Sport news

Other news

Somali songs

Somali video's

Chat

Sports conver

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

Robinho iyo Berbatov oo u wareegay magaalada Manchester

Berbatov iyo Robinho

02.09.08, deeyoo.com

Kooxaha reer Manchester ee United iyo City ayaa sida ay ukala horeeyaan u soo kala iibsadey Berbatov iyo Robinho saacado yar ka hor waqtigii albaabada loo laabi lahaa suuqa kala gadashada ciyaartoyda oo ku ekaa saqdii dhexe ee xalay.

Naadiga Tottenham ayaa xaqiijiyey in gooldhaliyahooda weyn Dimitar Berbatov uu u wereegay kooxda Man.United ka dib wadahadalo guul ku dhamaadey oo ay Old Trafford kula yeehseen wakiilada Man.United.

Barbatov oo ay si weyn u doonayeen Man.United tan iyo markii uu furmay suuqa kala gadashada ciyaartoyda isla markaasna hore si cad ugu sheegay kooxdiisa Tottneham inuu jecel yahay inuu u wareego Manchester ayaa ayaa waqti badan soo jiitamay maadaama ay Man.UNited ku guuldareysatey iney miiska saaraan lacagtii ay Tottenham dalbatey.

Shalay ayaa waxaa suuqa soo gashay kooxda ay deriska yihiin ee City oo doonayey iney afgambi kula wareegaan Berbatov taasoo cadaadis ku saartey Man.United iney ogolaadaan lacag dhan 30 milyan oo Pound isagoo saxiixay heshiis uu 4ta sano ee soo socoto kula sii joogi doono Man.United.

Laakiin Man.City waxey ku guuleysteen iney lasoo wareegaan Robinho oo ay aad u raaraadineysay Chelsea iyagoo daqiiqadihii ugu dambeeyey ka hor inta uusan xermin waqtiga kala gadashada ciyaartoyda ka dhaadhacsiiyey ciyaartoygan inuu usoo wareego kooxdooda bedelkeedana uu helo 16 milyan oo Pound oo saafi ah taasoo ku dhowaad 3 milyan ka badan lacagta uu ka heli lahaa Real Madrid.

Real Madrid ayaa xaqiijisey in Robson da Souza Robinho u wareegay Man.City iyagoo Chelsea ku eedeeyey ISLA QOB WEYNI iyo iney maaliyada Chelsea oo uu ku qoran yahay Robinho beec geeyeen ka hor inta aysan labada koox wax heshiis ah ka gaarin.

Robinho ayaa dhowaan Shir Jaraa`id oo uu qabtay ku sheegay in niyadiisu joogto magaalada London iyo kooxda Chelsea waxeyna u muuqataa riyadiisa ineysan u rumoobin is faham waaga labada koox u dhexeeya dartiis.

 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 
 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore