Sport news

Other news

Somali songs

Somali video's

Chat

Sports conver

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

Robinho iyo Berbatov oo u wareegay magaalada Manchester
 
 

07.09.08, deeyoo.com

 Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan oo ah ninka cusub ee la wareegay kooxda Manchester City ayaa u tafa xeydanaya sidii uu kooxdan uga dhigi lahaa kooxda ugu weyn aduunka.

Ninkan iyo qoyskiisa ee uu ku jiro ninka xukuma imaaraadka carabta waa afar wiil oo walaalo ah, waxa lagu qiyaasay aduunka ay ku fadhiyaan in kabadan 1 trillion doolar ama 555 billion pound, iyo shirkadooda oo ah tan ugu weyn uguna qaalisan aduunka, laakiin ninka noqonaya maamulaha guud ee kooxda waa Dr Sulaiman al-Fahim, oo ah 31 jir ah qeybna ka ah shirkadda la yiraahdo Abu Dhabi United Group for Development and Investment, Raggan cusub waxa ay haystaan awood ay kooxdan kaga dhigaan mid aan horey loo arag.

Tusaale milkiilaha Chelsea Abrahamovich ayaa lacagtiisa lagu qiyaasaa ku dhawaad 11 billion pound ama 22 billion dollar, waxa uu noqonayaa ciyaalka xaafadda marka loo fiiriyo reer Alnahyan amaba Sheikh Mansour. waana ka wada dharagsanahay heerka ay gaartay Chelsea kadib gadashadii Abramovich, marka waa macquul in ay Man City noqoto new Chelsea amaba kasii weyn.

Ragga la sugayo sanadkan cusub amaba juun sanadka danbe waxaa kamid ah ciyaariyahanada kor ku sawiran iyaga oo loo galiyay dharka City, sida Ronaldo oo la dul dhigi doono aduun gaaraya 134 mill pound oo ay adkaan doonto in ay Manchester diidaan, sidoo kale waxaa ku xiga Kaka iyo Messi oo lagu rabo 80 mill halka fernando Torres lagu dalban doono 70 mill, waxaa ugu danbeeya Fabregas iyo Barbatov oo boorsado lasoo wado ay midkiiba ku jirto 60 mill pound.

Waa yaabe waxaan oo xiddiga ah oo hadana wada weerar ama kubad qeybiyaal ah aaway kuwii difaaci lahaa goolasha ay soo dhaliyaan, warar aan la hubin ayaa iyagana sheegaya in goolhayaha weyn Buffon lasoo dalban doono waqti aan dheereyn, sidoo kale Valencia oo ka welwelsan is bedelkaan cusub ayaa fariin u dirtay Manchester City uguna sheegtay in ay horey usoo qaataan 150 mill oo pound hadii uu damac kasoo galo weeraryahanka weyn David Villa. Jaraaidka Ingiriiska ayaa qoray in Gerrard iyo Essien ay ku jiraan liiska cusub ee kooxdan u eg in ay hadda dhalatay.

Dr Sulaiman al-Fahim ayaa dhankiisa balan qaaday in kooxdan uu ka dhigi doono tan ugu weyn aduunka isaga oo isticmaalaya muruqa iyo awooda lacagtiisu leedahay. Hadaba kubadda cagta adduunka ayaa gashay xilli cusub gaar ahaan dalka Ingiriiska, waayo waxaa horey taajiriin shisheeya ah ula wareegeen kooxaha Manchester Utd, Liverpool, Chelsea, Portsmouth, Aston Villa, West Ham iyo Arsenal oo ay qeyb badan ku leeyihiin.

Dr Sulaiman al-Fahim iyo shirkadiisu markii ay la wareegeen kooxda waxii ugu horeeyay ee ay sameeyeen ayaa ahayd soo iibsashadii Robinho oo dad badan ka yaabisay.

Waxa aan ka warsugeynaa waxa uu shiikhani kusoo kordhiyo Manchester City oo u ciil qabta kooxda ay isku magaalada yihiin ee Utd oo hortooda ku qaadatay koobab iyo bilado aan la xisaabi karin, taageerayaasha City ayaa hadda bilaabay in ay ku labistaan astaanta labiska carabta sida cigaalka oo ka sameysan midabka kooxda oo ag buluug, Ma ahan markii ugu horeysay oo ay taajiriin dibada ah iibsadaan Manchester City, waxaa sanadkii hore la wareegay Thaksin Shinawatra oo ahaa Raisul wasaarihii hore ee dalka Thailand, isaguna waxa uu kasii iibiyay ragan carbeed.

 

Mohamed A "Deeq"

deeyoo_admin@hotmail.com

 
 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore