Sport news

Other news

Somali songs

Somali video's

Chat

Sports conver

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

   

Qubanayaal isboorti oo goos goos ah

Alamiitadii ugu horeysey Qaranka Talyaaniga

27.05.2008, deeyoo.com

Xulka kubada cagta Talyaaniga ayaa shalayto markii ugu horeysey isku yimid si ay isugu diyaariyaan koobka qaramada Yurub oo 7da bisha soo socota ka furmaya dalalka Switzerland iyo Austria.

Laakiin markii ay bilaabeen aalamiintadoodii ugu horeysey ayaa waxaa qashqashaaday labo gabdhood oo intey garoonka soo galeen dhunkasho ku bilaabay qaar ka mid ah ciyaartoydii iyadoo kuwii kalena ay garan waayeen wax ay sameeyaan oo aan ka aheyn iney isaga qoslaan.

Labadan gabdhood ayaa markii dambe xoog lagaga saaray garoonkii tababarka ay ku qaadanayeen xulka Talyaaniga oo kuyaala Coverciano oo aan wax badan u jirin magaalada Firenze.

*****     *****     *****

Macalinka qaaanka Ingiriiska Fabio Capello ayaa u magacaabay John Terry inuu hogaamiyo oo uu kabtan u noqdo qaranka Ingiriiska ee berito la kulmi doono xulka Mareykanka.

Capello oo markii ugu horeysey wariyaasha kula hadlay af-ingiriis ayaa berito kulankiisii 3aad hogaamin doono Ingiriiska isagoo magacaabay kabtankii 3aad, Terry oo kabtanimada kala wareegay Beckham markii uu dhamaadey koobkii aduunka ee 2006 ayaa markii ugu horeysey hogaaminaya Ingiriiska illaa markii uu la wareegay Capello iyadoo ay ka horeeyeen Gerrard iyo Ferdinand.

Capello weli ma magacaabin kabtanka 1aad ee qaranka isagoo sheegay inuu la sugi doono bilowga iska reebka koobka aduunka.

*****     *****     *****

Waxaa saf dheer kusoo jira tababarayaasha loo saadaalinaayo iney qabtaan booska banaan ee Chelsea oo tababarahoodii iska ceyrisey labo maalmood ka dib guuldaradii ka raacday finaalhii Champions League oo ay kooxda ay isku dalka ka dhisan yihiin ee Man.United rigoorayaal koobka kaga qaaday.

Raggii ugu dambeeyey oo ay saxaafada soo hadal qaaday waxaa ka mid ah tababaraha Milan Ancelotti oo hada ku sugan Ingiriiska iyadoo lasoo warinayo inuu wada hadal la leeyahay milkiilaha Chelsea hase yeeshee Ancelotti ayaa taas iska inkiray isagoo dhankiisa sheegay inuu fasax keliya uu u joogo oo uu maskaxda dejisanaayo, waxaa sidoo kale la isla dhex marayaa in Ancelotti kaga dhamaatey Milan maadaama sanadkan aysan qaadin wax koob ah isla markaana ay boos ka waayeen Champions League soo socda laguna bedelaayo tababare Lippi.

Sidoo kale waxaa dhankooda shaqadan dalbadey  Deschams iyo Lippi halka horena loogu xiriirinaayey inuu jagadan la wareegi doono  tababaraha Ruushka Guus Hiddink, Sven Goran Eriksson, Luiz Felipe Scolari iyo Roberto Mancini midkood.

*****     *****     *****

Gudiga FIFA ayaa isla gartay in tartanka koobka kooxaha aduunka lagu qaban doono dalka Imaaraadka Carabta sanadka 2009 iyo 2010, tartankaan oo ay hore u marti gelin jirtay dalka Jaban ayuu gudoomiyaha FIFA Sepp Blatter balan qaaday in mar kale dalka Jaban uu marti gelin doono 2011 iyo 2012ka.

Sidoo kale waxaa marti gelinta tartankan codsaday dalka Australia oo shirkan ka dhacay hase yeeshee inta badan gudiga ay u codeeyeen dalka Imaaraadka.

Sanadkan waxaa sida caadiga ah lagu qaban doonaa dalka Jaban iyadoo koobkan ay hada heysato kooxda Milan.
 

 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore