Sport news

Other news

Somali songs

Somali video's

Chat

Sports conver

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

   - Mourinho tababaraha cusub ee Inter
 
Mourinho

26.05.2008, deeyoo.com

Tababaraha caanka ah Jose Mourinho ayaa lasoo warinayaa in qandaraas 3 sano ah uu la galay kooxda dhowaan ku guuleysatey horyaalka Talyaaniga ee Inter.

Heshiiskan uu Mourinho la galay Inter ayaa ku kici doono 9 milyan oo euro sanadkiiba sida ay soo wariyeen saxaafada Talyaaniga iyo weliba kuwa Bortoqiiska iyadoo maanta gelinka dambana la bari doono ciyaaryahanada koxda.

Ma jiro weli war rasmi ah ee kasoo baxay labada dhinac ee ay arintan quseyso hase yeeshee Mourinho ayaa sheegay todobaadkii hore in labada todobaad ee soo socda uu koox tababare u noqon doono.

Waxaa hore u jiray guux badan oo Mourinho ku xiriirinayey kooxda Inter hase yeeshee markii dhowaan ay soo baxeen in macalnka Inter Mancini oo 3dii sano ee ugu dambeysey kooxda kula guuleystay horyaalka Talyaaniga ay aad u raadineyso kooxda Chelsea oo iska ceyrisay tababare Avram Grant taasoo wadada u sii fududeysey Mourinho.

Mourinho waxaa shaqadii tababaranimo ee Chelsea laga raacdeeyey dhamaadkii sanadkii hore markii ay isku dheceen milkiilaha Chelsea Roman Abramovich isagoo wixii waqtigaas ka dambeeyeyna aan wax shaqo tababaranimo ah qaban.

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in tababaraha Man.City Sven Goran Eriksson kusoo biiray ragga u sharaxan iney qabtaan jagada uu baneeyey Avram Grant iyadoo hore loo sii saadaalinaayey in rag ay ka mid yihiin Macalinkii hore ee Barcelona Rijkaard iyo tababaraha Inter Mancini ay buuxin doonaan booska banaan ee leylinta Chelsea.

 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore