ku dhuftay wararka sheegaya in uu ka cayaari doonno horyaalka Ingiriiska.
sida ay qortay jariradda The Sun ayaa sheegaya in xidigaan uu si weyn ugu faraxsan yahay garoonka Camp Nou waxaa xidigaan uu sheegay in uu halkaasi ku heysto koox culus iyo garoob qurux badan.
The Sun
*****************************************************
Kooxda Blackburne ayaa waxaa ay xiiseenaysaa xidiga weerarka kooxda Real Madrid ee Ruud Van Nistelrooy.
sida laga soo xigtay wargayska The Sun ayaa sheegaya in Tababaraha kooxda Blackburne Sam Allardyce uu sheegay in uu doonayo in uu la saxiixdo xidiga weerarka wadanka Holland.Ruud Van Nistelrooy
The Sun
 
***********************************
Goolhayaha kooxda Manchester utd Edwin Vander Sar ayaa waxaa uu mar kale diyaar u yahay in hishiis kordhin 12 bilood ah uu la galo kooxda Manchester isagoo haatan da'diisa ay caga cageynayso 39 sanno.
xidigaan wadanka Holland ayaa horey u sheegay in uu ka fariisan doonno cayaaraha gabi ahaanba marka xiligaan uu dhamaado laakin wargayska The Sun ayaa sheegaya in mar kale uu doonayo xilli kale uu kooxda sii joogo.
The Sun
 
***********************************************************
weeraryaahnka wadanka Ingiriiska iyo kooxda Arsenal Theo Walcott ayaa waxaa uu qoray labo Buug Cusub oo uu kaga hadlaayo taariikhdiisa cayaareed.
Buugaan ayaa waxaa uu ka kooban yahay qeybo badan waxaana uu kaga hadlayaa waayihiisa caruurnimo iyo sida uu u jeclaa cayaaraha waxaana xidigaan uu sheegay markii uu dhiganayay iskuulka in uu ahaa mid laacib isla markaana maalin uu rajeenayo in uu noqdo kan ugu wanaagsan caalamka.
Labadaan buug ayaa kan hore waxaa uu soo baxayaa bisha Aprill ee sanadka soo aadan waxaana lagu magacaabaa Wiilkii Geesiga ee Iskuulka (hero schoolboy)
 

 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
002521-5140242

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com