Sport news

Other news

Somali songs

Somali video's

Chat

Sports conver

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

Real Madrid iyo Barcelona oo kulamadii bilowga horyaalka laga badiyey iyo natiijada kulamadii la ciyaaray

Laacibiinta Deportivo oo faraxsan

01.09.08, deeyoo.com

Horyaalka Spain ayaa ku bilowdey natiijooyin lama filaan ah ka dib markii kooxaha waa weyn ee R.Madrid iyo Barcelona lagawada adkaadey.

Barcelona waxaa gaaday kooxda sanadkan kusoo biirtay horyaalka Spain ee Numancia oo 1-0 uga naxsatay halka Deportivo ay 2-1 ugu awood sheegatay Real Madrid.

Tababaraha cusub ee Barcelona Pep Guardiola oo xilka kala wareegay Rijkaard si uu mar kale horyaalnimada Spain ugu soo celiyo Barca ayey natiijadaan u noqoneysaa bilow culus isagoo goob joog u ahaa xidigihiisa waa weyn oo mari waayey kooxda yar ee Numancia iyagoo 90kii daqiiqo ee ciyaarta abuureen labo fursadood oo keliya  taasoo u suura gelisey in Numancia ku badiyaan gool uu u dhaliyey Mario daqiiqadii 13aad ee bilowgii ciyaarta.

Goolal ay kala dhaliyeen Mista (26) iyo Alberto Lopo (51) ayaa u suura geliyey in Deportivo ay 2-1 ku goostaan Real Madrid oo goolka uu u dhaliyey Van Nistelrooy.

Sidoo kale kooxaha Sevilla iyo Villareal oo la filayey iney badin doonaan ayaa bareejo 1-1 ah sida ay u kala horeeyaan ula kala galay Racing Santander iyo Osasuna.

Natiijada kulamadii la ciyaaray:

Atletico Madrid - Malaga 4-0
Athletic Bilbao - Almería 1-3
Betis - Recreativo Huelva 0-1  
Deportivo La Coruña - Real Madrid 2-1
Numancia - Barcelona 1-0  
Osasuna - Villarreal 1-1  
Racing Santander - Sevilla 1-1  
Sporting Gijon - Getafe 1-2  


30.08.08
Espanyol - Valladolid 1-0  
Valencia - Mallorca 3-0  
 

 

 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 
 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore